Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Hizbul Islam issues radio regulations, declare they would welcome Sh. Usama bin Laden

Recommended Posts

Al-xizbul Islami oo Osama bin Ladin Dalka ku soo dhaweynaya amarana dul dhigey Idacadaha Muqdisho

 

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Ururka Al-xizbul Islami Macalin Xaashi oo gelinkii danbe ee Maanta Saxaafada shir jaraa’id kula Hadley ayaa amaro dhowra ku soo rogey Idaacadaha ka howl gala Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn waxa uu sheegay Idaacaduhu muddo ku siman 10 cisho gudahood iney ku joojiyaan Heesaha kale duwan ee Idaacadaha Magaalada Muqdisho ku yaala ka baxa.

Xilligaa wixii ka danbeeya Idaacadii aan amarkan u hogaansamin waxa uu sheegay iney ka qaadayaan talaabo adag oo muuqata, balse faahfaahin kama aanu bixin waxa ay noqoneyso.

Waxa uu sidoo kale ku amrey Idaacada wixii maanta ka danbeeya inaaney ugu yeeri Karin Shisheeye Xoogaga Islaamiyiinta ee ka bar bar dagaalada iyaga Soomaaliyana aan u dhalan, balse ay ku tilmaamaan Muhaajiriin Jihaad Soomaaliya u yimid.

Waxa uu Macalinku sheegay iney mudanyihiin shisheeye in lagu tilmaamo ayna yihiin ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho u jooga gacan siinta DKMG.

Macalin Xaashi, waxa uu sidoo kale sheegay dalka iney ku marti qaadayaan cid walba oo dooneysa iney kala qeyb gasho dagaalka Jihaadka ee ay kula jiraan ciidamada shisheeye iyo kuwa gacan saarka la leh, sida uu hadalka u dhigey.

Isaga oo hadalka sii tixraacaya waxa uu sheegay iney xitaa dalka ku soo dhaweynayaan Hogaamiyaha Ururka Al-qacida Usama Bin Ladin, maadaama dalka ay ku sugan yihiin ciidamo Shisheeye oo xoog ku jooga.

Macalin Xaashi oo mudooyinkan Saxaafada aan hor imaan ayaa ku daah furtey maanta amaro adag oo ku soo rogey Idaacadaha Muqdisho iyo hadal cad oo ku aadan Ururka Al-qacida oo aan horey Ururkiisa looga baran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this