Sign in to follow this  
MoonLight1

Alshabab will soon name branch leaders in Puntland Somaliland.

Recommended Posts

Afhayeenka Xarakada Raas Hantaara'' Mujaahidiinta Islaamiga ah Gaar ahaan Al-Shabaab anaga ayaa Wakiil uga ah Gobolkan Puntland waana ku soo dhoweynaynaa''

 

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta ee Raas Hantaara Cawaale Jaamac Salaad oo iminka ku sugan Gobolada Koonfurta Soomaliya ayaa soo dhoweeyay hadal ka soo yeeray Al-Shabaab oo ahaa inay Masuul u soo Magacabaan Gobolada Puntland.

 

Afahayeenka isagoo u waramayay saxaafada Gudaha ayuu shaaciyay in Xarakadooda oo iminka ku jira wejigii hore sidii ku dhaqanka shareecada degaanadasi looga hirgelin lahaa hadana ay soo dhoweynayaan qof kasta oo Muslim ah oo ka qayb qaadanaya in shacabka Degaankasi ku dhaqan laga qado Maamulka Duleysan ee Xabshidu maamusho.

 

Cawaale Jaamac Salaad afhayeenka Xarakan ayaa la weydiiyay xiliga ay asaaseen waxana uu sheegay in in dhoweyd hawshan socotay oo Tababarka Ciidamada iyo Xarumaha ciidanka iminka la dhameeyay islamarkaasna dhul istiraatiijiyad ah ay diyaariyeen si looga hawl galo.

 

Afhayeenka ayaa aad u amaanan hawha ay Dalka ka wadaan Xarakada Mujaahidiinta Shabaab, waxana uu tilmaamay in shacabka Puntland ay sugayeen islamarkaasna ay u sameeynayaan soo dhoweeyn fiican.

 

Hadalka ka soo yeeray afhayeenka Raas Hantaara ah Cawaale Jamaac Salaad ayaa ku soo aadeya xili Al-Shabaab shegeen in ay Masuul u soo Magacabayaan Gobolada Puntland iyo Soomaliland si loo gaarsiiyo shareecada ku dhaqankeeda loogana dulqado Maamulada u adeega gumeysiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this