Sign in to follow this  
Juje

Shirkii been-beentabeelaha Soomaalida..ends in total failure..!

Recommended Posts

Juje   

Cali Mahdi oo markii ugu horeysay qirtay in uu fashilmay shirkii beelaha Soomaalida

Cali mahdi Maxamed oo ahaa shir gudoonka shirka beelaha Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay qirtay in uu fashilmay shirkii beelaha Soomaaliyeed kadib markiin uu sheegay kooxaha mucaaradka ku ah shirka ay gudbiyeen qoraalo lid ku ah howlahii shirka uu garwadeenka ka ahaa.

Cali mahdi oo sheegay shirka in la soo afmeerayo maalinta Bari ah iyadoona sida muuqatana aysan ka soo bixin wax horumar ah marka laga reebo in la heeso been beena xabadka leysa saaro

 

Shirka oo ewalba ahaa shinbiryahoow heesa hees wanaagsan heesa ayaa u muuqdo mid fashil ku dhamaaday ,inkastoo horey loo ogaa inaysan waxba ka soo baxaynin shirka kadib markii ay qaadaceen intabadan hogaankii dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Cali Mahdi oo sheegay in shirka dib u heshiisiinta la soo gabagabeyn doono bari

 

shirka dib heshiisiinta ee ka soconaya magaalada muqdisho ayaa maanta waxaa soo gaaray xarunta shirka gudoomiyaha gudiga shirka cali mahdi max'ed oo maalimihii ugu dambeeyey safarka ugu maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana uu halkaasi ka sheegay in maalinimada barito ah la soo gaban gabeyn doono shirka dib u heshiisiinta oo ka soconayey mudo ku dhawaad labo bilood ah xaruntii gadiidka booliska.

waxaana uu intaasi ku darey cali mahdi in ergooyinka ka qayb qaadanaya shirka la siin doono qarashaadkii yaraa ee loogu talagalay inay qaataan sidaasina ay isla soo garteen isaga iyo hay'adaha deeq bixiyaasha ah.

 

shirkaan oo horey ay u soo qaban qaabiyeen kooxda imbagaati ee uu hogaamiyo c/laahi yuusuf Axmed looguna talagalay in lagu jahaweereeriyo dadka soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb qaadanayey dadka iyagu guno raadis ah oo ka kala yimid qeybo ka mid ah dalka soomaaliya,waxaana sidoo kale ka soo horjeestay shirkaasi ka qeyb galkiisa dad fara badan oo ka mid ah wax garadka soomaaliyeed,iyo waliba dhinacyaddii iyagu diidanaa siyaasada kooxda impagati.

 

dadka lafa gura siyaasadaha somalia ayaa ku tilmaamay inaan shirka laga gaarin wax natiijo ah oo la taaban karo oo dan u ah umadda soomaaliyeed marka laga reebo ka doodista qodobo ay soo gudbiyeen fikrado shisheeye oo ay ka mid ahaayeen waxa lagu tilmaamay xagjirnimada diineed taasoo dadkii ka qaybgalay shirka ay layaab ku noqotay.

 

shirka ayaa waxaa qaadacay odayaasha beelaha ****** marka laga reebo dhinac yar oo u tanaasulay gunooyinka yar ee shirka laga ballan qaaday kuwaas oo uu horkacayay Cabdi Iimaan Cumar laakin haatan ayaa waxaa sii raja dhigaya ka qaybgalayaashii shirka oo aan weli helin wax qarashaadkii ay ka filayeen kooxda shirkan wadatay.

 

sababaha keenay in si lama filaan ah loo xiro shirka ayaa dadka qaar ku macneeyeen in ergada qaar ay ku haminayaan sidii ay uga qaybgali lahaayeen shirweynaha dhowaan ka furmaya magaalada Asmara ee dalka eritrea kaasi oo looga hadlayo aayaha somalia iyo sidii loo xoreyn lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Sxb horta how come your news reporting always never provide sources, something fishy in it, next time try to present the source, haka xishoonin your sources, no reason to hide it qof intaa kabadan kula yaabayso malahan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Shirka dib u heshiisiinta beelaha oo Cali Mahdi uu sheegay in berri la xirayo iyo buuq ka dhashay arrintaas

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada Shirka dib u

heshiisiinta beelaha Soomaalida Cali Mahdi Maxamed ayaa

ka dhawaajiyey in shirku uu maalinta berri ah ee 30-ka bisha ku beegan uu xirmayo.

