Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Vice President in Lasanod

Recommended Posts

Waxaa goor dhowayd soo gaadhay magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Wefdi aad ubalaadhan oo hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka J.Somaliland Axmed Yusuf yaasiin iyo Col: Axmed Cabdi Xaabsade iyo waliba wasiiro aad utiro badan

 

Wefdifga madaxwaynaha ayaa si aada loogu soo dhowaayey magaalada laascaanood iyadoona la dejiyey Hotal Xamdi oo 2km dhanka bariga ka xiga Magaalada laascaanood halkaas oo hada kula shirayo odayaasha dhaqanka magaalada iyo ururrada bulshada Rayidka ah .

 

Ujeedada Socdaalka wefdigan ayaa lagu sheegay inay la xidhiidhi u kuurgalka abaaraha ba’an ee ka jira gobolada Bari ee Somaliland taas oo ay hada masuuliyiinta Somaliland isku dayayaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadwaynaha ay dhibaatadu ka soo gaadhay abaarahaasi..

 

Xaflada soo dhowaynta Mudane: Axmed yuusuf yaasiin iyo wefdiga la socda ayaa hada si toosa uga socota Holtel Xamdi waxaana maanta la fasaxay dhamaanka iskuulada magaalada ka dib markii uu sidaasi ku wargeliyey Maamulayaasha iskuulada Gudoomiyaha gobolka Sool Cali Sandulle

 

 

Afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascanood(Qaran)-Wefiti balaadhan oo uu hogaaminayo Maxadwayne Kuxigeenka Jamhuriyada Somaliland Mudane Axmed Yusuf Yasin

 

Ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, imaatinka weftida uu hogaaminayey M/kuxigeenku ayaa in dhawaydba laga sugayey Laascaanood iyo Gobolada Bari ee Somalilandba.

 

Ujeedada Socdaalka wefdigan ayaa lagu sheegay inay la xidhiidhi Dib u dhiskii gobolka Sool iyo u kuurgalka abaaraha ba’an ee ka jira gobolada Bari ee Somaliland taas oo ay hada masuuliyiinta Somaliland isku dayayaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadwaynaha ay dhibaatadu ka soo gaadhay abaaraha sii fidaya.

Weftida ayaa waxay ka koobnayd Golaha wasiirada, Golaha Wakiilada iyo Siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay Muadane Ahmed Abdi Xaabsade,

 

 

Ali Maxamed Warancade oo ah wasiirka duulista iyo hawda, wasiiru dawlaha arimaha gudaha soo dhawayntii waftida ayaa waxaa ka qayb qaatay dhamaan shacabka oo aan u kala hadhin ayaan orankarnaa iyo ilaa 150 gaadhi oo kala duwan ayaa lagu soo dhaweeyay iyo caleemo qoyan iyo calanka Somaliland oo caruur iyo cirooleba ay ruxayeen.

 

Madaxwayne kuxigeenka iyo weftida ayaa ku degey Hotel Xamdi halkaas oo uu Maxadwynu qudbad gaaban ka jeediyey khudbadiisiina waxaa ka mid ahaa sida uu uga mahad celiyey sida ay u soo dhaweeyeen Shacabka magaalada Laascaanood, wuxuu kale oo sheegay Md/Axmed Yasin in ay u socdeen sidii ay wax uga bedeli lahayen raadiikii Maamulkii hore ee Puntland balse ay Gobolkiiba uu Abaar baaxad wayn ku jiro sidaas awgeeda ay arinta Abaara iyo Biyaa la’aanta ay wax ka qabanayaan hada,wuxuu kale oo uu sheegay M/wayne ku xigeenku dad intii isku dal ah ba ay isku dad tahay isku DAWLADNA tahay maraa aanan anigu sheegan karin Soomaalida Jabuuti,ta Kililka Shaan ee Ithoobiya ama konfurtaba.

 

Waxaa kale oo Xafladii ka hadlay Odayaal dhaqameen waxaa ka mid ahaa Caaqil Saleebaan Caabi (Bagaf),Caaqil Cali Maxmed Kaarshe iyo Caaqil Maxmaed C/laahi (Gadhyare),sidoo kale waxaa ka hadlay Uruuro Sama falka iyo Qaybo kale oo Bulshada ka mid ah.

