Sign in to follow this  
Cowke

Golis Telecom Presenting Gifts Of The Year. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Shirkada Golis oo Maanta Ku Dhawaaqday Hadiyad Sanadeed Qaali ah (Sawiro)

 

Boosaaso (RBC) Shirkada Isgaarsiinta Golis Telecom ayaa maanta shaacisay hadiyado sanadeed qaali ah oo ay heli doonaan macaamiisha shirkada, iyadoo qaab nasiib ah luga heli doono.

 

Xaflad maanta ka dhacday xarunta shirkada ee Boosaaso ayaa masuuliyiinta shirkada waxay ku sheegeen in shirkadu ay dadweynaha macaamiisha ah u soo bandhigtay hadiyadahan, iyadoo dadweynahana ay tartan u geli karaan hadiyada.

 

Madaxa xafiiska Suuqgeynta Golis Siciid Xuseen Ciid ayaa xaflada ka sheegay in hadiyadan loogu magac daray ‘GOLIS IYO NASIIBKAAGA’.

 

“Dadweynaha waxaan u sheegeynaa in maanta shirkadu ay furtay barnaamijka Golis iyo nasiibkaaga oo ah hadiyad sanadeed, waxaa looga qeybgali karaa in fariin ay ku qoran tahay ‘hadiyad’ aad u dirto numberka 140″.

 

Maareeyaha guud ee shirkada Golis Aadam Sheekhdoon Cali ayaa sheegay in hadiyadan aysan wax lacag ah ku xirneyn, waxaana dadweynaha u furan in ay ka qeybgalaan tartanka hadiyadan nasiibka ah taasi oo socon doonta mudo toddobaad ah, iyadoo markaasi ka dibna shirkadu ay xaflad weyn ku abaalmarin doonto dadka ku guuleysta abaalmarinta.

 

Qaabka ka qeybgalka:

 

1- Mobilkaaga Golis ka *** farriin adigoo ku qoraya ‘hadiyad’.

2- u *** fariinta numberka ‘140′.

 

 

Hadiyadaha waxaa ka mid ah:

 

- Gaari noociisu yahay Mark 2 Chaser

- Talaagad waxqaboojisa

- Qasaalada dharka lagu dhaqo

- Laptob computer

- Mobile phones iyo alaabo kale

 

Sida masuuliyiinta shirkadu sheegeen waxaa ka qeybgalka barnaamijka nasiibka hadiyadaha ay u furan tahay guud ahaan macaamiisha heysata mobile-ka Golis meel kasta oo ay joogaan.

 

Shaqaalaha shirkada Golis ayaan loo ogoleyn inay ka qeybgalaan barnaamijkan.

 

Cabdalle Muumin

RBC Radio

 

g1-300x225.jpg

 

g3.jpg

 

ciid.jpg

 

g2.jpg

 

g4.jpg

 

g51.jpg

 

g6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this