Sign in to follow this  
xiinfaniin

A good start.

Recommended Posts

Muqdisho: Al- Shabaab oo qirtay in ay qaladaadyo badan galeen.

9. januar 2009 - APL

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ururka AL- Shabaab oo ka mid ah Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa qiray in ay galeen ayna qaateen talaabooyin qaldan, waxaana hadalkan kaga dhawaaqay Magaalada Buur-Hakaba qaar ka mid ah Madaxda Ururkaasi.

 

Afhayeenka Ururkan Muqtaar Roobow Cali ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan qaladaadyo badan oo ay galeen Kooxdoodu, ayna markan wadaan sidii ay dib u eegilahaayeen waxna uga qaban lahaayeen.

 

Afhayeenkan ayaa hadal ujeediyay dad badan oo iskugu soo baxay Magaaladaasi, oo aan waxba badan ka fogeyn Magaalada Xarunta u ah baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo, isagoo ay garab taagnaayeen rag Madaxyadu uqarsan yihiin.

 

Muqtaar Roobow ayaa tibaaxay in ay Kooxdoodu gaartay hadafkoodii ay lahaayeen oo ahaa in ay ciidamada Itoobiya ka saaraan gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna guul kama dambeys ah ku sifeeyey in ay awoodoodii joogto meesha ay horay ujoogtay.

 

Roobow wuxuu shaaciyey in ay Maalin walba ku soo biiraan qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanada Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya qaar kamid ah oo hubkoodii wata ay ula yimaadeen oo ay soo dhaweeyeen.

 

Al- Shabaab ayaa lugu tirayaa ururada ugu dagaalka badan ee gudaha Soomaaliya, ayna qaladaadyo badan ku galeen dagaalkaasi, waxaana lugu eedaynayaa oo ay ku eedeeyeen Hay'adaha Xuquuqda Aadanaha in ay amaradooda ku diideen in Hay'adaha Samafalku ay caawiyaan dad badan oo ku sugan gudaha Soomaaliya oo ka cararay dagaalada ka socda guryahoodii oo kuyaala Magaalada Muqdisho.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

A good start indeed. Will we be expecting a reformation of a sort then? Or is this press release a soundbite deemed appropriate for the today's propaganda propagation?

 

The salient question that begs to be asked is: will the A-S ever warm up to the idea of partaking in national reconciliations, alongside Sheikh Shariif?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this