Sign in to follow this  
Duco Qabe

Hargeisa Court orders the release of alleged ONLF members

Recommended Posts

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo mar kale amar ku bixisay in la sii daayo 24 qof oo lagu waayay in ay ka tirsnaayeen ONLF

 

Hargeysa March 26 2006 (Jam) - Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa mar kale amar ku bixisay in la sii daayo 24 dhalinyaro ah oo ku xidhnaa xasbiga dhexe ee Magaalada Hargeysa. Kuwaas oo hore Maxkamadda gobolka Hargeysa xukunno kala duwan ugu riday. Waxa dhalinyaraadaas oo dhammaantood ka soo jeeda beesha ******** ee Degaanka Soomaalida Itoobiya lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Jabhadda ONLF ee dagaalka hubaysan kula jirta dawladda Itoobiya iyo in falal kharbudaad ah oo lagu waxyeelaynayo dalka Itoobiya ay ka abaabulayeen gudaha Somaliland. Maxkamadda sare ayaa go’aankeedan waxa ay gaadhay markii fadhi ay shalay ku dhagaysatay dacwadaas lagu soo oogay dhalinyaradaas una caddaatay in aanay dambiilayaal ahayn.

 

Waxa go'aankan oo kale ay hore maxkaamadu uga soo saartay bishii September ee kal hore, ka dib markii ay xukuumadda Somaliland ku guuldaraysatay caddaynta dembiyada lagu soo oogay dhallinyaradaas. Hase yeeshe waxa go’aankaas Maxkamadda sare racfaan ka qaatay Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland oo ku doodday in uu soo bandhigi doono caddaymo kale haddi wakhti la siiyo. Codsigaas ayaa maxkamaddu ka ogolaatay, siisayna muddo bil ah in uu ku soo bandhigo caddaymaha cusub ee ay xukuumaddu hayso.

 

"Maxkamadu maanta[shalay] ayay ku dhawaaqday in la sii daayo maxaabiistaas, waxaanay ayidday go’aankeedii hore ee ahaa in la sii daayo.†Sidaas waxa yidhi Qareen Bashiir Xuseen Cabdi oo ah qareenka u doodaya maxaabiistaas. Waxa Bashiir intaas ku daray in Maxkamadu go’aankeedii ay gaadhay, waxa keliya ee loo baahan yahayna uu yahay farsamadii ay ku ambabaxi lahaayeen.

 

Maxaabiistan oo tiradoodu ahayd 25 markii ay amartay in al sii daayo maxkamadda sare bishii September ee kal hore ayaa mid ka mid ahi geeriyooday intii ka damabaysay amarkaas. Qareen Bashiir ayaa xilligaas uu geeriyooday Alle ha naxariistee marxuumkaas dhalinyarada ahaa ku eedeeyay xukuumadda Somaliland in maxaabiistaasi ay ku hayso xaalad aad u liidata, geerida ninkaas dhalinyarada ahna ay sababtay dayac uu la kulamay mudadii uu xidhnaa.

 

Maxaabiista la xukumay in la sii daayo waxa laga qabtay magaalada Hargeysa sannadkii 2003, iyadoo lagu eedeeyay inay Somaliland ka wadeen falal ay doonayeen in ay ku waxyeelleeyaan dawladda Itoobiya. Tan iyo intii ka dambaysay qabashadii ragaas waxa falal aargoosi ah loo gubay baabuur xamuul ah oo tiradoodu ku dhawdahay lixdan gaadhi oo laga lahaa Somaliland. Kuwaas oo ay dab qabadsiiyeen Jabhadda ONLF oo ka heshay baabuurtaas deegaano ka tirsan Degaanka Soomaalida ee Itoobiya iyaga oo siday xamuul.

 

Falalka lagu gubay gaadiidka waxa ay Jabhadda ONLF ku macnaysay in ay ahaayeen kuwo ay kaga aar gudanaysay maxaabiistan shalay Maxkamadda sare xukuntay in la sii daayo.

 

Xidhiidhka guud iyo ganacsi ee shacabka qaybo ka mid ah Somaliland iyo Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xidhitaanka dhalinyaradaasi ay aad dhibaato uga soo gaadhay ayaa hadda dadweynaha ka soo jeeda deeganadaasi dhowrayaan saamayta ay ku yeelato mustaqblka dhaliyaradan hadda ay amartay sii daytooda maxakamadda sare ee Somaliland.

 

Source: Wardheernews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this