Sign in to follow this  
General Duke

Clan Courts now take full control of all Mogadishu media..

Recommended Posts

After the major defeat and set back of the last few days the courts and Jedi master Indacade have threatened the Mogadishu media to writte the news from their angle.

 

Maxaakiimta islaamiga ah oo Saxaafada Muqdisho diniin kulul siiyey maanta taas oo ku wajahan isticmaalka

 

Shiikh Cabdi-raxmaan Janaqow iyo Sheikh Yuusuf Indha-Cade oo kala haya xilalka Kugeenka Fulinta iyo Madaxa Amaanka ayaa maanta si cad ugu sheegay koox saxafiyiin ah oo ka soo qeybgalay Shirkii jaraa’id ee ka dhacay Villa Baydhaba in aan wararka loo isticmaali Karin dagaalka in uu u dhaxeeyo Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka balse la dhahayo Somalia iyo itoobiya ayuu u dhaxeeyaa.

 

Digniintaan ayaa waxaa loo jeediyey Wariyayaasha iyo Xarumaha Warbaahineed ee ka jira Muqdisho waxaana lagu amray in ay isticmaalaan dagaalka in uu ka dhaxeeyo Somalia iyo itoobiya, isla markaana aan la soo hadal qaadin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Indha Cade ayaa sheegay in aysan jirin wax dowlad ah waxa uuna ku tilmaamay mas’uuliyiinta dowladda in ay yihiin Tigree sidaasi daraadeed Idaacadii ama wariyihii eraygaasi isticmaala waxa ay sheegeen in laga qaadi doono talaabo cad.

 

[Ruuxii doonaya in uu erayadaa Isticmaalo, ha aado Baydhaba iyo Adis-ababa balse halkan suurto gal idinku noqon meyso in aad dhex dhexaad kaga noqotaan Xaaladaha dalka ka jira,] sidaasi waxaa yiri indha Cade.

 

Qoraalkan digniintan ayaa waxaa aqriyey Sheikh C/raxmaan Janaqow, waxa uuna soo jeediyey in awaamiirta sida ay tahay loogu dhaqmo, waxa uuna dhinac kale ka digay in Xoogaga Maxaakiimta in loo isticmaalo Maleeshiyo, waxaa loo isticmaali karaa ciidan.

 

Amarkan ka soo baxay Maxaakiimta islaamiga ah ayaa u muuqanaya mid kala dhantaalaya dhexdhexaadnimadii warbaahinta gudaha soomaaliya oo xiliyo adag ku soo shaqeeyey dhex dhexaadnimo, waxaana muuqanaya in gabi ahaanba la diidan yahay jiritaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo la og yahay ilaha wareed ee haatan dalka ka jira in ay yihiin labadaasi dhinac marka laga reebo Itoobiya.

 

 

Abdirahman Mahamed Hassan

(Xudeyfi)

xudeyfi4@hotmail.com

Somaliweyn Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

[Ruuxii doonaya in uu erayadaa Isticmaalo, ha aado Baydhaba iyo Adis-ababa balse halkan suurto gal idinku noqon meyso in aad dhex dhexaad kaga noqotaan Xaaladaha dalka ka jira,] sidaasi waxaa yiri indha Cade. ;)

 

So this is the progress many here talk about, we are back to the days when you could not speak your mind. So what ever IndaCade says is the truth as he is the religious leader after all.

 

Again where is the mouth piece Sharif Ahmed?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walahi the guys looks sooooooooo afraid.

 

Looks like he seen a ghost or something. lol

 

They can control the media but they don't control what takes place on the battle field.

 

Just today they lost over 100 guys

 

Who told them to mess with the TFG?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Idaacadaha HornAfrik iyo Shabelle oo bareer ah ula saftay Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya.

 

{Muqdisho}22-12-06 Qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa waxay bilaabeen inay lumiyaan dhexdhaxaadnimadii Saxaafadda, iyagoo si rasmi ah u bilaabay inay ku kala magacaban dagaalada ka socda Baay in ay u dhaxeeyan Dowladda Itoobiya iyo Maxkamadaha Islaamiga.

 

Idaacadda HornAfrik ee Magaalada Muqdisho oo shalay nin dhageysta ah ka sii daayay hadalo kulul Aflagaado ah oo loo geystay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi kuna yiri Badow hadduu jira waa Cali Geeddi ayaa wararkeeda oo dhan waxay u ek yihiin kuwa ka fog xaqiiqda dhabta ah, waxayna Idaacadan ka been sheegtay wararka dagaalada ku saabsan.

 

Idaacadda Shabelle ayaa sidoo kale caddeysatay inay ka mid tahay Garabka Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya, waxayna meesha ka saartay kaalintii dhexdhaxaadnimada ee Warbaahinta.

 

Marka aad dhageysato wararka ay sii deynayaan Labadan Idaacadood oo ka mid ah Idaacadaha FM-yada ee ka jira Magaalada Muqdisho waxaa ka dareemaysaa warkooda inuu yahay mid hal dhinac la socda.

 

Waxa kaliya soo bandhigaan aragtida dadka taageersan Maxkamadaha, iyadoo Magaalada Muqdisho laga helayo kumanaan Soomaaliyed oo taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Idaacadda Banaadir ee Muqdisho ayaa u muuqata Idaacadda kaliya ee ku shaqeysa qaab dhexdhaxaadnimo ah, waxayna sii deysaa Idaacadaas warar runtii aad dhihi karto waxay u dhaw yihiin runta.

 

Qaar ka mid ah dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa waxay ii sheegen inayba iska dhaafeen dhageysiga Idaacadahas kadib markii ay u dul qaadan waayeen wararka aan salka lahayn.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa horey u sheegay in Idaacada BBC da ay tahay qabqablaha dagaal ee ka jira Magaalada Muqdisho ama Soomaaliya.

 

News Desk WidhWidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this