Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Qabqablayaasha Mogadishu yey ka aarsanayaan.

Recommended Posts

Qabqablayaasha iyo DKMG oo Diidan xabad joojintii iyo Maydadka oo la aasayo

Tuesday, 03 April 2007

Magaaladda Muqdisho waa ay dagantahay, waxaana wali jira daganaansho iyo Xabad joojin aan wali bur burin hase yeeshee waxaa ilo xogogaal ah ay Onkod u sheegeen in Hogaamiyayaashii dagaalka ee dawladda ku jira iyo Dawladduba ay qorshaynayaan dagaal mar kale qarxa maadaama wali dhankooda aysan ogolaan xabad joojinta.

Ma Cadda sida ay ku danbayn doonto xabad joojinta , waxaase wali muuqanaya colaad iyo dagaalo laga cabsi qabo in ay ka bilawdaan Muqdisho.

 

Rasaasta laga maqlayo magaaladda ma ahan Dagalka oo Bilawday hase yeeshee waxaa jira Rasaas meelo cayiman laga soo tuurayo si Ciidanka Ethiopianku ay u kacaan oo loogu qaato in rasaastu ay ka imanayso kooxihii Xabad joojinta lala galay.

 

Dhanka kalan Qodobada ay isku afgarteen Odayaasha ****** iyo saraakiisha Ethiopia ayaa waxaa ka mid ah:-

 

in maalinta berri ah Guddi isku dhaf ah oo 4 xubnood oo ka kala imaanaya Beelaha ****** iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia ay kala aasaan dadka meydadka ah ee ku go'doonsan goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, isla markaana ay kormeeraan hirgalinta heshiiska la gaaray.

 

Waxaa kaloo iyana la isku afgartay in dib loo howl-galiyo meelihii dagaalada ku xirmay gaar ahaan Isbitaalada iyo meelaha la midka ah.

 

3.In la adkeeyo xabad joojinta oo labada dhinac mid walba uusan ku xad gudbin.

 

3.In 5ta bishaan la isugu yimaado kulan kale.

 

Onkod News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo laga daabulayo hantidii tiilay kadib cabsi la soo deristay ganacsadata

 

Mar aan galabta dhex maray suuqa weyn ee Bakaaraha ayay indhaheygu qabanayeen qeybo ka mid ah goobihii ganacsiga oo laga daabulayo alaabtii iyo qalabkii kala duwanaa ee dhex yiilay Bakhaarada waaweyn ee suuqaasi.

 

Mar aan si hoose u weydiiyay dadkii ka agdhowaa dadkii ka daabulayay suuqa Bakaaraha

hantidii u tiilay ayaa la ii sheegay inay jirto cabsi weyn oo la soo deristay

dadkaasi kuwaasoo ka baqanaya inuu dagaal culus dushooda ka dhoco isla markaana

saameyn weyn uu ku yeesho hantidooda taala suuqaasi.

 

Qeybaha ugu badan ee laga daabulayo hantida taala ayaa waxaa ka mid ah qeybta

Maacuunta iyo alaabada guryaha oo aan ka dareemayay mar aan sii dhex marayay faaruq

aad u weyn inkastoo ay dib u soo noqdeen qeybo badan oo ka mid ah ganacsatadii

suuqa.

 

Sidoo kale, waxaa jira Bakhaaro waaweyn oo ku yaala hareeraha laamiga kuoowaad ee

suuqa Bakaaraha, gaar ahaana Bakhaarada qalabka Electorinics-ka oo iyagu gaadiid

xamuul ah oo weyn ku raranaya qalabka kala duwan ee ay ku iibiyaan goobtaasi, haba

ugu badnaadeen kuwa Matoorada waaweyn oo iyagu intoodii badneyd laga raray, mana

jirto cid noo xaqiijisay halka dib loogu rarayo, inkastoo la ii sheegay in la

geynayo gobolada kale ee dalka si loogu badbaadiyo.

 

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamo aad u tiro badan oo Soomaali ah oo

uu hogaaminayo Col. Faarax Garamgaram ay shalay subixii soo degeen nawaaxiga Suuqa

weyn ee Bakaaraha, gaar ahaana nawaaxiga Wadadii dabka iyo meelaha u dhow dhow,

inkastoo shalay lagu guuleystay in laga hortago isku dhac ay fooda u saarmeen

ciidamadaasi iyo ganacsatada Suuqa oo sheegay inay la jihaadi doonaan cidii isku

dayda inay hantidooda bililiqeysato, waxaana ku baxay arrintan ganacsato ku heyb ah

Faarax Garamgaram kuwaasoo dib u celiyay ciidamadii.

 

Garaad Salaad Xirsi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa ka soo baxay shirkii shalay dhexmaray C/lahi Yusuf iyo Xil. ******?

Submitted by calicad on Mon, 2007-04-02 14:24.

Dagaal ooge C/alhi Yuusuf ayaa maalintii shalay ahayd Villa Somalia shir ugu qabtay ilaa 20 xildhibaan oo ka soo jeeda beelaha ******.

 

Shirkaas ayuu ina YEEY calooshood u shaqaysteyaashii ****** ee ka qayb galay ugu sheegay in ay u hawl galaan sidii loo kala qaybin lahaa xooggaga wax iska caabinta iyo in uu Muqdishu ka dhigi doono dagaallo iyo qax ka xun midkii ka dhacay 1991-1992dii taas oo uu ula jeeday dagaal beesha uu ka soo jeedaa Muqdishu uga qaxday.

