Sign in to follow this  
Jacaylbaro

RECONCILIATION MEETING POSTPONED

Recommended Posts

Mogadishu 05, April.07 ( Sh.M.Network) Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegtay in dib loo dhigay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu waday in bartamaha bishaan uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa go'aan ku gaaray dib u dhigista shirweynihii qaran ee kal hore uu ku dhawaaqay in lagu qaban doono magaalada Muqdisho 16 ka bishaan Aprill, arintaasina waxaa sabab looga dhigay xaaladaha amaan darri ee ka jira caasimadda.

 

Diblumaadsi carbeed oo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska Asharqal Awsat u sheegay in wasiirka arimaha dibadda dowladda KMG ah ee Somalia Ismaciil Hurre Buubaa uu ku wargaliyay kooxda xiriirka caalamiga kulankii ay maalin ka hor ku yeesheen magaalada Qahira go'aanka Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf uu ku gaaray dib u dhigista shirweynahaasi.

 

Buubaa ayaa kooxdaasi u sheegay in marka hore ay tahay in la sugo amaanka caasimadda Somalia, si loo damaanad qaado amaanka ergada ka qeybqaadaneysa shirweynahaasi, isagoo intaasi ku daray in shirka la qaban doono bartamaha bisha May ee soo socota.

 

Kooxda xiriirka caalamiga ah ayaa muujisay sida ay uga walaacsan yihiin dagaalada ka soo cusboonaaday caasimadda iyo dhibaatooyinka bani-aadnimo ee heeysta dadkii rayidka ahaa ee ku nool magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu 05, April.07 ( Sh.M.Network) Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxa ay beenisay in dib u dhac uu ku yimid shirkii dib u heshiisiinta ee uu ku baaqay Madaxweyne C/laahi Yuusuf in 16 ka bishaan lagu qabto magaalada Muqdisho, iyadoo Wargeyska Asharqal Awsat oo soo xiganaya Mas'uul carbeed in dib loo dhigay shirka dib u heshiisiinta qaran ilaa bartamaha bisha May ee soo socota.

 

Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Max'ed Cabdi Xayir Maareeye oo shabelle u waramay ayaa sheegay in aanu jirin wax dib u dhac ah oo ku yimid kulanka dib u heshiisiinta qaran ee bartamaha bishaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

 

Waxa uu sheegay in la diyaariyay dhaqaalihii lagu qaban lahaa kulankaasi, isagoo sheegay in xiriir uu la sameeyay wasiirka arimaha dibadda Ismaciil Hurre Buubaa oo uu sheegay in arintaasi ay tahay mid Wargeyska uu ka been abuurtay sida uu yiri.

 

Maareeye waxa uu sheegay in haddii kulanka dib loo dhigayo ka hadalkiisa ay u taalo Madaxweynaha dowladda kMG ah, hasa ahaatee aaneey aheyn in Mas'uul kale arinkaasi laga soo xigto.

 

Maareeye ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka ay ka wada shaqeeyaan nabadda, isagoo sheegay in kulanka dib u heshiisiinta qaran ay ka soo qeybgali doonaan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this