Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Preparations for the arrival of the Prez/PM Welcoming committe set up in Bosaso City

Recommended Posts

Boosaaso: qaban qaabada soo dhawaynta wafdiga madaxwaynaha DFKGS oo aad looga dareemayo Boosaaso.

- Monday, December 19, 2005 at 15:23

 

Boosaaso(AllPuntland)- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka ayaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhawaynta wafdiga madaxwaynaha Soomaaliya .

 

Guddoomiyaha degmada Boosaaso Khadar Cabdi Xaaji Mire ayaa maanta booqday dugsiyada hoose dhexe ee ku yaalla magaalada Boosaaso asagoo ka codsaday maamullada dugisyada hoose dhexe inay ardaydooda fasaxaan maalinta bari ah oo ah maalinta lasoo dhawaynayo madaxwaynaha iyo raysulwasaare Geeddi.

 

Guddoomiyaha degmadu wuxuu kaloo saaka booqday xarumaha ganacsiga magaalada Boosaaso asagoo ka codsaday inay soo dhaweeyaan wafdiga la filayo inay magaalada Boosaaso yimaadaan.

 

Kooxaha fannaaniinta iyo kuwa Sportiska ayaa sidoo kale isku diyaarinaya soo dhawaynta wafdiga uu hor kacayo madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Guddiyo kala duwan oo uu maalintii shalay ahayd u magacaabay madaxwaynaha Punland soo dhawaynta wafdiga Federaalk ah ayaa hawshoodii bilaabay.

 

Waddooyinka waawayn ee magaalada ayaa lagu wadaa nadiifin , ammaankana aad ayaa loo adkeeyay ayadoo ciidanka boolisku ay habaynkii bilaabeen roondo.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo raysulwasaare Geeddi iyo xubno katirsan dawladda Soomaaliya ayaa maalinta talaada ah ee bari lagu wadaa inay yimaadaan Puntland ayagoo irdaha u furi doona xarunta ugu wayn ee tabobarka ciidanka DFKGS.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

2 Guddi oo loo xil saaray soo dhawaynta dawlada somaliya oo Boosaaso imanaysa

 

(Nairobi}18.12-05 Madaxawaynaha dawlad goboleedka Puntland ayaa maanta soo saaray digreeto uu ku magacaabayo guddiyo gala hawsha soo dhawaynta wafdi ballaaran oo la filayo inay yimaadaan Puntland.............

 

Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf iyo Raysulwasaare Geeddi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada DFKGS ayaa la filayaa inay soo gaaraan Puntland maalinta talaada ah.

 

Guddiyada la magacaabay ayaa waxay kala yihiin: Guddiga dhaqaalaha iyo soo dhawaynta iyo waliba guddiga nabad galyada waxaana xubno ka ah, guddiga nabad galyada :-

 

1. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga (Guddoomiye)

 

2. Taliyaha ciidanka booliiska Puntland (Xubin)

 

3. Guddoomiyaha Gobolka Bari (Xubin)

 

4. Taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Bari (Xubin)

 

5. Duqa Degmada Boosaaso (Xubin.

 

Guddiga dhaqaalaha iyo soo dhoweynta

 

1. Wasiirka maaliyadda (Guddoomiye)

 

2. Wasiirka caafimaadka (Xubin)

 

3. Wasiirka Dawladaha hoose (Xubin)

 

4. Wasiirka Hawlaha Guud (Xubin)

 

5. Wasiir kuxigeenka Ganacsiga (Xubin).

 

Durba waxaa magaalada Boosaaso laga dareemay qaban qaabada hawsha soo dhawaynta wafdiga qaran ee ka imaanaya magaalada Jowhar ee fariisinka kumeel gaark ah.

 

Widhwidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadde Muuse oo guddiyo u saaray soo dhoweynta wafdiga DFKMG

Boosaaso - 18.December.2005 Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi ayaa maanta wareegto uu ka soo saaray xafiiskiisa

madaxtooyada ee magaalada Boosaaso ku magacaabay laba guddi oo qaabilsanaan doona soo dhoweynta wafdiga sare ee dawladda federaalka Soomaaliya oo lagu wado in ay maalinta berrito ah soo gaaraan magaalada Boosaaso.

