Sign in to follow this  
Liibaan

Somaliland leaders Ethiopia’s Meles Zenawi prefers C/Yusuf and neglected us

Recommended Posts

Liibaan   

Labada Xisbi ee Mucaaridka Somaliland UCID iyo KULMIYE ay maanta shir lagaag hadalaayo Arimaha Geesk Afrika Marxaladaha Siyaasada iyo Saameynta ay ku yeelan doonto Qadiyada Gooni isu taag Somaliland ku qabtay Hotelka RAASUM ee Magaaladda Hargeysa shirkan oo ay ka soo qayb galeen Madaxda sar sare ee Labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland, Wakiilka Midawga Yurub, Siyasiyiin Madaxbanaan, Aqoonyahano, Xubno ka socday Qurbo jooga Somaliland, Ururada Bulshada iyo Marti sharaf kale. Sidoo kale wxa shirkan lagu marti qaaday Xukuumada iyo Xibiga UDUB oo aan Maanta ka soo qayb galin Shirka

 

Shirkan oo socon doona mudo labo maalmod ah ay waxa maanta Qudbado ka jeediyay masuliyiinti ka soo qayb galay dooda Waxan halka qudbada ka jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo, Gudoomiyaha ay ka hadaly Arimaha Soomaaliya iyo kooxa ku loolamay Koonfurta Soomaaliya waxan uu dhaliil u soo jediyay Md Siilanyo Xukuumada Madaxweyne Rayaale Siilanyo isago ka hadalay arinta koonfurta Soomaaliya waxa uu yidhi:-

 

"Dadka Reer Muqdisho waa dad aynu Walaalo nahay Kamana Xumin Nabada iyo Amaanka ay heleen ee waanu ku faraxasanahay waanan soo dhaweynayna lakiin hada hadalada ka soo yeedhay ma ah kuwa fiican C/laahi Yuusuf isag waanu naqaana qola kastan waxanu ula dhaqmi dona siday ula dhaqmaan qadiyadayada".

 

Dhanka kale Md Siilanyo isago ka hadalayay Xukuumada Somaliladn waxa uu yidhi:-"Dawladeenu way ka gaabisay inay ka hadasho xaalada mandaqada mar walbana waxay u baxaan Safaro dadkana uga ma waraman waxay soo qabteen ee waxay dhahaan Guul baynu soo gaadhnay kalmada labaysa ma jiro hadan guushay sheegi jireen waa been".

 

 

Waxa isaguna shirka ka hadalay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Warabe oo ka hadaly Arimaha wadamada aynu Jaarka nahay wuxuna Yidhi Md Faysal.

 

"Ethiopia Fursada ayay ka heshay SNM oo marki SNM baxaday cidamdeedi jooga Xadaka Soomaaliya waxay geysay Erteria, Soomaaliya waxay Ethiopian kaga Duuli jirtay Halkan (Hargeysa) Diyaaraha Ethiopiana waxay Duqayn jireen Hargeysa ee may duqayn Jirin Muqdisho.

Lakiin hada Shacabka Somaliland way so dhaweyne Ethiopia Xidhiidh fiican bay la yeeshen Dakadii ay loo furay Amaanki gadiidkoda ayaanu sugnay Xidhiidhka Ethiopian waxanu ku yeelanay Cadawo badan lakiin Ethiopia in kabadan 90 gaadhi ay dalkeeda nalgag Gubay dhanka Siyaasadana waxay ahayd inay noqoto dalka Ugu horeeya ee na aqoonsada lakin waxay wataan C/laahi Yuusufu waxan haboon in Ethiopia lala xisaabtamo".

 

Gudoomiyaha oo ka hadalay arinta Jabouti na waxa uu yidhi:-

 

" Jabouti waa dal aynu jaarnahay, Walaalona nahay Marakad Jabouti joogto waxad la mid tahay Nin Hargeysa jooga shacabkooduna in badan way ogol yihin Somaliland lakiin Dawladooda diidan marka waxa haboon in Dawlada loo tako oo la dhaho maxad ku diiden ee ma ah in layskala xidhiidhun".