 

Madaxwayne ku xigeenku wuxuu tegey goob kala duwan sida Xarumaha Gobolaka iyo Dawlada hoose sidoo kale wuxuu gaadhey Jiida hore ee Ciidanka Qaranka ka dibna wuxuu ku soo noqday Hotle Xamdi halkaas oo kula shirayo qaybaha bulshada.

Lama oga ilaa xiliga ay ka ambabaxayaan weftidu Gobolka Sool balse waxaa la sheegay in ay ku laabanayaan magaalada Caynabo ka mid ahayd Goboladii la magacaabay dhawaan halkaas oo ay weftidu Xaflad ka qaybgelayaan sidoo kale waxay marayaan Gobolka Buuhoodlle.

 

 

 

 

Jama M. ISMAIL

 

Qarannews

Laascaanood Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Yuusuf Yaasiin oo kulamo kala gedisan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka & Haweenka.

 

yuusfyasiin.jpg

 

Waxaa maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwayne kuxigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin wafdidaas oo kasoo kicintitay magaalada Hargeisa ee xarunta Somaliland.

 

Wafdidan ayaa waxaa soo dhaweeyay dhmaanba masuuliyiinta Somaliland ee heer Gobol iyo mid Degmo iyo waliba shacabwayne aad ufara badan oo watay baabuur kuwaas oo kaga hortagay tuulada Adhicadeeye ee ka tirsan Gobolka Sool kuna taal wadada laamiga ah isagoo wafdida loo soo galbiyay magaalada Laascaanood oo si wayn looga soo dhaweeyay markii usocdaalka ku dhex marayeen isagoo ugu danbayntiina ku dagay Hotel Xamdi.

 

Magacyadii Wafdidii manta soo gaadhay Laascaanood:-

 

Axmed Yuusuf Yaasiin Madaxwayne kuxigeenka Somaliland.

Wasiirka duulista Hawada Cali Maxamed Waran Cade.

W/kuxigeenka DibuDajinta C/Xakiim Maxamuud Cali Shire.

Wasiirka Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax.

Wasiiru Dawlaha arimaha Gudaha Xasan Macalin

Wasiiru Dawlaha Waxbarashada Maxamuud Garaad Maxamed Qawdhagayste.

iyo xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Guurtida iyo Baarlamaanka.

 

 

Madaxawaynaha iyo wafdida uu hogaaminayo ayaa waxa uu markii uu tagay Hotel-ka uuna kulamo la qaatay Urarada Haweenka oo ay horkacayeen Dalada SUNGO iyadoo ay halkaasi ay hadalo kasoo jeediyeen laba haween ah oo ka socday Daladaasi kana xog waramay Gobolka Sool iyo dhibaatada abaareed ee ka taagan Gobolka iyo sida ay usaamaysay waxaana ugu horayn halkaasi ka hadashay Fahiima Jaamac Koosafaare oo sheegtay in Gobolka dhamaantiiba ay ka jirto dhibaato abaareed oo u baahan wax ka qabad dagdag ah iyadoo urarada haweenku ay halkaasi kusoo dhaweeyeen wafdida ciyaarta dhaqanka.

 

Sidoo kale waxaa qadar daqiiqado ah kadib uu madaxwayne kuxigeenka Somaliland iyo wafdidii ay horkacayeen ay la shireen Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Sool halkaas oo uu ugu horayn hadalkii uu furay Duqa Degmada Laascaanood Canbaashe aw Daahir oo hadalka xidhiidhinayay iyadoo intaasi kadib lagu soo dhaweeyay Microphone-ka Caaqil C/laahi Maxamed Maxamuud oo sheegay inay dhibaato ka jirto Gobolka abaareed madaxwaynahana looga fadhiyo inuu gurmad ufidiyo.

 

Waxaa sidoo kale hadalkii la wareegay Caaqil Cali Maxamed Kaarshe oo isna ka hadlay dhibaatada abaarta iyo sida wax looga qaban karo iyo inay Dawladu ufidiso gargaar aadamnimo hadaba waxaa ugu danbayntii Odayaasha lagu soo gabo gabeeyay Caaqil Saleebaan Caabi Xuseen oo sheegay in Gobolka Sool looga fadhiyo madaxwaynuhu inuu wax ka qabto hadhowna ay gudbin doonaan waxa uu kaga tago iyagoo u eegaya qaabka socdaalkiisu u dhacay iyo sida uu Gobolka wax uga qabto.