 

Labadan guddi ayaa kala ah guddiga nabadgelyada iyo guddiga dhaqaalaha iyo soo dhoweynta waxanay kala yihiin:

 

Guddiga nabadgelyada

 

1. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga (Guddoomiye)

 

2. Taliyaha ciidanka booliiska Puntland (Xubin)

 

3. Guddoomiyaha Gobolka Bari (Xubin)

 

4. Taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Bari (Xubin)

 

5. Duqa Degmada Boosaaso (Xubin.

 

Guddiga dhaqaalaha iyo soo dhoweynta

 

1. Wasiirka maaliyadda (Guddoomiye)

2. Wasiirka caafimaadka (Xubin)

3. Wasiirka Dawladaha hoose (Xubin)

4. Wasiirka Hawlaha Guud (Xubin)

5. Wasiir kuxigeenka Ganacsiga (Xubin).

 

Wareegtadan oo nuqul kamid ah uu soo gaarey SBC ayaa sumaddeedu ay tahay XMW/DPS/194?2005, waxanay ku taariikhaysan tahay 18-ka bisha December, 2005, waxaa ku saxiixan madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Federaalka oo maanta lagu soo dhaweeyey Bosaso

Bosaso:- Madaxweynaha Dowlada Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed iyo Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaaso.

 

Wafdigan balaaran oo ka yimid magaalada Jowhar, ayay kusoo dhaweeyey Airporka Magaalada Madaxda sar sare ee Dowlada Puntland iyo shacabweyne aad u badan.

 

Mas'uuliyiintan oo salaan sharaf ku qaatay Airporka Bander Qaasim ayaa kadib loo gudbiyey Madaxtooyada magaalada Bosaaso, waxayna qaarkood sidoo kale booqasho ku tageen Hotel International Village oo ay wafuudu kusoo degeen.

 

In ka badan sodomeeyo xubnood oo ayaa ku wehliya safarka Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha.

 

Waxaa lagu wadaa wafdigan in ay u kicitimaan magaalada Carmo oo maanta laga furayo Akademiyada Ciidamada Booliiska.

 

Warbixin Faah Faahsan gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa haduu Eebe Idmo.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda Dowlada Federaalka iyo Puntland oo u kicitimay degmada Carmo.

 

Bosaso:- Kolonyo gawaari ah oo boqolaal gaaraya ayaa usii gelbiyey dhanka degmada Carmo wafuud kala gedisan oo ka kala socota Dowlada Federaalka iyo Puntland.

 

wafdi_puntland_jidka1.jpg

 

Madaxweynaha Federaalka, Raysalwasaaraha, Madaxweynaha Puntland, iyo madax kale oo badan oo ka kala socda Dowlad Gobaleedka iyo Dowlada Federaalka ayaa saacad kahor u kicitimay dhanka koonfureed ee magaalada Bosaaso.

 

Sida uu noo sheegay Wariye Faysal Geele Omar oo hada la socda kolonyadan ayaa sheegay in, Wafdigan balaaran oo ay ku wehliyaan safarkooda dad weyne aad u badan oo ayaguna iskood u raacay wafdigaasi si ay uga qeyb galaan munaasabada ka dhaceysa degmada Carmo.

 

wafdi_puntland_jidka2.jpg

 

Degmada Carmo oo dhanka koonfureed uga beegan magaalada Bosaaso, ayaa waxaa illaa iyo shalay ka socday diyaar garowga Wafuudan ka qeyb geli doonta munaasabada furitaanka Akademiyada Ciidamada Booliiska.

 

Wariye C/risaaq Shiino oo hada ku sugan degmada Carmo oo khadka telefoonka noogu waramay ayaa sheegaya in halkaasi ay hada ku sugan yihiin kumanaan dad ah oo usoo daawasho tagay furitaanka xaruntaasi cusub.

 

Wuxuuna wariyaha sheegay in ay halkaasi ku sugan yihiin ciidamo aad u badan oo isugu jira kuwa Booliiska iyo Daraawiishta iyo taraafikada isla markaana amniga si weyn loo sugay.

 

Sidoo kale xarunta ay ka dhaceyso munaasabada ee xerada Akademiyada ayaa loo sii diyaariyey wafdigan balaaran, waxaana lagu wadaa in ay maanta dhamaan wafuudan qado sharaf loogu sameeyo degmada Carmo.