 

 

Waxa iyagun halkaasi ka hadalay Labada siyaasi ee Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Eng: Maxamed Xaashi Cilmi labadan masuul ay ka hadaly Arinta Mandaqada iyo Saameynta ay ku yeelan karto Somaliland waxan ay sheegen " in aan Arinta Maxakimta lagu deg degin ee hadab sida ay ula dhaqmaan Somaliland loola dhaqmo.

 

" Dhanka kale waxa iyaguna Doodan ka hadalay Dad badan oo kamid ah Qurbo jooga Somailand oo maanta ka qayb galay shirkan.

 

 

Maalinta beri ah oo u sii socon doono shirku ay lagag hadalay Arimaha Siyaasada Gudaha ee dalka Somaliland waxan la filaya in gunaanadka shirakan lag soo saro talooyin.

 

Togdheernews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Hadhwanaagnews

 

Shirkaas oo socday 5ta-6dii Ogost 2006, waxa ka soo qayb-galay 130 qof oo ka kala socda labada xisbi mucaarad, siyaasiyiin madaxbanan, xildhibaano labada gole, salaadiin, aqoonyahano, urrurada bulshada rayidka ah, haween, dhallinyarao, ururka mujaahidiinta, iyo culamada. Waxa shirkaas lagu martiqaaday oo aan iman xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xisbiga talada haya ee UDUB.Waxa kaloo goobjoog ahaa, wakiilo ka socda hay’adaha caalamiga iyo qaar ka mid ah wakiilada dalalka deriska u fadhiya Somaliland.

Inkastoo madalsha laga soo jeediyey talooyin iyo aragtiyo fara badan, halkan waxaan ku soo urrurinay talooyinkii ugu muhiimsnaa nuxurkii doodda:

 

I. Saamaynta Xaaladda Geeska

 

Xoogagga Soomaalida:

Waxa shirku soo dhoweeyey nabadda Muqdishu ka islaaxaysa, haseyeeshee waxa walaac laga muujiyey in aan Maxaakiimta iyo dawladda Baydhabo midkoona oggolayn gooni isuaagga Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa la is tusay in adduunka laga iibiyo qaddiyadda Somalialnd., sidaas darteed, waxaanu danaheenna ka dhaadhicinayna kalana hadlaynaa xoog siyaasadeed, dalal iyo urruro iyo meel kasta oo ay nala gasho.

Waxa shirku walaac ka muujiyey talo la’aanta Xukuumadda Somaliland ee arrimaha ka dhacaya gobolka. Waxa la isku raacay in Xukuumadda lagu cadaadiyo in ay mawqif ka yeelato arrimaha gobolka, uguna warrantu Golayaash Qaranka, xisbiyada siyaasiga ah iyo dadweynahaba arrimaha siyaasadda dibedda ee Somaliland.

 

Dalalka IGAD:

 

Itoobiya oo aynnu xidhiidh sokeeyo leenahay, waxa la soo jediyey in xidhiidhkeena dib loo miisaamo si uu danaha labada ummdoodba uga tarjumo.

Waxa walaac laga muujiyey taageearda buuxda ee Dawladda Itobiya siinayso dawladda Baydhabo iyo sida ay wax u yeeli karto danaha Somaliland

Waxa xisbiyada mucaaridka ah lagu booriyey in dalalka IGAD gooni-gooni loo gala hadlaa mawqifka Somaliland iyo in la wada kobciyo danaha iyo xidhiidhada inaga dhexeeya.Caalamka

waxa shirku isla soo qaaday in lagu tallabsado olole diblomaasiyeed oo ku wajahan dalalka iyo urrurda saamaynta ingu leh, sida dalalka carabta oo ay ka mid yihiin Yaman, Sudan iyo Masar

waxa la soo qaaday in hay’adaha iyo dalalka deeqda bixiya lagu qanciyo in wixii mucaawimo ah ee JNAda Somaliland u madaxbanaanaato.

