Sign in to follow this  
me

Qoraal jawaab u ah hadalkii Siilanyo oo ka soo baxay Somalilandka.

Recommended Posts

me   

Qoraal jawaab u ah hadalkii Siilanyo oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

 

Warkii 08-Apr-2008 iyo Qormadii: H Dirie

 

Guddomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa gaashaanka u daruuray in aanay aqbali doonin Muddo loo kordhiyo maamulka Riyaale.Hadaba waxaa qoraal ay arintaas kaga jawaabayaan soo saaray madaxtooyada Somaliland,nuqul ka mid ah qoraalkaas oo naloo soo diray waxa uu u qornaa sidan hoose:

 

 

Aniga oo tix-raacaya Waraysiyadii Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Siilaanyo uu siiyay Warbaahinta qaar ka mid ah , taasi oo uu ku cel-celiyay in aanu aqbali doonin in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin loo kordhiyo mudada uu xilka Madaxtinimada hayo.

 

Marka hore Siinaayo si fiican uma akhrisan Dastuurka dalka u yaala ee ku saabsan doorashada Madaxweynaha, qodobka 83-aad, Farqadiisa saddexaad oo si cad u tilmaamaysa in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ay sii wadi doonaan hawlaha ay u xil saaran yihiin ilaa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen cusub la soo doortaa kala wareegaan xilka.

 

Waxa la yaab leh in Siilaanyo carabka ku dhuftay in Madaxweynuhu ka soo baxo Qasriga Madaxtooyada bisha May badhtamaheeda sida uu hadalka u dhigay, taasina waxay muujinaysaa in qasrigii Madaxtooyada uu ka dhigay guri ama dukaan isagu iska leeyahay.

 

Afxumada iyo Aflagaadada noocaas ahi ma aha sifo lagu hanan karo kursiga Madaxtinimada dalka , waxase aanu u sheegaynaa in Madaxweynuhu yahay Madaxweyne Qaran oo shacbiga reer Somaliland soo doorteen , una diyaar yahay in uu jagada baneeyo haddii lagaga helo doorasho xor ah oo xalaal ah, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu baal marsan yahay go’aankii ay wada jir u gaadheen Saddexda Xisbi Qaran oo uu ka mid yahay xisbigiisu , kaas oo ku salaysnaa in doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada la qabto Bilaha July iyo August.

 

Waxa la yaab leh in uu Siilaanyo ku tilmaamay dhawr jeer xeerka diiwaan gelinta in uu yahay mid qurxin ah , balse aanu waafaqsanayn dastuurka doorashada. Sida laga war qabo waxa uu Siilaanyo had iyo jeer ku cel celiyaa in doorashadu wakhtigeedii aanay dhacayn , taasi oo uu khal khal iyo cabsi gelin ku abuurayo shacbiga dhexdiisa.

 

Wax badan ayuu Madaxweynuhu ka dhawaajiyay in uu diyaar u yahay in doorasho xor ah ay dalka ka dhacdo , wakhtiga se doorashadaasi la qaban doono , waxa ay tahay mid u taala oo ay go’aankeeda leeyihiin Komishanka Doorashooyinku.

 

Hassan Dirie Jama

 

Contact:xassand2000@yahoo.com

 

or info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this