Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ethiopia Opens Its Market for Somaliland Products

Recommended Posts

Hargeysa(Sawnews/Bnn )- Dowlada Federalka Itoobiya ayaa ku balan qaaday in Wax soosaarka Warshadaha Somaliland ay u furi Doonto Suuqeeda, balan qaadka Dowlada Itoobiya ayaa ka dambeyey Safar Dhawr Wasiiro iyo Maareeyaha Dekeda Berbera ay ku tagayn Magaalo Madaxda Itoobiya ee Adis Ababa.

 

Weftigii Xukuumada Somaliland ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Maaliyada Somaliland, ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal qaatay muddo afar cisho ah oo ay ku tageen dalka Itoobiya, oo ay saraakiisha dalkaasi kala xaajoonayeen sidii loo dhammaystiri lahaa mashaariic iskaashi oo labada wadan ay hore ugu heshiiyeen.

 

Weftigan waxa kale oo xubno ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub Maxamed, Maareeyaha Dekada Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) iyo Maareeye ku Xigeenka Hay’ada wadooyinka Somaliland ee SRA, Eng. Xuseen Cabdi Cali, ayaa galabta ka soo degay gegada caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa.

 

Wasiirka Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub Maxamed, oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa kula hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ay masuuliyiinta dawlada Itoobiya kala hadleen sidii loo dhamaystiri lahaa fulinta heshiis iskaashi oo ay labada wadan hore u kala saxeexdeen oo ay ka mid ahayd dhismaha wadada isku xidha Berbera iyo Itoobiya iyo mashruuc kale oo la xidhiidha horumarinta dekada Berbera iyo madaarada Somaliland.

 

Wasiirku wuxuu tilmaamay inay la kulmeen Wasiirada dhigooda ah oo ay kala hadleen arrimahan, isla markaana ay isku af-garteen in mashaariicdan si loo bilaabo qeybtooda hore bil ka dib labada dhinac iskaga yimaadaan.

 

Md. Sulub wuxuu sheegay in dawlada itoobiya ay sheegtay inay deeq-bixiyeyaasha ka codsan doonto dhaqaale kor loogu qaado tayayada adeegyada dekada Berbera.

 

“Waxa kale oo aanu la kulanay Wasiirka Ganacsiga iyo wershadaha waxaanu balan qaaday in Itoobiya dalkeeda loo iib geeyo wax-soosaarka wershada Somaliland sida kalluunka, milixda iyo Taydha oo kale. ”Ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha guud ee Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

WOW, THIS IS BIG NEWS.

 

IM OFF TO WAJALE IN DECEMBER...MARK MY WORDS (INSHALAH) MAKE ME SOME MORE DOSH..

 

SELLING CHINESE ELECTRONICS IN BULK TO 70 MILLION ELECTRONIC STARVED XABASHI'S.

 

SOME GUYS THERE WERE MAKING 10,000 US DOLLARS IN ONE DAY.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this