Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland President Returns Home

Recommended Posts

The President of the Republic of Somaliland, Dahir Rayale Kahin and his delegation arrive Hargeisa after they completed their visit to Britain, Ethiopia and Djibouti.

 

Members from the government, parliament and other officials were at the airport to receive the delegation.

 

Speaking to the media, the president said that during his visit he met the Britain’s Minister of Foreign Affairs, Mr. David Millband, the Ethiopian Prime Minister, Mr. Meles Zenawi and other officials where they discussed many issues concerning the security, development as well as political issues.

 

Talking about the current Somaliland issues, the President called to follow the constitution. “Politicians have the right to ask people for votes but not to scare them” said the president.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SDWO (Hargeisa 16/03/09) Wefdigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa ka dib markii ay socdaal qaatay Muddo ah ku tageen dalalka Ingiriiska, Djibouti iyo Itoobiya.

 

Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal international Airport inyar ka dib shir jaraa'id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa madaxtooyada kaga war bixiyay booqashadaasi UK, waxaanu ku Bilaabay sidan

 

"Markii aan halkan ka baxnay Jabuuti, ayaan sii marnay madaxweynaha Jabuutina kulan salaaneed ayaanu la yeelanay, Itoobiya ayaanu sii marnay oo aanu dhaafnay, Ingiriiska ayaanu tagnay. Sidii aanu ku balansanayn ayaanu isu aragnay waa markii u horaysay ee xoghayaha arrimaha dibada Ingiriiska aanu la kulano, inta badan waxaanu la kulmi jirnay wasiiru dawle, ama wasiirka Afrika. Run ahaantii waxyaabihii aanu ka wada hadalnay waxa ka mid ahaa kow dhaqaalaha sidii ay wax inooga tarayeen, xagga amniga wixii ay inaga tarayeen iyo xagga siyaasada waxay inaga tarayeen," ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale Kaahin oo tafaasiil ka bixinayay kulankii xoghayaha arrimaha dibada Ingiriiska.

 

"Waxay ahayd awal warbixin baa loogu gaynayee in aanu toos fool ka fool ah isku waraysano fariinteenii si fiican baanu u gudbinay, balankayaguna wuxuu noqday in Ingiriisku qadiyadeena dib u qiimayn doonaan, doorashada haddii Alle yidhaahdo soo socotana isbedel badan ku yeelan doonto xaaladeena, waxa kale oo aan ka hadlay meel kale oo la yidhaahdo Gatham House, oo dad badan oo siyaasiyiinta adduunka ah mar-mar loo ogolaado, warbixin baan ka jeediyay ka hadlaysa Somaliland marxaladihii ay martay, halka ay ku socoto iyo garnaqsi xaqa aanu u leenahay in aan ka mid noqono beesha caalamka. Dad badan oo meesha joogay su’aalo ayay I weydiiyeen laakiin meesha su’aalaha la isweydiiyo lagama baxo halkaas cid kala baxda looma ogola, waxay ahayd fursad kale oo aan fikradeena ka dhiibanayno dad badan oo aqoonyahan ah iyo dad badan oo siyaasiyiin ah ay si fiican inooga dhagaysteen."

 

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay kulankii uu la yeeshay raysalwasaaraha Itoobiya, wuxuu yidhi "Raysal wasaaraha Itoobiya waanu la kulanay waxyaabo badan ayaanu ka wada hadalnay, arrinteena maalin kastaba in aanu dadaal wadno weeye sidii aan u riixi lahayn in arrinteenu u meel gaadho. Isfaham fiican ayaanu halkaana kula kulanay."

 

Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo ka hadlayay kulankii madaxda dalka Jabuuti, wuxuu yidhi "Dalka Jabuuti si fiican ayaa naloogu soo dhaweeyay madaxweynaha Jabuuti saaka ayaan la kulmay, wasiirka arrimaha dibaduna wuxuu la kulmay xoghayaha guud ee IGAD. Dhammaan kulamadaasi waxay ahaayeen kulamo wax ku ool ah, oo la is odhan karo qadiyadeena horumar badan ayaa ka muuqda."

