Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Oo Laga xusay 20 February

Recommended Posts

Hargaysa(Waaheen)-Labaatanka Febarwari oo ah maalin dadka reer dsc040931Somaliland ugu suntan taariikhdii Halgameed ee dib loogula soo noqday Madaxbanaanida Somalilnd ayaa saaka Hargeysa si weyn looga xusay

 

Xuska Labaatanka Febarwari oo ay qaban qaabiyaan isla markaana ay iska xilsaareen ururka dhalinyarada ee SONYO oo ay ku bahoobeen ururo dhalinyar ah oo ka dhisan Gobolada Dalka ayaa ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah Dhalinyaradii wakhtigaas UFFO ee uu xidhxidhay hogaamiyihii Taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Bare, ardayda Dugsiyada Hargeysa, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Ciidanka Band-boy da ee Booliiska Somaliland, waxaanay socod ka bilaabeen barxada wasaaradda Arrimaha Gudaha horteeda ilaa Beerta Xorriyada

 

dsc04107Ka hor intaanay Beerta Xorriyada gaadhin waxa ay UBAX dhigeen Taalada Labaatanka Febarwari oo ku taala ka soo horjeedka Maxakamadda Gobolka Hargeysa oo ahayd halkii ugu horeysay ee uu ka bilaabmo mudaharaadkii ardaydii Dugsiyada Hargeysi ay sameeyeen maalintii Maxkamadda la saarayay dahlinyaradii Aqoonyahanada ahaa, oo ay Ciidamadii Siyaad Barre si arxan-daro ah u laayeen ardaydii ka dhiidhiday Xukunkaasi waxaana maanta halkaa looga duceeyay dhamaan dadkii wax ku noqday maalintaasi iyadoo laga hadlay sababihii dhaliyay kacdoonkaasi

 

Intaa kabacdi waxa loo dareeray Barxadda weyn ee Beerta Xorriyadda oo ah halkii ugu horreysay ee laga taago Calankii ay qaateen dhulkii ingiriisku gumaysan jiray ee Somaliland halkaas oo laga jeedinayo khudbado kala duwan oo lagaga waramayo halkii ay taagnayd Somalilnd iyo halka ay maanta marayso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this