Sign in to follow this  
General Duke

Is this the End Game/ Final War in the south

Recommended Posts

Diyaargaroow dagaal ayaa ka socda Koonfurta Somaliya

- Saturday, June 28, 2003 at 13:24

 

Muqdisho, (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya koonfurta Somaliya ayaa xaqiijinaya in diyaargaroow dagaal uu saameeyay gobolada koonfurta Somaliya.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda diyaargaroow xoogan, hogaamiye kooxeedka Cusmaan Xasan Cali (Caato) ayaa 4 tikniko ah iyo afar gawaarida waaweyn u diray Jubbadda Hoose, inkastoo laba tikniko ah iyo laba wiish ay dib ugu soo noqdeen Muqdisho ka dib markii maleeshiyadii saarnayd ay isku afgaran waayeen dagaalka loo diray, halka afartii kale ay ka gaareen Mugaanbe oo ay ku yaalaan beero Cismaan lee yahay oo la sheego in dalaga ku beeran ay ka mid yihiin maandooriyayaal (daroogo).

 

Dhinaca kale Gen. Galaal iyo col. Xasan Daahir Aways oo isagu ku jira liiska uu Maraykanku radiyo ayaa Muqdisho kula lahaa beelaha degan wadahadalo ay ku macneeyeen siddii looga hortagi lahaa weerar ka soosocda dhinaca Itoobiya, waxaa socda dhaqdhaqaaq xoog badan oo lagu uruurinayo maleeshiyooyin.

 

Dhinaca kale magaalada Kismaayo ayaa waxaa ugu yaraan la isugu geeyay goobo kala duwan ilaa 600 oo maleeshiyo ah, uruurinta maleeshiyaadka oo uu ka dhashay muran badan oo la xiriira maleeshiyooyinka oo dalbaday mushahaaro ay ku dagaal tagaan ayaa hadda la xaliyay ka dib markii loo balan qaday in la siindoono lacag.

 

Inkastoo dhaqdhaqaaqaan lagu abaabulayo in lagaga hortagayo weerar uu soo wado Jenarla Morgan ayaa haddana dhinaca Gen. Morgan ay sheegayaan in uusan jirin wax weerar ah oo ay maagan yihiin Col. Mahdi Miicaad oo ah afhayeenka Morgan ayaa sheegay in ciidankoodu ay joogaan rugahay horay u joogeen uusana jirin wax dagaal ah oo ay meel ku damacsan yihiin inay ku qadaan.

 

Dhinaca kale ayaa Gen. Galaal oo Muqdisho joogaa sheegayaa inuu ka hortagayo waxa uu ugu yeeray ciidamo itoobiyan ah oo soo dagay Ceel barde, oo uu sheegay inuu horkacayo Gen Morgan.

 

Wararka laga helayo dadka socotada ah ee ka imaanaya Bakool ayaa sheegaya in Gen. Morgan oo mudo ka maqnaa dhulkaas uu iminka yimid fariisamada ciidamadiisa, warku ma sheegin ciidamo Itoobiyaan ah oo aagaas soo galay, waxayse dadku sheegeen in markii gen. Morgan naf ahaantiisu yimid halkaas ay dib isku uruursadeen maleeshiyaadkiisii horay xooga looga soosaaray Kismaayo oo mudooyinkaan dambe ku kala firirsanaa Bay iyo Bakool.

 

Warar laga helay Kismaayo ayaa sheegaya in deegaanka Bu'aalo looga cabsi qabo inuu ka bilowdo dagaal, ka gadaal markii maleeshiyo laga soo diray Kismaayo ay halkaas soo wajaheen, iyadoo taageerayaasha SPM/SRRC ee aagaasina ay diyaar garoow bilaabeen.

 

Waxay u muuqataa mid diblaamisayada loogu talo galay marka la eego hadalada diblamaasiyadeed ee Itoobiye weerarka ah ee ka soo yeerayay Madaxweynaha garab ka mid ah DKGM ah/ Kooxda Carta Cabdiqaasim Salaad Xasan oo isagu ku sugan Nairobi iyo qaylo dhaanta Gen. Galaal ka wado Muqdisho oo uu ku sheegayo weerar ka soosocda Itoobiya, tani oo dadka Muqdisho u fasirteen in beesha labada nin ay kasoo wada jeedaan ay dadaal ugu jirto inay siyaasadooda ka iibshaan Muqdisho, iyadoo ay u muuqato mid quusatay DKMG ah /Carta marka la eego shirka Somalida uga socda Kenya.

 

DKMG ah / Kooxda Carta qofba sidda uu u yaqaan ayaa la ogyahay in awoodeeda siyaasadeed, mida ciidan iyo mida dhaqaalaba ay gacanta ugu jirto beesha Cabdiqasim iyo Gen. Galaal.

 

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Same news different persepctive

............................................

 

Maleeshiyooyin Ay Ethiopia Soo Hubeysay Oo Xadka La keenay.

 

Hobyonet Muqdisho.Sabti,28-06-03.

 

Dowlada Ethiopia ayaa soo abaabushay maleshiyoyin degaanka Kilinka 5aad oo sida la sheegay aad u faro badan kuna soo hubeysay gaadiidka dagaalka una soo dirtay dhinaca Xuduuda Soomaaliya. Sida laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay oo degaanka ah ayaa caddeynaaya in 18-kii bishaan maleeshiyooyin aad u faro badan oo wata in ka badan 200 oo isugu jira gaadiidka gaashaaman & kuwa loo yaqaano Tiknika u soo dhaqaajisay xuduuda Soomaaliya gaar ahaan gobolada Hiiraan Bakool & Gedo. Ciidamadaan oo la sheegay iney hadda ku sugan yihiin dhulka Soomaalida ayaa warar kala duwan ka soo baxaaya ujeedada halkaas loo keenay. Warka qaar ayaa tibaaxaaya in dowlada Ethiopia ay dagaal kula jirto wax loogu yeeray Argagixiso, Balse idaacad ay leeyihiin mucaaradka ayaa sheegtay in maleeshiyaadkaas taageeri doonaan mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyada oo hadda abaabul dagaal ka wada Bay & Bakool gacan saar dhowna la leh dowlada Ethiopia si uu gacanta ugu dhigo gobolada Jubbooyinka. Waxaana kaloo la sheegay in Ciidamadaas ay ka yihiin gaaska Guurguura ee sida deg-deg ah u howl gala oo ay dowlada Ethiopia ay leedahay kana midka ahaa Ciidankii Beydhabo ku soo duuli jiray, lama oga iney ka qeyb qaadan doonaan dagaalka iney dhoola tus u keeneen.

 

http://www.hobyonet.com/news/June/news_Jun_27_Maleeshiyooyin.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this