 

Wixii War ah oo ku saabsan socdaalka wafdigan iyo soo dhaweyntii Bosaaso iyo Carmo, ayadoo faah faahsan ayaan gadaal idiinka soo gudbin doonaa haduu Eebe idmo.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BOOSAASO : M/wayne Yuusuf iyo Wafdi uu hogaaminayo oo goor dhawayd ka soo dagay Garoonka diyaaradaha Boosaaso

Posted to the Web Dec 20, 10:42

 

 

Boosaaso:-M/waynaha DFKS C/laahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Raysalwasaarihiisa Pro:Cali Maxamed Geedi , ayaa goor dhawayd ka soo dagay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

 

Boqolaal qof , oo isugujira Maamulka Puntland, Ururada bulshada iyo Ardayda , ayaa si diiran u soo dhaweeyay M/waynaha iyo wafidigiisa.

 

Wafdiga M/waynaha ayaa lagu wadaa in ay u sii gudbaan Degmada Carmo ee gobolka Bari , si ay uga furaan Xerada tababarada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dhawaan halkaas laga hirgaliyay.

 

Sidoo kale , M/waynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo gaari doona Caasumada Maamulka Puntland ee Garoowe , maalinimada bari ah haddi Eebe ogalaado.

 

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Boosaaso: Diyaaraddii sidday Madaxwaynaha Soomaaliya iyo raysulwasaare Geeddi oo soo caga dhigatay Boosaaso.

- Tuesday, December 20, 2005 at 10:22

 

Boosaaso(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in haatan ay soo caga dhigatay diyaaraddii sidday Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo raysulwasaare Geeddi.

 

Sida ay nagu soo gaarayaan wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso wafdiga madaxwaynaha ayaa markii ay kasoo dageen diyaaradda waxay salaameen dadwaynihii iyo masuuliyiintii Puntland ee soo dhawaynaysay.

 

Ciidanka Baambeeyada oo lagu diyaariyay garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa garaacayay asataanta calanka , ciidanka booliska Puntlandna waxay salaan siiyeen madaxwaynaha DFKGS iyo wafdigiisa , waxayna dabadeed mid mid u gacan qaadeen masuuliyiin uu ugu horeeyay madaxwaynaha Puntland , madaxwayne kuxigeenka iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada.

 

Kooxaha fannnaaniinta gobolka ayaa diyaar ku ahaa goobta ay soo dhawaynta madaxwaynaha ka dhacaysay .

 

Wafdiga madaxwaynaha iyo raysulwasaaraha ayaa la filayaa marka ay qaddar gaaban nasasho qaataan inay u kici timaan xerada tabobarka ciidamada ee Carmo.

 

Wixii war ah oo dheeraad ah oo kusaabsan wafdiga madaxwaynaha kala soco AllPuntland

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: Wafdigii madaxwaynaha Soomaaliya oo daqiiqado kadib ka dagaya Boosaaso.

- Tuesday, December 20, 2005 at 10:05

 

Boosaaso(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo xubno katirsan dawladiisa oo uu hor kacayo ay maanta barqonimadii kaso duuleen magaalada Jowhar ayadoo waqti gaaban dabadeed laga filayo Boosaaso.

 

Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa waxaa tan iyo saaka tubnaa inta u dhaxaysa magaalada iyo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

 

Ciidanka booliska magaalada Boosaaso ayaa qayb libaax leh ka qaadanaya sugidda ammaanka halka ay soo dhawayntu ka dhacayso.

 

Madaxda dawladda oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse ayaa diyaar ku ah garoonka diyaaradaha Boosaaso.

 

Mar aannu la xiriirnay magaalada Jowhar ayaa naloo sheegay in wafdigu ay soo raaceen laba diyaaradood oo nooca yar yar ah.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Cabdilaahi yuusuf iyo waftigiisii oo soo Gaadhay Boosaaso

 

Boosaaso 20 Dec 2005 Madaxweynaha Dwalada federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Yuusuf Axmed iyo Raysalwasaarihiisa Cali Maxamed Geedi ayaa Goor dhawayd kazoo degay Garoonka Diyaaradauhu ka Haadaan ee degmada Boosaaso,.

