Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Mogadishu: The liquidation of a puppet district commissioner for the apostate entity

Recommended Posts

Gudoomiyihii degmada X/jajab ee dowladda KMG oo Maanta Barqadii Qarax miino ku dhintay iyo Xarakada AL Shabaab oo sheegatay dilkiisa

 

Waxaa saakay Qarax miino ku dhintay gudoomiyihii degmada X/jajab ee gobolka Banaadir iyadoo qaraxaasna ay masuuliyadiisa sheegteen Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.

Wararka laga helayo degmada X/jajab ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Maanta barqadii miino lagu dilay gudoomiyihii degmada X/jajab ee dowladda KMG ee Soomaaliya iyadoo dhaawac uu soo gaaray ku xigeenka dhinaca amaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Saraakiishaani ayaa la sheegay in gaari ay la socdeen oo marayay degmada X/jajab ay la qaraxday Miino dhulka ku aasneyd taasoo sababtay in halkaasi uu ku geeriyoodo Gudoomiyihii degmada X/jajab ee gobolka Banaadir Axmed Sheekh Max’uud Qoorleex iyadoo sidoo kale uu halkaasi dhaawac ka soo gaaray ku xigeenka dhinaca amaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyay Warsame.

Dadka deegaanka oo Shabelle ay la xariirtay ayaa sheegay in xiliga Miinada lala eeganayay gudoomiyihii degmada X/jajab uu marayay xaafada Afisyooni qeybta degmada X/jajab ee gobolka Banaadir waxaana ay intaasi ku dareen in uu bur bur xoogan soo gaaray gaarigii ay saarnaayeen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Max’ed C/laahi Cariik oo Shabelle la hadlayay ayaa sheegay in uu geeriyooday Gudoomiyihii degmada X/jajab xili uu lugeynayay agagaarka dhismaha Afisyooni degmada X/jajab ee gobolka Banaadir iyadoo sidoo kale uu sheegay in halkaasi uu dhaawac ka soo gaaray gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo askar ilaalinaysay kuwaasi oo uu tilmaamay in loo qaaday isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Max’ed C/laahi Cariik waxaa uu intaasi ku daray in daqiiqado kadib markii ay qaadeen meydka gudoomiyaha iyo dhaawac masuulka kale uu isla goobtii ka dhacay qarax kale,waxaana qaraxyadaani masuuliyadood sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu ka hadlay dagaalkii ciidamada dowladda KMG saakay ku dhexmaray degmada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho isagoo sheegay in dagaalkaasi uu dhexmaray koox uu ku tilmaamay dadka deegaanka iyo ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya isagoo intaasi ku daray in ciidamada dowladu ay halkaasi howlgalo ka wadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyihii degmada Xamar jajab oo goordhow lagu dilay qarax miino

 

Warar goor dhow soo gaaray warqabadka Idaacadda Alfurqaan ayaa sheegaya inuu geeriyooday Gudoomiyihii degmada Xamar jajab Maxamed Maxamuud Qoor leex kadib markii qarax miino oo dhulka lagu aasay lala beesaday gudoomiyaha iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa.

Ilaa iyo hadda faa faahin lagama hayo sida uu u geeriyooday gudoomiyaha balse warar kala duwan ayaa kasoo baxaya geeridiisa,iyadoona wararka qaarkood ay tibaaxayaan in miinada laga hago meelaha fog fog lala helay gaari ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir taasi oo sababtay inuu halkaasi uu ku nafwaayo Maxamed Maxamuud qoor leex.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Alfurqaan inay iyagu ka dambeeyeen qaraxa lagu dilay Gudoomiyihii degmada Xamar jajab, waxaana Saraakiisha oo lasoo xiriiray Idaacadda Alfurqaan ay si buuxda u xaqiijiyeen jiritaanka warka la xariira dilka qoor leex.

Dhanka kale Xiriiro ay Idaacadda Alfurqaan la samaysay Gudoomiyaha degmada Xamar jajab C/laahi Sahal Gardhuub ayaa waxa uu u xaqiijiyay in daqiiqado kahor la khaarijiyay Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab Maxamuud Qoor leex oo saaxiibo dhow ay ahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this