Waxa shirku isla qaatay in qurbajoogga Somaliland qayb muhiim ah ka qaadan karo horumarinta qadiyadda Somaliland, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in laga faaidaysto fursadaha ay abuuri karaan.

 

II. Dhammaystirka Geeddi Socodka Dimuqraadiyadda

 

Waxa la is la qiray muhimada ay Somaliland u leedahay dhammaystirka geedi socodka dimuqraadiga ahi iyo ku dhaqanka dastuurku; waxa la isla gartay siday lagama maarmaan u tahay in: doorashooshinka soo socda lagu qabtaa xillgooda, xukuumaduna diyaariso wixxii ay u baahan yihiin adeeg, dhaqaale iyo qabanqaabo. Xisbyada siyaasiga ahi waa in ay si aan nasho lahayn u dabagalaan sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinkaasi. Waxa shirka soo baxay in guurtidu ku timmaaddo doorasho sida dastuurku qorayo, sidaas daraadeed waxa la soo jeediyey in doorashada Gurrtida lagu beego tan golayaalsha deeganka.

Xisbiyada siyaasadeed waa inay samaystaan baraamijyo ku wajahan marxaladdan adag kuna hoggaamiyaan dadaweynaa si qodobaysan oo muddaysan oo yool cad leh.

Xisbiyadu waa in ay dadka abaabulaan, qaataana kaalin hoggaamineed si ay u fuliyaan barnaamijyadaas iyagoo adeegsanaya dariiq kasta oo dastuurku oggolyahay.

In loo ololeeyo sidii dalka loogu soo dabbaali lahaa sharciyadda iyo dastuurka lagulana xisaabatamo madaxweynaha ilaalinta iyo hirgelint shuruucda dalka. Madaxweynuhu wuxu ku fadhiyaa sharciyad dastuur haddii uu jebiyo dastuurkana waxay wiiqayasaa sharaciyaddiisa.

Waa in midnimada Somaliland la sugaa.

Waa in Ciidamada qaranka ee jiidaha hore loo tagaa, la dhiirigeliyaa, la wacyigelyaa lana daryeelaa..

Waa in la dhisaa idaacad qaran oo wada gaadha dalka oo dhan oo ka haqabtirta dadweynaha baahida warbaahineed kana hortagtaa idaacada tirade badan ee ka soo horjeeda qaddiyadda Somaliland ee ku keliyeystay dadka.

Waa in muwaadiniintu furtaan idaacado iyo qalabka kale ee warbaahineed kuwaas oo u adeegayaa danta guud.â€

 

Weriye: Mustafe-janaale

Reporter hadhwanaag/hargeysa

E-mail, janaale94@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Hadhwanaagnews

 

Waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ka hadlayey saameynta ay Somaliland ku yeelan karto xaalada wajiyada badan ee ka jirta soomaliyaa, isagoo arrintaa ka hadlayanaa waxa uu yidhi “ Wejiga cusub ee ka dhashay soomaaliya, waxay Somaliland ku yeelan kartaa saameyn, dhibaatada laga kor qaaday umada (Soomaaliya) waan soo dhaweynaynaa, waanan ku faraxsanay oo waan ugu hanbalyeynayaa, Markey inaga Somaliland timaado qadiyadeena iyo gooni isku taageena, waynu ogayn hadalada ka soo yeedhaya C/laahi yuusuf iyo dawladiisa waanan ognahay halka ay inaga taagan yihiin, taasi inagana ina tirtirimayso wixii cadaalada ee mandaqada (Geeska Afrika) ee u maslaxada iyaga (Somaaliya) unadana, inaga (Somaliland) inoodana inaan ka hadalno oo aynu talooyin u gudbino (Soomaaliya) qaar iyaga anfaca, qaar anfacana gobolka†Ayuu yidhi Gudoomiye Siilaanyo.

