Sign in to follow this  
SOO MAAL

QEYBE WAA RUNTII,MIDNIMO CADAALAD KU DHISAN WAA LAMA HURAAN.MIDNIMADDA SOMAALIYEED

Recommended Posts

SOO MAAL   

QEYBE WAA RUNTII,MIDNIMO CADAALAD KU DHISAN WAA LAMA HURAAN."MIDNIMADDA SOMAALIYEED

 

Ruug Cadaaga Weyn,Siyaasigga Caanka ah,Diplomaasigga Xeel Dheeraha ah,Waayo Araga ee Sida Weyn ula Socdda Arrimaha Somaaliya,Mudada Dheerna ku Soo Dhex Jiray Siyaasadda Somaaliya,Kor iyo Hoosna u Xafidsan Mabaa,diida Aasaasigga u ahaa iyo Wixii

Khaldamay oo Dhan oo ah Kuwo Hogaankii iyo Masuulintii Sarre ee Qaranku Haleeyeen.

 

Midnimaddii Somaaliya ee Sanadkii 1960-kii Waxeey ku Dhisneyd Firkad Wanaagsan,Aragti

Wadani-nimo leh,Shucuur Qoomiyadeed iyo Qiimaha Weyn ee Walaal-nimadda Somaaliyeed

Ku Qotonto iyo Sidii Loo Gaari lahaa Midnimadda Shanta Somaaliyeed oo Hadafka La Tiigsanaayo ahaa,Amaan iyo Xurmo Weyn Ayeey Mudan-yihiin Ummaddii Somaaliyeed ee Xiligaas Masuuliyadda Iska Saaray Xaqiijinta iyo Ka Mirro Dhalinta Midnimadda Waqooyigga

iyo Koonfurta Somaaliya iyo Abuuriddii Jamhuuriyadda Somaaliya,oo Gaaritaankoodu ahaa

Hadafka Kowaad ee Xiligaas.

 

Xaqiijintii iyo Abuuriddii Jamhuuriyadda Somaaliya,Waxeey aheyd Guul Weyn oo Ummadeed,

Ka Mirro Dhalintii Halgenkii Naf iyo Maalba Lagu Waayeey,Waji Cusub oo u Bilaabmay Dadka

Somaaliyeed,Si Farxad iyo Riyaaq lehna Loo Soo Dhoweeyey,Waxeey aheyd Maalin Lama

Ilaawaan ah,Sidda eey ii Sheegeen Odayaashii iyo Dad Badan oo Kaalin Weyn ka Soo Qaatay Xoriyadda iyo Xaqiijinta Midnimadda,Waana ku Mahadsan Yihiin,Shucuurka Midnimadda Waa Wax ku Abuuran Ummadda Somaaliyeed,Si Weyna Loo Jecel-yahay.

 

Mudane-Qeybe,Aragtidiisa ku Wajahan Midnimo Somaaliyeed oo Mabaa,di Cadaaladeed ku

Dhisan leh,Iyadoo Laga faa,iideeysanaayo Wixii Khaldamay iyo Dhibaatooyinka Jirra iyo In

Midnimadu Tahay Mid Ummadda Somaaliyeed u Siman-tahay,Wax Qeybsi Xaq ahna Lagu

Saleeyo,Shuruucdeedda iyo Xeerarkeeda Cadna Leh,Qoraalo Rasmi ah oo Aduunyado Joog

Jooge ka Tahay,Si Looga Fogaado,Ama Looga Taxadiro Khaladada Berri Imaan Karra iyo Wixii Daldaloomo ah,Dhinac Walbaa Kaalintiisana Gudanaayo,Midnimo Dhab ahna loo Gaaro,

Miradeeduuna Ummadda Wadda gaaraan,Qiimadeena Dhabta ah La Dareemo.