 

 

 

Madaxweynaha iyo watiga uu hogaaminayo oo ay ku jiraan xubno ka mida baarlamaanka oo ay wasiiro ku jiraan, ayaa waxaa kusoo dhaweeyey gegedida diyaradaha madaxweynha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane Cade Muuse Xirsi iyo Kuxigeenkiisa Xasan Daahir Afqudhac, iyo dadweyne aad u fara badan oo u soo banbaxay soo dhawaynta madaxweynaha iyo waftigiisa.

 

 

 

Waxay halkaasi wufuudu salaam sharafeed kaga qaateen ciidamada Booliska iyo daraawiishta. Waxaa meel kasta laga dareemayey soo dhaweynta loo samaynayey madaweynaha iyo waftigiisa waxaana wadoonyinka dhinacyadooda tubnaa dad ruxayey caleemo qoyan, sawirka madaxweynaha iyo raysalwasaaraha iyo weliba calanka soomaaliaya.

 

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Yuusuf waa markii labaad ee ay isga iyo raysal wasaarihiisu ay yimaadaan Puntland.

 

Waxaa imaanshaha doorkan uu ku aadan yahay furutaanka akadeemiyada ciidanka booliska ee laga hirgeliyey tuulada Carmo ee ku taala duleedka Boosaaso

 

 

 

Xafladdaan xarigga looga jarayo akadeemiyadaan uu yeelanayo booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu soo beegay 20-ka December oo ah maalintii la aasaasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyadoo ciidanka booliiska Soomaaliyeed uu jiro 62-sano, waxaana ciidanka booliiska uu soo maray dhibaatooyin fara badan intii uu jiray, iyadoo 15-kii sano ee ugu dambeeyay uu ahaa mid la kulmay dhibaatooyin kala gaddisan oo ay la yimaadeen dagaallada sokeeye sida in ciidanka booliiska oo la dagaalami jiray tuugada iyo xatooyada iyaga laftooda la xado sidoo kalena ay ka dhuuntaan tuugadii ay shalay qaban jireen oo ay aragtidu ka dhaxeysay.

 

 

 

Akadeemiyadaan ayaa marka maanta la furo waxaa ka bilaabanaysa tababar loogu furayo qaar ka mid ah ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo laga kala keenay gobollo dalka ka mid ah sida: Gobollada Puntland, Gobolka Shabeellada Dhexe iyo Gobollada Jubbooyinka, waxaana la filayaa inay sidoo kale gaaraan isla markaana askar booliis ah oo ka socota gobollada dalka qaarkood si ay uga qaybgalaan tababarka halkaas ka furmaya.

 

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul wasaarihiisa Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu wadaa inay xarigga si wadajir ah uga jaraan akadeemiyadaas iyagoo halkaas uga jeedin doona dadweynaha iyo ciidammada ka soo qaybgala dabaaldaggaan maanta lagu wado inuu ka dhaco xeradaas khudbooyin ku saabsan ciidanka booliiska iyo waxa looga baahan yahay iyo sidoo kale talaabooyinka ay dowladda Federaalka Soomaaliya horay u qaadday iyo waxa ay ugu talogashay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidee wafdiga DFKMG loogu soo dhoweeyey gobolka Bari?

 

DSCF0008.jpg

 

Boosaaso - 20.December.2005

 

Mas’uuliyiinta ugu sarsarraysa xukuumadda federaalka Soomaaliyeed ayaa maanta si dirran loogu soo dhoweeyey

Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso Hotel International Village ilaa iyo degmada Carmo ee gobolka Bari oo magaalada Boosaaso dhinaca koonfureed kaga aaddan ilaa iyo 60km.

 

Soo dhoweynta Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdigii kale ee labada gole ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ahayd mid si weyn ay ugu diyaar garoobeen mas’uuliyiinta, ururrada bulshada iyo shacab weynaha Puntland.

 

Soo dhoweynta wafdiga dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa dawlad goboleedka Puntland u saartay laba guddi iyada oo ay taasi barbar socotey diyaar garowga ay samaynayeen ururrada bulshada rayidka ah, maamulka dawladda hoose ee magaalada Boosaaso, ciidamada maamboyda iyo fannaaniintu.

