Sign in to follow this  
Liibaan

Suldaanka Somaliland ayaa sheegay in aanay caqli gal ahayn in xabsiga lagu jidh dil

Recommended Posts

Liibaan   

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland

Written by Faysal C/Laahi

 

Thursday, 05 October 2006

 

Hargeysa (Hormood) Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka mida Madax dhaqameedyada waaweyn ee Somaliland , ayaa sheegay in aanay caqli gal ahayn in xabsiga Hargeysa lagu jidh dilo Maxaabiista kala duwan ee lagu hayo.

 

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir , waxa kale oo uu Waraysi gaar ah oo uu siiyay (Maan)- uu kaga hadlay Aragtiidiisa ku wajahan waxqabadka golaha Wakiilada, isbedelada ka dhacay dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee loo soo xuli karo golaha Guurtida Somaliland, waraysigaasi oo dhamaystirani wuxuu u dhacay sidan:

 

 

S: Suldaan side ayaad u aragtaa xaaladda siyaasadeed ee dalku xilligan ku jiro?

 

 

J: Xaaladda siyaasadeed ee Maanta aynu maraynaa waa meel ilaahay lagu mahadiyo waayow axa Somaliland qabsatay waa laga wada dharag san yahay , waxana la inooga baahan yahay inaynu ku faro adaygno.

 

 

S: Suldaan dad baa Aaminsan in Maxkamadaha Muqdisho ay faro gelin ku soo samayn doonaan Madax banaanida Somaliladn markaa side aynu uga gaashaaman karnaa?

 

 

J: Anigu waxa aan qabaa in Maamulkeena iyo dawladnimadeenu inoo dhisan yihiin oo waaxihii kala duwanaa qaran inoo dhismeen mana aaminsani in Imbegati iyo Maxkiamado midna ina carqaladayn karaan.

 

 

Waxa xusid mudan in Maxkamadaha Muqdisho qabsaday ay asal ahaan ka soo jeedaan dawladii Carta ee C/qaasim , waxa weeye C/qaasim wixii dawldiisu qaban wayday in aanu ku qabsan Karin isagoo shaadh wadaadnimo sita.

 

 

S: Suldaan Halkaad u tuhmaysaa inay salka ku hayso arrintan l asheegayo in xabsiga lagu jidh dilay mid ka mida Maxaabiista u xidhan falalkii Argagaxiso?

 

 

J: Walaahi Arrimahan Maalmahan dhacayay iyo Mudaharaadyadan waxa aan leeyahay waa arrin aan jirin oo iska malo awaal ah, Somaliland wxay ka dhalatay Cadaadiskii Taliskii Afweyne ma aha mid wax jidh dil iyo tacadi ah dadka ku samaynasya.Waana aan ku qancay jawaabihii uu wasiirka Daakhiligu ka bixiyay arrintan.

 

 

Waxa aan xukuumadda kula talin lahaa in ay Maxbuuskan dadka ugu soo bandhigto meel Fagaare ah si bulshada loo tuso inaanu wax Nabaro ah qabin lana jidh dilin.

 

 

S: Suldaan Golaha Wakiilada Somaliland Mudadii la doortay sand baa laga joogaa Maxaad Is leedahay Mudadaasi way qabteen?

 

 

J: Golaha cusub ee wakiilada waxa aan ku qiimaynayaa goel aan waajibaadkiisii xil gudasho weli garan.

 

 

Waxa aan leeyahay xildhibaanada xisbiyo ayaa laga soo doortay oo ay ka soo jeedaan, markaa shacbiga Somaliland ceeb ayay ku tahay in golihii wkaiiladu xisbiyo u kala fadhiyaan , shacbgiu uma ay dooran inay xisbiyo u doodaan ee waxa loo doortay inay Gole qaran noqdaan oo ummada wixii u dan ah ay taageeraan , markaa inay iyagoo saddex xisbi kala ah inay muran iyo yooyotan wadaan ma aha haddii ay sidaasi wax ka bedeli waayaan ma noqon karaan gole qaran .

 

 

Waxa aan golaha Wakiilada ugu baaqayaa inay noqdaan Baarlamaank ummadeed , oo waxa shacbigu ka sugayo ayaa ka muhiimsan xisbiyada.

 

 

S: Waxa jirta in xisbiga KULMIYE uu hore u sheegay in aanay aqoonsanayn

jiritaanka golaha Guurtida wixii ka danbeeya 30 Bishan October, khilaafkaasi ka dhashay Muddo kordhinta Guurtida Sidee ayaad u aragtaa?

 

 

J: Walaahi arrintaasi waa arrin murugo leh aniguna hore ayaan u taageeray Muddo kordhinta Guurtida.

 

 

Golaha Wakiiladu Maalintii ay Miisaaniyada Ansixiyeen waxa ay ahayd inay doorashada Guurtida ku daraan miisaaniyada kharashkii golaha Guurtida lagu soo dooran lahaa.

 

 

Waxa aan qabaa in golaha wakiiladu arrintaasi ka il duufeen waxa laga faa'iidaystayna waa kharash la'aanta iyo xeerkii oo aanay markaa diyaarin. Golahan Guurtidu waa gole aan fududayn , mana aha gole doorasho lagu soo xuli karo , waa gole dhaqameed , Nabad gleyo .

 

 

Markaa waa gole dahqan lagu xulayo , Tusaale ahaan anigu (Suldaanka) waan garanayaa ninka Nabad gelyada ka shaqaynaya iyo ka kale.

 

 

Balse haddii ay xisbiyo iyo doorasho loo qabto lama garanayo waxa inagaga soo bixi doona oo waxa dhici karta in la doorto qaar aan Nabadaba jeclayn , oo waxa ay Noqonayaan qaar u murma sida Golaha Wakiilada , sidaasi darteed waxa aan ku talinayaa in golaah wakiiladu ka noqdaan in Guurtida lagu keeno Doorasho, waxa aan Bulshada iyo Xisbiyada leeyahay in ay wada jir iyo midnimo muujiyaan Nabada iyo qaranimadeena aynu wada ilaashano.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this