 

Xildhibaanadaan oo badan koodu ahaa kuwo taageersan Xasuuqa shacabka reer Muqdishu lagu hayo ayaan shirkoodii waxba ka soo bixin. Xildhibaanno ku sheeggan la shiray ina Yeey waxay dhalasho ahaan ka soo jeedaan beelaha ****** ee u badan degaanka Muqdishu, hase yeeshee ma ahan kuwo shacabku soo doortay, waxayna badankoodu ka tirsanaayeen kooxdii Sharta iyo shaydhaanka ee xamar horay looga xoreeyayey. Ragga ina yeey shalay shirka ugu yeertay ayaa u badan kuwo doonaya inay shacaka Muqdishu ka aarsadaan maadaama horay layskaga xoreeyey isbaarooyinkoodiina horay reer Muqdishu iskaga xoreeyeen.

 

Salaad cali jeele oo ka mid ahaa raggii warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in aanay jirin wax ****** ah oo dagaalka Muqdishu ku jiraa, taasi waxay caddayn u tahay sida dabadhilifkaasi caqligiisa iyo carrabkiisaba madiidinka ugu yahay ina Yeey iyo Tikreega. waxaa kaloo hadaladiisa ka mid ahaa in aanay wax naxariis ah u galayn shacabka Muqdishu. Marka su'aasha taagani waxay tahay ma la dhihi karaa salaad cali jeele iyo kuwa la midka ahi waxay matalaan beelaha ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan? Jawaabtu waa maya, ee waxay matalaan oo wakiil; u yihiin ciiddanka cadowga ee Kufaarta Tikreega iyo ina Yeey.

 

Dhinaca kale waxaa isna idaacadaha ka hadlay Maxamed Jaamac furux oo sheegay in ay tahay in dawladda lala heshiiyo iyo in uu beeshiisa matalo, malaha Furux wuxuu rajo ka qabaa inuu Xildhibaan sii ahaado, malaha Furux wuxuu doonayaa inuu la mid noqdo gacmadheere oo horay maradu uga furtay diintiisa iyo dadkiisana la kala dhintay kadib markii uu si xishood la'aan ah afhayeen ugu noqday kuwa shacabkiisa xasuuqay. Waxaan xasuusinaynaa Furux iyo kuwa la midka ah inay ka qayb qaataan dagaalka dalka looga xoraynayo ciiddanka Tikreega iyo ina Yeey iskana illaawaan hadalada ay ku hadaaqayaan iyo heshiiska ay ina yeey ka dalbayaan. halyeygii Siid gacameey ayaa horay u yiri 'HANTIDIISA XUUX LAGA DHACOO, LAGU HOR MAALAAYO, HARJAD IYO DAGAALBAA U FURAN LAYSKU HAALIGO'E, HAWO MALAHAN NIMMANKII GUNNIMO HIBO U QAATAAYE.Ragga ina yeey maantay dawladda ugu yeerayaa soow ma ahan kuwo gunimo hibo u qaatay?

 

Shacabka reer Muqdishu waxaa ka go'an in ay ina yeey iyo Kufaarta uu soo adeegsadayba ka xoreeyaan dalka Somalia oo dhan, mana dhacayso in aad xildhibaanno C/lahi Yuusuf sheegataan haddii aad doonaysaan in aad Ixtiriaan ka heshaan beelaha ****** ee aad ka soo jeedaan.

Beelaha ****** waxaa masuul ka ah xildhibaanada ka hor yimid xasuuqa shacabkooda ina yeey ku hayo ee ay ka midka yihiin Cumar xaashi iyo Caasha Xaaji Cilmi iyo dhammaan xildhibaanada Somaliyeed ee sida cad uga hor yimid kooxda Embagathi.

Beelaha ****** ina Yeey dawladiisa ma aqoonsana sida uu sheegay afhayeenka beesha Axmed Diiriye cali.

waxaan faalada warkeenna ku soo gunaanadaynaa in aan beelaha ****** aqoonsanayn dawladda ina Yeey, disaas daraadeedna aanay jirin wax xildhibaan ah oo beesha wakiil uga ah kooxda xasuuqa Muqdishu ka wada ee ina Yeey iyo Zenawi madaxda ka yihiin.Ciddii sheegata in ay ka mid tahay kooxda Embagathi waxaan u aqoonsanaynaa cadow qayb ka ah xasuuqa shacaka Xamar lagu hayo.

 

faalada wararka

cadaado.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

And now the Good Mujahids are abusing Mothers eh.

 

Kamaal,do not worry about the Qabiil priests for they have no power whatsoever but point blank fingers.Gone are the days they reigned.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Kamalu Diin:

^^ is that your comments Somalidoon <dabaqoodi USC/Beelaha H*wye

dude moronic questions have moronic answers.

Btw me and you who is Somalidoon?

Me being Ethnic Somali while you who came with a Banana boat :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dude am not a landless squatter like you.

nor do i need any assurance from you of who i am and where i leave.

for your info my folks leave from Somaligalbeed,Jubas,Gedo & Bakool and NFD.

where on earth do your Banana boat relatives leave?

you see useless folks like you who keep on ranting hatred on Somali's large clans just

reveals the desperation,Xasidnimo and cuqdhadh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this