 

Cali Mahdi Maxamed oo safar kedis ah ugu ambabaxay

dalka Kenya oo uu labo maalmood oo qura ku maqnaa ayaa markii uu shalay ka soo laabtay waxa uu sheegay in shirka

uu xirmayo 30-ka bisha Agosto ee ku beegan maalinka berri, wuxuuna xusay in gunnooyinkii loogu talo galay ergooyinka shirka ay qaadan doonaan, kadibna go’aannada shirka laga saxiixi doono, isagoo sheegay in ergay walba isagoo

faraxsan uu dib ugu laaban doono Gobolkii, Degmadii

ama tuuladii uu ka yimid.

 

Cali Mahdi wuxuu sheegay in xalay 6-saac loo sheegay in lacagihii ergooyinka shirka ay lahaayeen lagu soo shubay Shirkadda Xawaalada ee Dahab-shiil, isagoo sheegay in

shirka marka uu xirmo lacagaha loogu talo galay ergooyinka

la siinayo, isagoo xusay in ergay walba uu helayo lacagihiisa.

 

“Waxaan dalka Kenya u tagay inaan tirtiro hadallo been

abuur ah oo ay halkaan (Muqdisho) ka direen kooxo ka soo horjeeda shirka, waxaana hadalladaas ay ahaayeen kuwo ay ku sheegayaan in shirka aysan waxba ka soo baxaynin, balse markii aan sharraxaad ka bixiyay shirka ayay garwaaqsadeen Madaxda UNDP in hadallada la gaarsiiyay ay ahaayeen kuwo aan sax ahayn” ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed oo hadalkiisa

ay ka muuqatay inuu aad uga xun yahay hadallada loo gudbiyay Hay’adaha shirka wada.

 

Beesha Caalamka ayuu sheegay inay garwaaqsadeen in gudaha dalka Soomaaliya lagu qaban karo shir, isagoo sheegay in meesha ay ka baxday fikirkii ay qabeen oo ahaa

in shir aan lagu qaban Karin xilligaan Muqdisho, wuxuuna

Cali Mahdi sheegay in arrintaas aysan xilligaan ku jirin fikirka caalamka oo uu ogaaday in Soomaaliya ay tahay mid u socota dhanka wanaaga.

 

Ergooyinka shirka ka qeyb gelaya ayaa qaarkood ka cabanaya in shirku xirmo iyagoo ku doodaya inaanay wax heshiis ah iyo go’aanno shirka ka soo bixin, ajandayaal macquul ah oo xal keeni karana aysan ka doodin, waxayna layaab ka muujiyeen in shirku xirmo isagoon guulaysan.

 

Sababta soo dedejisay in shirku xirmo ayaa waxay tahay

bisha Ramadaan oo soo guda gashay, halka warar kale ay sheegayaan in dhaqaalaha shirka oo gacanta u soo galay guddiga qabanqaabada iyo dowladda KMG oo la doonayo

in siyaabo kale loo dabaro, iyadoo ergaduna ay taas ka

soo horjeeddo oo ay dalbanayaan in shirku sii socdo,

waxaana la sheegay in maanta ay ku buuqeen Cali Mahdi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Maya wuu nagu socdaa, baraf oo kale waa imarooyaa, LOL, that's if I were to pretend, for a second, to be a hardcore looters ltd co. supporter.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Emperor:

to be a hardcore looters ltd co. supporter.

Jecliya... :D

Tell you what, it is at any day and by far better than being a supporter of hardcore parasite who vie to live on at the misery of others.

To assume that this short-live victory, at the back of bringing Xabashi to the country, as cushion that can be relied on would be severe mis-calculation. But then again how would a group who are hereditiary 'dabakadhilifs and adoonsi uu adeeg' would know, unless and untill they are hit in the face by reality..which is not far sxb. Count the days. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ojelle   

lol War Juuje war buu ogyahay. Anigu amxaarada waan ka soo horjeeda iyo waxa taageeraba, laakiin waraka qaar meela lagu soo qoro dacaayad iyo kutiri kuteen buu u badanyahay.

 

 

Hadaba war la idin sii, xamar ayaan lahadlay maalin dhaweeto oo waxaan soo maqlay inta Ramadaanka aan lagaarin in amxaaro cashar adag loo dhigi doono inshaalah.

 

 

Lets hope it all goes well as planned.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this