Sign in to follow this  
Maaddeey

Qarax ay ku dhinteen ciidamo TFG

Recommended Posts

Maaddeey   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo maanta magaalada Muqdisho lagula eegtay kolonyo ka tirsan maleeshiyaadka DKMG ah oo marayey xaafado ka tirsan degmada Waaberi.

 

 

 

 

Qaraxan oo maanta Barqadii dhacay ayay warar kala gedisan kasoo baxayaan khasaraaah ak dhashay iyo cidda laqarxiyay, Ilo xog ogaal ah ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay qaraxaasi ay ku dhinteen 5 Askari oo gaari wada saarnaa tira kalane ku dhaawacmeen.

 

 

Qaraxa oo ka dhacay xaafadda 21-ka October degmada Waaberi ayaa wuxuu ahaa Miino dhulka lagu aasay waxaa lala helay gaari Cabdi Bille ah oo ay la socdeen 11 Askari oo DKMG ah ka tirsan waxaa gaarigaasi si gaar ah u lahaa mid ka mid ah Wasiirada DKMG ah ee dhanka Maxaakimta ka soo galay.

 

 

Fagtii hore ee qaraxa waxaa ku dhintay 4 Askari balse mid kale ayaa jidka ku geeriyooday xiligii Isbitaalka AMISOM loosii waday, Burbur aad u xoogan ayaa soo gaaray gaariga qaraxa lala eegtay waxaana markii dambe goobta ka jiiday gaari Foolfa ah oo ay DKMG ah leedahay.

 

 

Xaalad Cabsi leh ayaa galabta laga dareemayay degmada Waaberi oo xalay siyaaba kala gedisan loogu dilay maleeshiyaad ka tirsan Dowlada KMG ah, Maleeshiyaad DKMG ah ayaa qaati ka taagan Miinooyinka ay xoogaga Mujaahidiinta ah ugu duugaan wadooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Isniin, May 10, 2010 (HOL) − Qarax miino oo lagula beegsaday Dugsigii sare ee 21-ka Oktoobar baabuur dagaal oo ay wateen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay hal askari iyadoo ay ku dhaawacmeen 9-qof oo kale.

 

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa ku jiray afar askari oo ka tirsan askartii gaariga la socday, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay 5-qof oo rayid ah oo ay ku jirtay gabar aad u da'yar.

 

Goobjoogto ku sugnayd halka uu qaraxu ka dhacay ayaa u sheegtay HOL in Qaraxa uu ahaa mid xooggan oo burbur gaarsiiyay gaariga, iyadoo ciidamadu ay galeen guryaha ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay dhowr qofna jir dil u geystay.

 

"Baabuurka la qarxiyay wuxuu ka yimid Dekedda waxaa qabsaday qarax miino, anigu waxaan arkay dad badan oo dhulka yaala isuguna jiray askar iyo shacab" ayay tiri Xaliimo Nuur oo ganacsi ku haysata meel ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

 

Dhaawacyadii ka dhashay qaraxan ayaa la gaarsiiyay isbitaalka Madiina, waxaana lagu soo beegay qaraxa iyadoo xalay lagu dilay degmada Waaberi askari ka tirsan Dowladda, kaasoo la sheegay inuu baaranayo kula kacay dad shacab ah.

 

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, sidoo kalena Dowladda ayaan ka haldin, iyadoo qaraxan lagu soo beegay xili madaafiic badan oo ku dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho ay waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this