 

Intaas ka dib weriyayaashii shirkaasi sharaa’id ka qaybgalay ay madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin weydiiyeen su’aalo u dhacaysidan:

 

S: Mudane madaxweyne, waxa jirta mudadii shanta sanadood ahayd ee lagu doortay iyo muddadii sanadka ahayd ee golaha guurtidu kuu kordhiyeen wax dagaal ah dalka kamay dhicin, markaa ma ka raaligelinaysaa shacbiga Somaliland mudadaasi labada jeer ah ee doorashadii madaxtooyada aanad ku qaban?

 

J: Horta, waxaan ku weydiin lahaa marka u horaysa sharciga Somaliland ma taqaanaa, adigoo suxufi ah ma akhrisataa, dawlad mee ka baxaysaa ma jirto ilaa doorasho ay timaado.

 

Aniguna wakhti ii kordhiya ma aan odhan duruuf baa keentay, shacbiga Somaliland-na kiis iima haystaan.

 

Xeerarka dalka u yaalla ayaa la raacayaa, anigu haddii aan joogo iyo dabaday haddii ay qaar kale yimaadaan oo doorasho qabsoomi weydo, nidaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ayaa la marayaa.

 

S: Mudane madaxweyne in badan baad safaro dibada ah aad ka timaadeen waxaad hore u sheegteen in aqoonsigii Somaliland inuu in yar soo jiro markaa halka uu marayo bal faahfaahin naga sii?

 

J: Horta aqoonsigii wax gidaaryaala oo laga soo qaadayo ma aha, dadaal weeye wuu socdaa dadaalku, waxaan sheegayaa maalintii aan bilaabay iyo maanta inuu maalinba maalinta ka dambaysa uu ka soo dhow yahay ayaan kuu sheegayaa.

 

S: Xisbiga Kulmiye wuxuu ku doodayaa in marka la gaadho 6-da bisha April 2009, haddii doorasho ku qabsoomi weydo in golayaasha baarlamaanka loo gudbiyo oo wada tashi la iskugu yimaado arrintaas sideed u aragtaa?

 

J: Xaggee ayay ku qoran tahay, anigu xeerka in la raaco ayuun aan aamisan nahay Kulmiye waa inuu xeerka raacaa, xeerarka waxaynu u samaysanay in aynaan murmin oo nin waliba ku qasbanaado inuu xeerka raaco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I singed on today just to reply here...

 

First of all great welcome to the president who will never be welcomed again as head of state...i hope he enjoyed his last flight around the world..

 

Secondly, thanks for JB for the news & pics...

 

as for ANTARA...walaahi the girl on the right is most beautiful, smart & confident than the one in the middle..I am sure if she takes hijab, there will be no way to compare them...

 

Thanks to somaliland democracy & media 4 even letting us vote the hotest girl in the news- what a free country!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdinasir

 

proper country?

Somaliland ...YES

 

UDUB....NO

 

CIMG9332.JPG

 

Bal saqajamiintan madaxweynaha dhex boodaysa eeeg?

way isku xoqxoqayaan..."ana dhaxlaya...ana dhaxlaya"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

CIMG958520.JPG

 

Tan in lagu soo qasbay koofida ee u egtahay...A little dhoola cadees wouldn't kill her bisinkee! Heck even a relaxed face!! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Why pick on the pretty one alone, xaasid waaxid? The rest are not full of smiles themselves. Koofida iska daa (notice the I), I think they were forced to attend the whole thing. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Way isa sawiraysaa inantu, sida islaanta oo kale. Lama neefsado xaggaa iyo waqooyi kolka la isa sawirayo. It is even worse in my home village. People say 'isug aan is diyaariyee', and then clear their throats xxxhhh,cixi, cixi. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^LOL, rageedii waaye kuwaas...Gosh, this reminds me, I once jokingly said 'aamusa intaa isa sawireyno suusan hadhoow hadalkeena sawirka uga soo bixin'...Walaahi, hadey aamuseen kawaran!!!

 

NG, eesh calaa walad (don't know how to say student in arabic)...You're now one step closer to that gabay uu Xiin sheegaayay... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

War inanta koofida wadata ha la daayo, I think she is smart & pretty but something unseen urged her to be on the lookout.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this