Sign in to follow this  
Member-sol-

COL. CADDOW WARSAME: “Wadankan awood ka weyn ayaa saaran,

Recommended Posts

COL. CADDOW WARSAME: “Wadankan awood ka weyn ayaa saaran, waxaana Wasiirka Gaashaandhigga ka ah Jen. Gabre, Abaanduulka Ciidamadana waxaa ka ah Sarkaalka heysta Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta

 

Axad, June 15, 2008(HOL): Col. Caddow Warsame oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidmada Federaalka Soomaliya ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayay Dowladda Federaalka, isla markaana uu haatan wixii ka dambeeya uu yahay qof aan xil dowladeed heynin oo si iskiis ah u shaqeysta.

 

Sarkaalkan oo warbaahinta uga waramayay waxa ku kalifay in uu iska casilo xilkii uu hayay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay u cuntami weysay in isagoo ah Sarkaal darajadiisa Korneyl tahay in uu amar ka qaato Askari Alifle Itoobiyaan ah.

 

“Wadankan awood ka weyn ayaa saaran, waxaana Wasiirka Gaashaandhigga ka ah Jen. Gabre, Abaanduulka Ciidamadana waxaa ka ah Sarkaalka heysta Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga” ayuu yiri Col. Caddow Warsame.

 

Sarkaalkan is-casilay oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Sarkaal jooga Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga uu isaga iyo Saraakiil kale ka diiday oo dhawaan tababar dheeraad ku soo qaatay Dalka Burundi in ay ku shaqeeyaan darajada Ciidan ee ay gaareen.

 

“Wuxuu nagu sarkaalkaas Itoobiyaanka ah ma xiran kartaan Darajo Korneelnimo ee Ciidamadiina dhexda ka gala ee la howlgala, wuxuuna taasi noogu daray in aanan lahayn wax ciidamo ah oo aan ku hoggaaminno darajada ciidan ee aan leenahay”ayuu yiri Col. Caddow oo sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku jira Xaruntii Saraakiisha Shiirkole iyo Xeradii guul-wadayaasha uu xukumo Sarkaal Itoobiyaan ah oo degan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga.

 

“Muddo bil ka badan ayaa Sarkaal Soomaali ah oo heystay Ciidamada jooga Xaruntii Saraakiisha waxaa biyo ku dhaansanayay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii gaashaandhigga, markii la soo daayayna dalkaba wuu isaga tegay”ayuu yiri Col. Caddow oo sheegay in sababta sarkaalkaas loogu xadgudbay ay ahayd isagoo diiday in uu qaato amar ay siiyeen Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Waa sarkaalkii ugu horeeyay oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka oo ku dhaawaqay in uu isaga tegay shaqadii uu dowladda u hayay, isla markaana carrabka ku adkeeyay in ay xaqiraad ku sameeyeen saraakiisha Ciidamad Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muddo bil ka badan ayaa Sarkaal Soomaali ah oo heystay Ciidamada jooga Xaruntii Saraakiisha waxaa biyo ku dhaansanayay Ciidamada Itoobiyaanka
ah ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii gaashaandhigga, markii la soo daayayna dalkaba wuu isaga tegay” ayuu yiri Col. Caddoow oo sheegay in sababta sarkaalkaas loogu xadgudbay ay ahayd isagoo diiday in uu qaato amar ay siiyeen ciidamada Itoobiyaanka.

Ma murugoodaa, ma qososhaa, ma fajacdaa, madaxa maa luxdaa. Runtii tan maa noo dambeysay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Where are SOL's Ethio double-d's? Come out now cyber collaborateurs, you can't let this one slide without spewing the stories you hear at the dinner table.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Qof damiir bini-aadamnimo leh oo askar Xabashiyeed la noolaan kara majiro. They are primitive and barbaric.Sometimes, I think the Palestinians are lucky. Askarta yuhuuda ayaan idhaa ilaahay muu kuwaa na hoos geeyo. They have some boundaries kuwaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this