Sign in to follow this  
RedSea

Abu Mansuur not everyone is Alshabaab

Recommended Posts

RedSea   

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur
Ilaahay raali ha ka ahaadee.

 

abuumansuur.jpg

 

Khamiis, October 09, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id uga jawaabay eedeymo badan oo loo jeediyay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

 

Ugu horeyn waxaa uu ka hadlay xayiraad ay ku soo rogeen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo in ay Dadka cuna-qabateeyeen, wuxuuna sheegay in ay wararkaas yihiin kuwo aan sax ahayn, wuxuuna caddeeyay in garoonka la furi karo marka laga wada hadlo.

 

“Xirnaashaha Garoonka ma ahan Qur’aan soo degay, waana la furi karaa haddii laga wada hadlo oo ay Bulshada sidaas isla gartaan”ayuuyiri Abuu Mansuur oo intaas ku sii daray in sababta ay Garoonka u xireen ay tahay iyadoo garoonka uu noqday meel ay Ciidamo degan yihiin, isla markaana ay hub kala soo degaan.

 

“Garoonka markiisii horeba Mujaahidiinta ayaa furay, kadibna cadaw ayaa qabsaday, haddana haddii laga wada hadlo waa la furi karaa”ayuu yiri Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in furitaanka garoonka ay ku xireen lacag la siiyo.

 

“Wararkaas waxba kama jiraan, in aan lacag weydiisanno iska daaye, waxaaba jira Shirkado yiri lacag ayaan idin siineynaa, kuwaasi oo aan ka diidnay”ayuu hadalkiisa ku sii daray Abuu Mansuur oo caddeeyay in aysan ahayn dad isbaaro dhiganaya, “suurtagal ma ahan in aan sidaas u dhaqanno, waayo annaga ayaaba isbaarada la dagaallanna”ayuuna mar kale yiri.

 

Waxaa kale oo uu ka hadlay eedeyn kale oo loo jeediyay oo ahayd in ay u hanjabeen Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ......., wuxuuna sheegay in hanjabaaddaas aysan iyagu ka imaanin, suurtagalna aysan ka ahayn, “Odayaasha .....waa Waalidiinta Mujaahidiinta, mana suurtowdo in loo hanjabo, waxaaba la socotaan in taageerada ay u muujiyeen halganka iyo jihaadka socda loo xiray, dhibaatana loogu geystay”ayuu yiri Abuu Mansuur.

 

Abuu Mansuur oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay jiraan Dad ku qaraabta magaca Al-Shabaab oo dhibaato u geysta Shacabka Soomaaliyeed, “Shacabka Soomaaliyed waxaan u caddeyneynaa in dadka falalkaas geysanaya aysan ka mid ah Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxaana wadnaa tallaabooyin aan ka qaadeyno”ayuu yiri Abuu Mansuur oo caddeeyay in ay gacanta ku soo dhigeen dad falalkaas ku lug lahaa, kuwaasi oo ay maanta maxkamadeynayaan.

 

“Shalay ayaa ugu dambeysay waxaan soo qabannay Dad fidno-wadayaal ahaa oo Magaca Al-Shabaab dhibaato ku geystay, kuwaasi oo geystay falal isugu jira dil iyo dhac. Dadkaas maanta ayaa maxkamad la soo taagayaa, laguna qaadayaa wixii ay shareecada Islaamka ka qabto arrintooda”ayuu yiri Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

 

Ugu dambeyntiina, Abuu Mansuur waxaa uu ka hadlay Hay’ado Samafal oo la sheegay in ay xayiraad gaar ah ku soo rogeen, wuxuuna sheegay in aysan dhamaan hay’adaha ku soo rogin, balse waxa ay shaqada ka joojiyeen ay yihiin Hay’adaha Care iyo IMC, “Hay’adaha kale wixii qaab samafal ah u shaqeynaya howshooda waa wadan karaan, laakin labadaas hay’adood ee aan shaqada ka joojinnay ma howlgeli karaan, maalin gaar ah ayaana rabaa in aan arrintooda ka hadlo”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^Thanks for the audio.

It's important people understand that Alshabaab has no time to kill civilians when they have bigger obstacles like the EThiopians in their sights.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this