Sign in to follow this  
General Duke

Execution IN Bossaso new Puntland office in SOOL

Recommended Posts

Dil Toogasha Ah Oo Lagu Fuliyay Gacan Ku Dhiiglayaal Magaalada Boosaaso

 

Xafiis Hawlaha Guud Oo Maamul goboleedka Puntland uu Ka Furtay Laascaanood

Subaxnimadii saakay waxaa ka dhacay magaala Boosaaso xukun dil ah oo lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaal horay u gaystay falal dil ah. Gacan ku dhiiglayaasha oo ahaa 3 ruux ayaa magacyadooda waxa la kala oran jiray Axmad Maxamuud Faarax, Maxammad Cabdi Guuleed, iyo Yuusuf Barshe Xuseen. Dilkan loo gaystay ayaa ka danbeeyay ka dib kolkii maxkamadda ciidanka ee Puntland qaraar ku gaartay in qoorta loo jaro saddaxda gacan ku dhiiglayaal oo muddadii ugu danbaysay ku jiray gacanta booliska maamul gobaleedka Puntland .

 

 

 

asaastan ayaa ka dhacday goob fagaara ah oo ay isugu soo baxeen dadwaynea aad u fara badan oo iyagu ku faraxsanaa qaabka loola fal galay gacan ku dhiiglayaalsha, iyagoo u arkayey in nidaamka qasaasku yahay kan lagu kala badbaadi karo oo nolashu ku jirto . Saddaxdaan nin oo lagu fuiyeay qasaasta ayaa horay u dilay askar iyagu qudhooduna waxa ay ka tirsanaayeen ciidamada Puntland.

 

Dhinaca kale waxa laga furay magaalada Laascaanood xafiiska hawlaha guud iyo gaadiidka ee dawlad gobaleedka Puntland, xafladda furitaanka saakay oo ka dhacday magaalada ayaa waxa ka hadlay oo muujiyay muhiimmada xafiiskaasi uleeyahay deegaanka isku duwaha wasaaradda hawlaha guud Maxammad Faarax Cageey .

 

Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku dhuftay in shaqada xafiisku uu noqon doono mid ka tarjuma danaha dadka ku nool guud ahaan gobalka. Taliyaha qaybta booliska ee gobalka Sool gaashaanle sare C/llaahi maxammad Cabdi Geelle ayaa isna sheegay in xafiisku uu noqayo mid lagu baahiyo guud ahaan gobalka Sool isagoo sheegay in boolisku yahay baalasha ay ku duulaan hawlaha wasaaradaha. Ugu danbayntii taliyuhu waxa uu ka dalbaday oo uu ka codsay wasaaradaha kale in ay laamo ka samaystaan gobalka .

 

C/llaahi Khadar, Goobjoog, Muqdisho

 

WWW.GOOBJOOG.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this