 

Hadaba waxaa lagu soo dhaweeyay Wasiirka Duulista Hawada Cali Maxamed Waran Cade oo sheegay in si wayn loogu soo dhaweeyay Gobolka ayna shacabka reer Laascaanood ay si wayn ugu mahadsan yihiin isagoo sheegay in ay wax badan ka qaban dooonaan Gobolka xil wayna ay ka sarantahay gaar ahaan Gudida abaaraha Gobolada Bari oo aan ku jiro.

 

Iyadoo goobta ay ka hadleen dhamaanba masuuliyiintii Golaha wasiiraa ee wafdida kamid ahaa oo aan hadaladooda halkan lagu soo koobi karin ayaa waxaa hadalkii lagu wareejiya Madaxwaymne kuxigeenka Somaliland ee wafdida hogaaminayay waxaana uu yiri.

 

‘Waxaan si wayn usalaamayaa dhamaanba shacabka sida wayn noogu soo dhaweeyay Gobolka waxaana ilaahay uga baryaya inuu xaalada abaareed ee ay ku jiraan kasaaro anigoo ah madaxwayne kuxigeenka waxaan si gaar ah ugu ducaynayaa reer Laascaanood in qalbigooda ilaahay isu soo jeediyo dhibaatadana ka saaro taas ayaana roob iyo barwaaqo lagu hili karaa marka xaasidnimo iyo isnac meesha yimaado ilaahna aan loo noqon waxa yaraanaysa raxmadii ilaahay markaa inaad isu soo noqotaan baan ilaahay idiin ka baryayaa’

 

‘anigu halkan umaan imaan inaan wax kale ka hadlo waxaan kaliya oo aan umi inaan xaalada baareed ka hadlo hadana waxaan usii anbabaxayaa Gobolka Sanaag oo isna ay ka jirto xaalad abaareed dad ayaa leh Somaliland waliba waxba umaqaban Gobolka iyo waxa ay balan qaaday waanu lasoo soconay dhamaanba wax qabadyo fara badan iyo mashaariico waa wayn oo aanu ka fulino Gobolka laakiin waxaa ka hortimi abaar markaa iyadoo dadkii dhidhimanayaan oo xoolihii bakh bakhtiyayaan guryo ma taagi karno mashaariicna ma dhagax dhi karno’ ayuu hadalkiisii kusoo gabo gabeeyay waxaana uu galabnimadii maanta abaaro 5:30 uu ka anbabaxay magaalada Laascaanood isaga iyo wafdidii uu hogaaminayay.

 

 

 

Afnugaal New Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

^Fake comments,were they meant as a dig at some people on the opposition side? Either you have amazing sight,and see things other then what they are, but I dont see Hablaha aad sheegeysa in that picture but old women. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laas-caanood, (Harowo) - Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo maalintii shalay gaadhay magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool ayaa halkaa si diiran loogu soo dhaweeyay.

 

Waxana uu halkaa kulano kula yeeshay Garaadada, Cuqaasha, Ururada Bulshada iyo masuuliyiinta kala duwan ee laamaha dawlada ee ka hawl gala gobolkaas.

 

Madaxweyne kuxigeenka oo ay safarkiisa ku weheliyaan Wasiirada Ganacsiga, Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka, Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru dawlayaal ayaa markii isaga iyo wefdigiisu halkaa gaadheen waxa si diiran ugu soo dhaweeyay guud ahaan shacbiga ku dhaqan magaalada Laas-caanood oo ay hogaaminayaan Masuuliyiinta dawlada iyo wax garadka reer Sool. Ka dibna waxa kulan jilbaha lays daray uu Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin la yeeshay Cuqaasha, Salaadiinta, Garaadada, Masuuliyiinta, Ururada bulshada (Haweenka iyo dhalinyarada) kaas oo ka dhacay Hotel Xamdi ee Magaalada Laas-caanood.

