Sign in to follow this  
Liibaan

Ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub oo weli Muqdisho ku soo qul-qulaya

Recommended Posts

Liibaan   

Ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub oo weli Muqdisho ku soo qul-qulaya

 

April 1, 2007 Markacadeey

 

 

 

 

Weli waxaa ku soo qul-qulaya magaalada Muqdisho ciidamo aad u faro badan oo ay leedahay dowlada federaalka Itoobiya, kuwaasi oo ka imaanaya dalka Itoobiya.

 

Ilaa 40 gaari kuwa dagaalka ah oo ay saran yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u faro badan ayaa xalay ka soo gudbey degmada Afgooye, kuwaasi oo soo galay magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan ayaa inta aysan soo gelin magaalada Muqdisho xalay ku hakadey deegaanka Carbiska, iyada oo ka hor ay magaalada shalay gelinkii dambe iyo maqribnimadii shalay ay soo galeen magaalada ciidamo aad u faro badan.

 

Warar laga helayo magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamadii dowlada Itoobiya ee ku sugnaa halkaasi ay Muqdisho soo wada aadeen, iyada oo kuwa kale oo ka yimid dalka Itoobiya ay halkaasi soo buuxiyeen.

 

Dhinaca kale, ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u faro badan ayaa fariin ka sameystay deegaanka Kala beyr, iyada oo ciidamadaasina la sheegay in ay koontarooli doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka jira gobolada dhexe.

 

 

Maxamed Cali Madka

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

wadankiiba xabashi baa la wareegtay

 

bal maxey maxkamadu ku sheego ka dooneen Baydhabo, dagaalkana u bilaabeen

 

inkastoo dowladu xaq u leheed in ee isdifaacdo/ self-defence, lakiin in xabashi wadanka lagu fasaxo ma habooneen,

 

 

Inay soomaali hishiisu wax dhaama ma jiraan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

oo ma hadaad soo hambabertay garaad? Maalintii aiy dawladdii siaad barre burburtaiy ayaa etoobiya soomalia loo fasaxaiy. Haddana dawlad dhan ayaa kucasuntaiy magaalada madaxdii. Soomali dhexdooda wadahadal coladoodii kudhamayn waaye. Reer muqdisho qoomamayn maanta intaasi ugufilan. kuwa isleh guul baad gaadheen farxad an waari doonin iyo maangabnimo ugufilan. Kalago'o iyo wadan lakalqaybiyo kuwa jecelna intaasi tusaale ugufilan. maantana soomali waxgard ahi intaasi quus ugu'eg.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Nabadshe,

 

kala qeybsanaanta ummada soomaaliyeed miyeenan dhibaato kula aheen? war xaalku quusna kadaran

 

hadal xikmad leh baa ku hadashay oo xaqiiq ah, inkastoo dadka inta badan runta wada ogyahay,hadana salaadu meel bey iska qabsan la'dahay

 

waa runtaa markii dowladii siyaad barre dhacday ayaa dalkiina kooxo xabashida u adeega ayaa la wareegay, oo itobiya dalkii gacanta ku galiyay

 

Che,

 

True, xabashis are allover Somalia in hergeysa, boosaaso, galkacyo, jowhar, Mogadishu, baladweyne, baydhabo,kismayo but they only facing some resistance only in few pockets in south Mogadishu

 

xabashis are not ready to fight against all somalia, they only know how to divide and rule

 

its never too late, soomaali dhamaantood diyaar ma u tahay inay hishhiiso? weeyaan su'aashu

 

 

Kuwa dowlada isku sheegaya waa inay ogaadaan in dadku dowlad wanaagsan rabaan oo dadka matasha

 

Kuwa diinta dano gaar ugu shaqeesanaya waa diinta culumada u daayaan waana inay ogaadaan in dadka soomaaliyeed dhamaan wada muslim yahay laga soo bilaabo jabuuti iyo zeylac ilaayo raakambooni iyo gaarisa,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this