 

Mudane-Qeybe,Wuxuu Muujiyeey Xoriyadda iyo Madax Banaanidda Ra,yigiisa iyo Sidda uu u

Yahay Muwaadiin Xalaal ah,Nin Qarameed Danta Guud ee Ummadda Somaliyeed Donaaya,iyo Sidda uu u Aaminsan-yahay Midnimadda Somaaliyeed ee Hanaanka Saxa ah Qaadata,

Waana Aragtidda eey Qabaan Dadka Waxgaradka ahi,Laakiin Qeybe Wuxuu ku Darsaday Geesinimo,iyo Dadnimo Wanaaga uu u Dhashay,Iyo In uu Yahay Siyaasi Xeel Dheere ah,

Diraasad Waaqici ah,iyo Si Fiican u Akhrinta Xaqiiqadda Jirna Ayuu ka Duulay,Diplomaasi Axmed Maxamed Aadan(Qeybe),Waxaana Tusaalle Cad oo Wax ku Qaadasho u Baahan.

 

Midnimo Danaha Guud ku Jirto,Midnimo Dhab ah,Midnimo Qeexan oo Mad-madoow Laheyn, Midnimo Khayaano ku Jirrin,Midnimo Cadaalad iyo Hanaan Xaq Soor leh,Midnimo Isku Si Loo Wadda Aaminsan-yahay,Midnimo Qoraaladeena iyo Shuhuudkeeda leh Waa Mid Lagama

Maaraan ah,Waana Midda aan Aamiinsanahay,Waana Midda uu Cadeeyeey-Ruug Cadaaga Weyn,Siyaasigga Kowaad,Waaya Arag-Axmed Maxamed Aadan(Qeybe),Wuuna Ku Mahadsan-Yahay,Waana Mid uu Xurmo iyo Qadarin Weyn ku Sii Muteeysanaayo,Waana

Mid Diiwaanka Sharafta u Geleeysa,Keydkiisii Horre ee Wanaagsanaana ku Biireeysa.

 

Kuwa Dhinaca Xun iyo Aragtidda Cuqdadeysan leh,Meesha Dhoow Wax ka Eega oo u Jawab Celin Doona,Siyaasigga Weyn,Waxaan Kuwaas ku Oran Lahaa:-Nin Calool Galkaagii Ogaa Haatana Ciroobeey,oo Sir Iyo Caad Kuu Yaqaan Lagama Ceeb-Doono,Kuwa Leh Qeybe Wuxuu Ku Kacay Khiyaano Wadani,Waa Kuwo Si Shakhsi ah Naceeyb iyo Colaad u haya Qeybe iyo Reerkiisaba,Waana kuwo La Ogyahay Waxa eey Yihiin,Waa Gacan ku Dhiig-layaal Waaweyn oo Dagaalkii Sokeeye ee Beelaha Reer S/Land Xad-gudubyo Waaweyn ka Geeystay,Qeybe Dabmi,Xadgudub,Xatooyo,iyo Shirqool-toona Weligii kama Qeyb-Gelin,

Dhaqana Uma Laha,Waana Sababaha uu Ixtiraamka Gaarka ah ku Muteeystay,Waana Wadani Dalkiisa iyo Dadkiisa Daacad u ah,Hanaan Wanaagsan,Cadaalad leh,Sinaan leh, Harumar leh,Nabad-gelyo iyo Aamaan Buuxa leh,Hanaan Dimuqraadiyad leh,Xoriyada iyo

Xuquuqdda Dadka Illaaliya,Xoriyadda Saxaafadda Illaaliya,Midnimo Dhab ah,Hanaanka Dowlad Somaaliyeed ee Federaalka ah,oo Shuruudaha oo Dhan Buuxisa,Ayuu Qeybe Aamiinsan-yahay,Waana Midda inta Badan ee Ummadda Somaaliyeed Jecel-yihiin,waana

La Gaari Doonaa Midnimo Xaqiiq ah,oo Lagu Rumeeyo Hamigii,Halgankii iyo Rabitaankii Niyad Samidda iyo Dal Jaceeyka ku Dhisnaa ee Aabayaashii Midnimadda Somaaliyeed,

Inshaa Allaahu Midnimadda Somaaliyeed Weey Imaan.

 

-ALLA MAHAD LEH-

-QORRE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH(XASSAN CARAB)-

-Jen-04-2004.

-sharifhassan50@yahoo.com.

 

Source:

SOMALIWEYN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this