 

Madaxweyne Kuxigeenka oo dadkii kala duwanaa ee halkaa isugu yimiday la hadlay ayaa sheegay in waxa ugu way nee ay u sidaan tahay Duco iyo Walaaltinimo isaga oo tilmaamay in waxa dhacay iyo dhibaatada jirtaa tahay mid ay dadku gacmahooda ku geysteen, waxa uu tilmaamay in dhibaatooyinka la sameeyay badan yihiin kuwaas oo uu ka soo qaatay Qabyaalada, Xuquuqda Illaahay saaray dadka maalka haysta oo la bixin waayay (Sakada) jaarkii oo isu naxariisan waayay iyo dhamaan xumaantii oo la iska qaban waayay, taas oo faa’iidadii laga helayna noqotay Abaaro, nabaad guur iyo dabar go ku yimaada duunyadii ay dadka Somaliland hodanka ku ahaayeen.

 

Mudane Yaasiin waxa uu ka sheekeeyay nimcoolayda Illaahay ku manaystay Somaliland iyo sida looga faa’iidaysan laayahay waxa kale oo uu xusay sida umada dhaqan guurku ugu dhacay ee loo kala garan laayahay xaqii laysku lahaa, waxa uu tilmaamay sida dhibaatada lagaga bixi karo oo ah in gacmaha lays qabsado qofba qofka uu dhaaamana la siiyo, laysku naxariisto oo dhamaan laysa saamaxo, layskuna uur xaadhnaado.

 

Waxa uu halkaa ka jeediyay khudbad wacyi galin iyo wax sheeg isugu jirta isaga oo ku soo gabagabeeyay duco dheer oo uu halkaa ka akhriyay.

 

Wasiirka Wasaarada Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Cali Maxamed Waran Cadde oo Madaxweyne kuxigeenka ka hor halkaa ka hadlay ayaa si wayn uga mahad celiyay sida diiran ee loo soo dhaweeyay isaga oo sheegay in dhowr jeer oo uu yimiday Laas-caanood Rasaas lagu soo dhaweeyay balse maanta caleemo qoyan iyo farxad lagu soo dhaweeyay taasina ay muujinayso ayuu yidhi sida ay wax isu badaleen, waxa uu Wasiirku xusay in dhibaatooyinkii hore iyo rasaastii lagu soo dhawayn jiray masuuliyiintu Gobolka Sool ku keentay dib u dhac balse jawiga maanta muuqdaa uu Gobolkaas horumar gaadhsiin doono isaga oo balan qaaday in umada xukuumada iyo shacbiga reer Somaliland waxay dheeraad u siiyaan mooyee aan waxba laga hagran dooniin.

 

Wasiir Cali Maxamed Waran Cadde oo runtii halkaa ka jeediyay erayo kaftan duur xul iyo haasaawe isugu jira ayaa ugu danbayntii sheegay in shacbiga reer Somaliland mar la waydiiyo deeqda lagu taakulaynayo gobolada bari ay uga jawaabaan si faxalnimo, walaaltinimo iyo hilow ku jiro sidaa daraadeed reer Soolna looga baahan yahay in Punt land tii ay gobolka ka eryeen ay halkeeda ku hayaan oo aanay soo dayn isaga oo tilmaamay in ay muuqato in Laas-caanood ka baxday jawigeedi hore.

 

Waxa kale oo iyaguna kulankaas ka hadlay Wasiiro, Masuuliyiinta Heer degmo iyo Heer gobol, Madaxda dhaqanka iyo ururada bulshada kuwaas oo dhamaantood muujiyay sida quruxda badan ee jawigu ahaa, sidoo kalana ay masuuliyiinta gobolka, Madaxda dhaqanka iyo Ururada bulshaduba Madaxweyne kuxigeenka iyo wefdigiisa u soo buuxiyeen kiishash cabashooyin iyo codsiyo wax qabad ah.

 

Guud ahaan jawiga Magaalada, niyada shacabka iyo habka quruxda badan ee soo dhawanta wefdiga Somaliland lagu qaabilay shalay ayaa ahayd mid si wayn uga turjumaysa xaalada guud iyo taageerada shacabka gobolkaasi taas oo sida muuqata ka dhalatay ficilada wax ku oolka ah ee maamulka Somaliland ku talaabsaday iyo hanaanka qunyar socodka ah ee lagu waajahay dhamaan dhacdooyinkii kala duwanaa ee gobokaas soo maray tan iyo wixii ka danbeeyay markii laga eryay degaanka maamulkii Puntland waxa kale oo iyana dadka rajo wayn galiyay talaabooyinka horumarinta iyo xog ogaanshaha ah ee dhinaca Somaliland ka soo gaadhaya.

 

 

M%20X%201.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this