 

Isagoo hadalkiisa siiwata Mr, Siilaanyo waxa uu xukuumada madaxweyne Rayaale ku dhaliilay inaanay mar kaliya ka hadal xaalada inagu xeeran, isagoo arrintaa ka hadlayanaa waxa uu yidhi “ Ilaahay ayaan idinku dhaarshaye xukuumada talada haysaa, waxa dunida iyo mandaqada ka dhacaya maalin qudha kamay hadal, safar uu u baxaa (Rayaale) waan soo guuleystay mooye erey labaad oo raaca ma jiro†Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridku.

 

Waxa kale uu Axmed Siilaanyo tilmaamay inay wadamo badan oo aynu jaar nahay inay maslaxada inaga dhaxeysa (Ethiopia), markaa maaha maslaxada inaga dhaxeysa inay meesha ay doonaan jiidhsiinkaraan (Somaliland)

 

Waxa isna halkaasi ka hadlay ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng, Faysal Cali waraabe, waxaanu tilmaamay meesha ay ka fadhido Somaliland waxa ka mida shacabka soomaaliya oo qadiyada Somaliland ka dhigay xaaran “ Meelaha Somaliland ka fadhido waxa ka mida shacabka soomaaliya oo qadiyada (Somaliland) ka dhigaya xaaran, taasina aanay ogayn dhibaatadii inagu dhacay oo markaad tidhaahdo waqooyi (Somaliland) waa labaabiiyey, waxay ku odhanayaan (shacabka soomaaliya) oo yaan la dilin!, ma waxay simayaan Garoowe iyo Somaliland, markaa waxa fiican inaynu dadka soomaalida albaabka ka xidhan ee waa inaynu qadiyadeena ka iibinaa†Ayuu yidhi Faysal cali waraabe

 

 

Waxa uu Gudoomiye Faysal cali waraabe soo jeediyey inay Somaliland si wax ku ool ah ugu hawl gasho, Qaramada Midoobay, Midowaga Afrika, jaamaca carabta, midowga ReerYurub iyo dawlada Mareykanka, si ay Somaliland aqoonsigeeda ay rabto ugu hirgasho,Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga UCID

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng, Fay Cali Waraabe waxa uu dhaliilay dawlada Ethiopia, waxaanu tilmaamay inay ina ictiraafto iska daayo ninkii inoogu nebcaa inoo caleemo sartay, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ Ethiopia waxay ka nasatay colaada soomaaliya, maalintii ay ay SNM ka abuurantay Ethiopia, waxaanay ahayd markii u horeysay ee ay dawlada Ethiopia ee ay ciidamad Ethiopia intay ka tagaan xadka Somaliland, ee ay tagaan Ereteriya oo ay dhulkaas nabad u noqdaan.Maanta Somaliland way soo dhaweysay Ethiopia oo dekedii (Berbera) ayaa loo sameeyey, ilaa imika ma hayno waxay Ethiopia inooga duwan tahay wadamada Kale, waxa laynaga gubaxay 90 baabuur oo aynu leenahay, waxaana iyaga (Ethiopia) uga soo baxay baabuur tiro badan oo ay leeyihiin: nabadgelyada ayaan ku sameynaa†Ayuu yidhi faysal cali waraabe

 

 

Saaxiibtinimada Somaliland ee Ethiopia colaad badan oo soomaaliyeed ayeynu ku qaadnay “ Saaxiibtinimada Ethiopia waxaynu ku qaadnay colaad badan oo soomaaliyeed, Inay gacanta ina qabato oo ay Dawlada Ethiopia ina daadahayso iska daayo, ninkii inoogu nebcaa (C/laahi Yuusuf)ee laas-caanood qabsaday inoo caleemo saartay, waxaasina wax soconayaa maaha, Aniga (Faysal) iyo C/laahi Yuusuf in midkaayaba sariir lagu seexiyo aanay ahayn†Ayuu ka yidhi faysal doodii

