Sign in to follow this  
MoonLight1

War waxakan yaa umada ku soo saliday?

Recommended Posts

Macalin Xaashi oo muddo 10-cisho u qabtay in Idaacadaha Muqdisho ku joojiyaan heesaha iyo Muusiga

 

Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xisbul Islaam ayaa muddo 10-cisho u qabtay Idaacadaha Muqdisho in ay ku joojiyaan Muusiga iyo Heesaha, isagoo kaga digay in ay ka dhaga fureystaan amarkaas.

 

Macalin Xaashi oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Heesaha laga sii daayo Idaacadaha ay yihiin kuwo Munkar ah, isla markaana uu yahay wax laga soo minguuriyay reer galbeedka sida uu hadalka u dhigay.

 

"Waxaan Idaacadaha siineynaa amar cad oo ah in muddo 10-cisho gudahood ku joojiyaan Heesaha iyo Muusiga, sidaas darteed waxaan fareynaa Idaacadaha in ay u hogaansamaan"ayuu yiri Macalin Xaashi.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadii Idaacadaha ay u hogaansami waayeen amarkaas ay tallaabo cad ka qaadayaan oo waafaqsan shareecada Islaamka, taasoo aanu qeexin nooca ay tahay.

 

In ka badan 10-Idaacadood ayaa ka howl gala magaalada Muqdisho, kuwaasoo ah kuwo madax banaan, waxaana Idaacadahan sanadihii u dambeeyay ay la kulmayeen awaamiir kala duwan ee ka soo baxayay maamuladii isaga kala dambeeyay ee dalka.

 

Waa markii u horeysay ee Maamulka Xisbul Islaam uu soo saaro amar uu Idaacadaha ku farayo in ay ku joojiyaan Heesaha iyo Muusiga, iyadoo horay Xarakada Alshabaab ay Idaacadaha ku yaal deegaanada Koofurta Soomaaliya uga joojiyeen sii deynta Heesaha iyo Muusiga.

 

 

jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wallaahi waa yaabka yaabkiis, war waxan yaa umada ka qabta. These guys are talking about MUSIC while the city is burning, and most of its residents are displaced. These moves are dangerouse and is damaging Islam big time since these priorities look cr4zy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

^Macalin Xaashi, 19998-kii wuxuu dadka degan degmada karaan ee woqooyiga muqdsiho wuxuu ka jaray taleefanadda asagoo ku andacoonaya in aysan canshuurtii looga baahnaa aysan dhiibin(waxa muqdisho looga yaqaano "leejo"), dad ka mid dadkii degaanka aha oo hubeysan ayaa arintaas ka biya diiday oo iska caabiyaya ha yeeshee Macalinka wuxuu soo laabtay isagoo Zo iyo BM ku hubeesan, dadkii rayidkaa ahana madfax iyio hoobiye la dhacay..taariikhda wuu ku jiraa dabcan!.

shalay mar uu ka hadlaayay Osama bin ladin, wuxuu ugu yeeraaay magaciisa oo qaawan, o sheekh muusan ugu yeerin taana waxay kuu caddayneysa ninka uusan role model u ahayn ee Yalaxoow uu u yahay role model!! yaa soo dirayse waa su'aal jawaab loo la'yahay, qaar baa alle ku been abuurtay o yiri waa mujaahid alle so diray, qaarna waxay leeyihiin ninka waa jago iyo lacag raadis, meeshana labadaba maa yaalliiin!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Ley wayediiyeyoo, waxaan ka iri: horta Music-u ma xalaal baa mise Xaraam? hadduu Xaaraan yahay, in la joojiyo miyaa umaddii halaagsaneyd oo gubaneysay (sida Moonlight qabo), ku sii gubaneysaa, haddii la daayo oo la iska sii tumana dabku waa kala yaraanayaa miyaa?? caqligaas ma fahmin aniga!

 

Cawaale, sanadkas Allaha na gaarsiiyo :D , sheekadaan Macallinka aad ka sheegtay bal nagu hubi, haddey run noqotona, hadduu hadda saxsanyahay Shalay ayuu xumaa miyaa wanaaggiisa hadda baabi'inaya?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Maaddeey, Qisada waa la hubaa waa dhacdo run ah.

Xaaji yalaxoow iyo Macalin-ka kore kaaraan bari caan ay ka yihiin, in la ixitiraamana ma ahan ee waa in laga cabsado uun.

 

Hadda haduu saxanyahay iyo haduu qaaldanyahayne waqtigaa sheegaayo sxb.

 

Siyaasadda Soomaaliya wax badan ayna bartay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this