 

Ardayda kala duwan ee dugsiyada magaalada Boosaaso ayaa si weyn uga qayb galay soo dhoweyntii maanta waxana la arki karayey dadweyne aad u fara badan oo buux dhaafiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso min Hotel International Village oo la dejiyey wafdiga dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale tuulooyinka u dhexeeya magaalada Boosaaso ilaa iyo degmada Carmo ayaa iyana diyaar garowga ka qayb galay, iyada oo ay ururrada haweenka ee Gobolka Bari iyo degmada Carmo ay si gaar ah u diyaariyeen qalabka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyo dhallinyaro rag iyo dumar isugu jirta oo ku lebbisan dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa dadweynaha, mas’uuliyiinta dawlad goboleedka Puntland iyo saxaafadda uga mahad celiyey sida ay uga qayb galeen soo dhoweynta wafdiga dawladda federaalka Soomaalya.

 

meheradaha magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo ayaa si weyn looga dareemayey soo dhoweynta iyada oo ay jireen dad fara badan oo soo xiray meheradahoodii si ay uga qayb galaal soo dhoweynta mas’uuliyiinta dawladda federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Maxamed Geedi oo furay Kuuliyadda Booliiska Soomaaliyeed.

 

Boosaaso - 20.December.2005

 

DSCF0044.jpg

 

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi ayaa si rasmi ah galabta

u furay kuuliyadda ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee degmada Carmo.

 

Munaasabadda furitaanka akedemiyada booliiska Soomaaliyeed ayaa waxay ku beegnayd “Xuska Maalinta Ciidamada Booliiska Soomaaliyeedâ€, oo guud ahaan waddanka oo dhan si weyn looga xusay.

 

Furitaankii kuuliyaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qayb galay, madaxweyne kuxigeenka Puntland, Xasan Daahir Afqurac, qaar kamid ah golaha wasiirrada Puntland, taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Cali Madoobe, taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Yuusuf Axmed Khayr, qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamanka federaalka Soomaaliyeed iyo dadweyne aad u fara badan.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf & Geeddi oo lagu soo dhoweeyey Boosaaso!

 

DSCF0024.jpg

 

Boosaaso - 20.December.2005

 

Madaxweynaha dawladda Federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal

Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi ay hoggaaminayaan ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

 

Wafdigan ayaa la kulmay soo dhoweyn heer sare ah oo aan loo kalal harin haddii ay noqon lahayd mas’uuliyiinta dawlad goboleedka Puntland, ururrada bulshada rayidka ah iyo dadweynahaba.

 

 

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarihiisu waxay salaan sharaf ka qaateen ciidamada Bambayda oo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso lagu diyaariyay.

 

Wufuud gaaraysa 30 ayaa la sheegay in madaxweynuhu ay la socdaan oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiiro.

 

Waxaana ay u sii gudbeen xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso halkaasoo la filayo inay isla maanta uga sii gudbaan degmada Carmo ee gobolka Bari si ay xarigga uga jaraan xarunta tababarka ciidamada Soomaaliyeed.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ardayda oo ka qayb gelaysa soo dhoweynta wafdiga DFKMG!

 

ardaydabosaso.jpg

 

Boosaaso - 20.December.2005

 

Waxaa goobo gooni gooni ah loo cayimay ardayda dugsiyada kala duwan ee magaalada Boosaaso si ay uga qayb qaataan

soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo saacadaha soo socda ka soo degi doona garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

 

Mas’uuliyiinta dugsiyada iyo guddiga qaban qaabada iyo soo dhoweynta wafdiga ayaa soo saaray shax ay ku caddahay goobaha ay istaagayaan ardaydu waxanay kala yihiin:

 

 

Machadka Hodman, Machadka caafimaadka, Secondory School waxaa ay safan doonaan airaboorka.

 

Dugsiga Xamdaan dalcadda laga soo dego ee garoonka diyaaradaha Boosaaso ilaa beeraha Baalade.

 

Shaafici

 

AlNawaawi

 

Manaaratul Baydaa

 

Al najax

 

Algaarisa

 

Xaaji mire wuxuu tegayaa waddada Hotel International Village tagta.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: Raysulwasaare Geeddi oo xarigga ka jaray Akadeemiyada tabobarka ee carmo , dibna ugu soo laabtay Boosaaso.

 

- Tuesday, December 20, 2005 at 17:20

 

Boosaaso(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in raysulwasaaraha Soomaaliya Prof: Geeddi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha wasiirada ee DFKGS iyo kuwa Puntland iyo masuuliyin ka tirsan hay'adaha gar gaarka oo ugu horeeyo u qaybsanaha deeqaha Soomaaliya Maxwell Gylard ay goor hore oo galabta ah gaareen deegaanka Carmo.