 

 

Mar uu ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga UCID inaanay dawlada Jabuuti aanay ogolayn Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ Jabuuti waa dal aan walaalo nahay, oo markaad tagtid marfishka (Jabuuti)waxaad mooda inaad marfishkii hargeysa fadhidid, laakin maamulkii ayaan na ogolayn, waan in la weydiiyaa waxay inagu diidan yihiin oo la weydiiya iyadoo la hor fadhiisto†Ayuu yidhi

 

Waxa uu Gudoomiye Faysal carabka ku adkeeyey inay Somaliland tagto meelkasta oo aarimaha soomaalida lagu hadal hayo, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ Meeshi arrimaha soomaaliya lagaga hadlayo waa inaan tagnaa (Somaliland) oo micnaheena u sheegnaa inagoo shuruudo sidana, sidii aynu u fadhinay ayaa dawladkii Embegaatii laynagu bilaabay labadii sanadood ee ay guur-guureysay wax kelmada, ka maanaan odhan, waxa la yidhi: “INAN AAMUSKA AYAA LAGU MEHERIYAA†“ Ayuu yidhi Faysal Cali waraabe.

 

 

Waa muhiin inay Somaliland maxaakiimta islaamiga muqdisho ay xidhiidh la sameysaa “ waxa fiican inaynu (Somaliland) xidhiidh la yeelato maxaakimta islaamiga, xidhiidhkaasi iyaga (Maxaakiimta) faa’iido ayuu u leeyahay, inagana (Somaliland) faa;iido ayuu u leeyahay qadiyadeena, oo waxaynu tusi inaanay Somaliland xaaran ahayn, markaa maaha inaynu qadiyadeena ka dhigno mid tuugo ah, oo loo dhuudhuumanayo, waa xalaal, waana loo dhintay, waa inaynu ka iibinaa (qadiyada Somaliland) soomaaliya iyo caalamkana†Ayuu faysal yidhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Faysal Cali Waraabe oo ku Hor Ooyey Wakiilka Itoobiya u Fadhiya Hargeysa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Warkii 06-Aug-2006 iyo Qormadii: Leyla Cabdiqadir

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee maamulka Hargeysa, Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta ku hor ooyey wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargeysa meel fagaare ah, isagoo oohin darteed indhihi guduuteen dhuuntina xirantay. ....................

 

 

"Maanta Itoobiya aad iyo aad beynu gacmaha ugu furnay inagu, aad iyo aad beynu u soo dhaweynay, dakadi beynu u sameynay. Lakiin maheyno Itoobiya wax ay inooga gadisan tahay wadamadi kale," ayuu ku ooyayey ina Cali Waraabe oo ilintu dhabanadiisa qoysay.

 

"Baabuurteeni baa lagu gubay, 90 baabuur oonu leenahay baa lagu gubay Itoobiya," ayuu ku calaacalayey ina Cali Waraabe oo marba marka ka danbeysay dhuunta sii xirmeysay isciil kaambin darteed.

 

"Colaad badan oo Somaliyeed beynu ku qaadnay saaxiibnimada Itoobiya darteed...," ayuu ku ooyay ina Cali Waraabe oo indhihi guduutay marki danbana dhuunti xirantay isagoo aad isu ciil caambiyayey.

 

Fasal Cali Waraabe oo oohintiisu uu ku qoslay wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargeysa, ayaa waxaa cad oohintiisu inay aheyd mid uu kaga raadinayey Itoobiya calool jileec, balse Itoobiya ayaa waxey u aragtaa oohintan mid ka soo yeertay Somali anan fahansaneyn siyaasada iyo taariikhda Geeska Afrika midna.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this