Sign in to follow this  
MoonLight1

Mass exodus of Journalists in MUQDISHO.

Recommended Posts

Magacyada Wariyeyaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho ee shaqada isaga tagay oo boorsooyinkooda u xir xiran.

 

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho ee ka howl gala Idaacadaha Maxaliga ayaa haatan kulan albaabada u xiran u socda, iyadoona kulankooda kadib soo bandhigaya sida ay shaqada uga tagaan, waxaana wariyeyaasha ay yihiin kuwo boorsooyinkooda u xir xiran.

 

Kulanka Wariyeyaasha oo saxaafada looga yeeray ayaa waxaa uu yahay mid ay qodobo ka soo saarayaan, iyadoona kulankooda kadib ay la hadli doonaan warbaahinta, iyagoona ka warbixinaya sida ay shaqada uga tageen.

 

Wariyeyaasha oo isugu jira xirfadlayaal ka howl gala Idaacadaha Maxaliga iyo wargeysyo iyo website-yo ayaa go'aan ku gaaray inay isaga tagaan shaqadooda, sababo xagga ammaanka, iyo walaaca ay ka qabaan dilalka joogtada ah ee lagu haayo saxafigiinta.

 

Inkastoo kulanka uu wali wariyeyaasha u socdo, ayaa hadana wariyeyaasha oo qeybo badan isugu jira ay yihiin kuwo hal mowqif leh, isla markaana gaaraya ilaa 20 wariye ayaa waxay cadeyn doonaan sida shaqadooda uga tageen, waxaana qaarkood ay ku cataabeen inay ku jiraan liiska dad loogu hanjabay in la dilayo.

 

Waxay isugu jiraan Tifaftirayaal, Madax wararka, iyo kuwa aqriya wararka idaacadaha iyo barnaamijyada siyaasada ee wareysiyada ah, kuwaasoo baxa habeenkii, waxaana wariyeyaashan laga dareemayaa cabsi ah inay naftooda ku waayaan howlahooda saxafinimo

 

Magacyada Wariyeyaasha oo aan ilaa iyo hada ku helnay si horu dhac ay ayaa waxay kala yihiin wariyeyaasha shaqada ka tagay ee boorsooyinkooda u xir xiran si ay isaga tagaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah:

 

1-Maxamed Abuukar Ma'da (Horn Afrik)

2-Xasan Cali Geesey (Somaliweyn)

3-C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala(Shabelle)

4-Maxamed C/llaahi Xaaji(Shabelle)

5-C/llaahi Kulmiye Caddow (Horn Afrik

6-C/fataax Jeyte (Simba)

7-Axmed Nuur Gentlemen (Shabelle)

 

Sidoo kale waxaa jira wariyeyaal kale oo iyana goostay inay shaqada isaga tagaan, isla markaana ka huleelaan Caasimada Muqdisho ee dhibaatada adag wali ka taagan tahay, waxaana isku dayi doonaa inaan helno magacyada wariyeyaasha kale ee shaqadooda isaga tagay, isagana barakacaya Magaalada Muqdisho.

 

Wariyeyaashan ayaa ku biiraya wariyeyaal fara badan oo horay ugu qaxay magaalada Muqdisho, kuwaasoo saldhigtay Magaalada Nairobi, kadib markii horay loo dilay saaxibadooda.

 

Laakiin Wariyeyaasha hada goostay inay isaga tagaan shaqadooda ayaa ahaa kuwo markii hore ku dhiiraday inay shaqadooda sii wataan, waxaase xaalka ku xumaaday kadib markii ay sii kordheen dilalka wariyeyaasha y hanjabaadaha kulul ee ay kala kulmayaan dhinacyada isku haaya Siyaasada Soomaaliya.

 

Maanta ayaa waxay noqoneysaa maalin madow oo Saxaafadda Soomaaliya, gaar ahaan mida Muqdisho taasi oo sababteedu ay tahay in ay is casilayaan raggii ugu cuslaa ee idaacadaha Muqdisho ka shaqeynayay.

 

 

Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weriyeyaal iyo fanaaniin caana oo cabsi uga baxaya Mogadishu

 

 

Mogadishu 09 June 2009 Waagacusub Media.

 

26 xirfadlayaal caana oo isugu jira fanaaniin iyo Weriyeyaal si weyn looga qadiriyo Somalia ayaa Waagacusub u sheegay inay boorsooyinkooda ka duuduubteen Mogadishu ka gadaal markii ay sii koradhay walaacooda ku saleeysan hanjabaado ay helayaan xulufadda Xasan Dahir iyo Ahmed Godane.

 

Listen Radio1 Radio2 Radio3 Radio4 Radio5 Radio6 Radio7 Radio8 Radio9

 

Weriyeyaasha iyo fanaaniinta cabsi darteed uga cararaya Caasimadda Somalia ayaa codsaday inaan magacyadooda la xusin,xaalada amaan aawadeed.

 

Suxufiyiinta todobaadkaan isaga baxaya Mogadishu oo la rumeeysan yahay inay yihiin tiradii ugu dambeysay ee barnaamij soo saarayaasha idaacada iyo Warbaahinada ka hoowlgala Somalia ayaan la ogeyn meesha ay ciirsan doonaan laakiin baqa cararkooda ay shaqooyinkoodii uga hayaameen wuxuu noqonayaa Tahriib aan la ogeyn waxay kala kulmi doonaan.

 

Fanaaniinta ayaa dowladda Federalka Somalia ku eedeeyay inay ka gaabisay wax u qabashada Suugaanyahanadda Soomaaliyeed waxayna sidoo kale huwanta Xasan Dahir iyo Ahmed Godane ku eedeeyeen inay ka heleen fariimo hanjabaado oo loogu sheegay in la dili doono Abwaankii ama fanaaniinkii lagu ogaado isagoo hees sameeynaa.

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ayaa Wargeys ka soo baxa dalka Talyaniga Wareysi uu siiyay wuxuu ku tilmaamay in Al-Qaeda ay halis ku noqon doonto guud ahaan geeska Africa hadii aysan beesha Caalamka gacan ka geysan sidii looga sifeeyn lahaa Somalia.

 

"Al Qaeda waxay Somalia ugu dhegan tahay,una ugaarsanee waxgalka Soomaaliyeed ,waxay u aragtaa dalkeena Istaraatiiji u muhiima dhinaca badda iyo berriga"ayuu yiri Madaxweyne Shariif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this