 

Raysulwasaare Geeddi oo weheliyaan gaaddiid aad u badan oo ay saaran yihiin qaar kamid ah dadwaynihii soo dhaweeyay ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Carma .

 

Prof: Geeddi iyo xubnaha uu hor kacayo ayaa waxaa magaalada Carmo uga hortay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo wasiiro Puntland ka tirsan iyo shacabka Carmo oo ruxayay caleemo qoyan oo ku dhawaaqayay "jaallayaaloow soo dhawaada".

 

Md: Geeddi iyo gaadiidkii galbinayay ayaa u weecday dhinaca xerada wayn ee tabobarka oo duleedka kaga taalla magaalada Carmo ee gobolka Bari .

 

Xerada Tabobarka ayaa waxaa kusugnaa ciidan kala duwan oo ka kala yimid Puntland iyo gobolka Jubbada hoose kuwaasoo u diyaar garoobay inay tabobaro ku qaataan Carmo,.

 

Prof: Cali Maxamed Geeddi ayaa salaan ka qaatay cutubyadii ciidamada ahaa ee kusugnaa xerada tabobarka Carmo wuxuuna si rasmi ah xarigga uga jaray xeradaasi.

 

Intii uusan Prof: Geeddi hadalka jeedin waxaa halkaasi qudbado kasoo jeediyay wasiirka arimaha gudaha Puntland , taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guddoomiyaha gobolka Bari iyo duqa Carmo.

 

Prof: Geeddi oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin qiimo leh ayadoo si rasmi ah loo furayo xero tabobar oo aad looga shaqeeyay , wuxuuna sheegay in furitaanka xaruntan uu kusoo beegmay maalinta booliska Soomaaliyeed ee 20ka December.

 

Prof: Geeddi iyo wafdigiisii ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ayadoo ay galbinayaan dadwaynihii horay uga raacay magaalada Boosaaso.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: Madaxwaynaha DFKGS iyo Madaxwaynaha Puntland oo caawa kulamo ku leh Boosaaso

 

- Tuesday, December 20, 2005 at 18:07

 

Boosaaso(AllPuntland)- Madaxwaynaha DFKGS Md: C/laahi Yuusuf Axmed iyo madaxwaynaha Puntland Md: Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa kulamo caawa ku leh xarunta madaxtooyada dawlad goboleedka Puntland.

 

 

 

Kulamada ay labadan madaxwayne leeyihiin oo horay loo sii shaaciyay inay dhacayaan ayaa ahaa kuwo saxaafadda laga hor joogsaday , waxayna soo bilowdeen wada hadalladan galabta.

 

 

 

Ilo kudhow dhow madaxtooyada dawlad goboleedka Puntland ayaa noo sheegay in kulamada labadan masuul ay kusaabsan yihiin wada tashi kusaabsan dhinaca horumarka maamulka Puntland iyo is beddelka la sheegay in dhawaan lagu samaynayo xukuumadda Puntland.

 

 

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa C/laahi Yuusuf usoo gudbiyay inuu doonayo inuu mustaqbalka dhow doonaayo inuu wax kabaddel kusameeyo golaha xukuumadda Puntland oo uu madaxaynaha Puntland qiray in habacsanaan jirto.

 

 

 

Madaxwaynaha Soomaaliya oo maanta saxaafadda hadal gaaban siiyay ayaa sheegay inuu halkan u yimid inuu latashi kala sameeyo madaxwaynaha Puntland isla markaana golaha wasiirada ammuurohooda uu fikrado kasiin doono madaxwaynaha Puntland.

 

 

 

Md: Yuusuf wuxuu ka digay mar uu maanta saxaafadda u waramayay in jiraan saxaafadda qaarkood oo uu ku tilmaamay inay socodka madaxwaynaha iyo raysulwasaaraha si kale u dhigeen.

 

 

 

Madaxwaynaha ayaa lafilayaa inuu maalinta bari ahna sii joogo magaalada Boosaaso ayadoo la filayo in asaga iyo raysulwasaaruhu ay dib ugu noqdaan maalmaha soo socda xarunta kumeel gaarka ah ee dawladda.

 

 

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this