Sign in to follow this  
General Duke

Warlords losing support of MP's in Mogadishu....

Recommended Posts

Kulan ay maanta xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho ku yeesheen Hotel-ka Saxafi oo ku soo dhamaaday qalalaase

Posted to the Web Oct 22, 15:45

 

 

Muqdisho:- (PP) – Kulankii caadiga ahaa ee ay xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho ku yeelan jireen maalin walba oo sabti ah, kana mid ah kulammada caadiga ah ee ay yeeshaan maalmaha sabtida ah iyo maalmaha Axadda ah ayaa maanta ku soo dhamaaday qalalaase sababi gaaray inay gacanta iskula tagaan Xildhibaannada iyo Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaiya ee ka mid ah xubnaha Muqdisho ku sugan.

 

Kulankii maanta ayaa looga dooday buug lagu magacaabay Cilmiga Bulshada oo ay beelaha jareertu ku sheegeen in iyaga wax loogu dhimay, iyo sidoo kale hubka ku soo qulqulaya Soomaaliya iyo cidda keenta, waxaana kulankii kan ka horreeyay loo xulay min Afar xubnood si ay uga soo doodaan, waxaana maanta la dhageystay xubnihii soo aqriyay isla markaana warbixinta ka keenay buugga loogu magac-daray Cilmiga Bulshada.

 

Sidoo kale guddi ka kooban 4-xubnood oo iyagana loo xil-saaray inay baaritaan ku soo sameeyaan hubka dalka soo gala ayaa waxay sheegeen in warbixintooda aysan diyaar ahayn isla markaana ay sheegeen inay tallaadada soo socota ay keeni doonaan warbixin dhameystiran oo qeexaysa hubka dalka la soo geliyo noocyadiisa, halka uu ka yimaado iyo weliba shaqsiyaadka dalka soo geliya.

 

Intii aan laga gaarin go’aannno laga soo saaro buugga loogu magac-daray Cilmiga Bulshada ee buuqa weyn dhaliyay ayaa waxaa halkaas ka istaagay guddigii loo magacaabay inay maamul u soo sameeyaan gobolka Banaadir oo iyagu xalay isku khilaafay kulan ay ku yeesheen Hotel Amiira, waxaana maanta warbixintii ay soo jeediyeen ay dhalisay qalalaase keeni gaaray gacan ka hadal dhex mara xubnaha labada gole ee isugu jira Wasiirrada iyo Xildhibaannada kulankaas isugu yimid.

 

Xildhibaannada iyo Wasiirrada hubeysan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho ayaa isku maandhaafsan maamul u sameynta gobolka Banaadir, qaar ka mid ah xildhibaannada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku andacoonaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu yahay mid dhisan oo uu magacaabay Ra'iisul wasaare Geeddi, aana loo baahnayn la isku mashquuliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir balse loo baahan yahay in maamul ka madax bannaan ka dowladda oo aan wax u dhimeyn midka dowladda laga dhiso Muqdisho.

 

Halka dhinaca kale Wasiirrada hubeysan ay dhankooda uga andacoonayaan in aanay jirin wax la yiraahdo maamul cusub oo ay dhistay dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaa daraadeed loo baahan yahay in la dhiso maamul cusub.

 

Kulankii maanta ayaa isagu ahaa mid ku soo dhamaaday is faham-darro iyo qalalaase weyn kaasoo laga baqay inuu ka dhex dhaliyo xubnaha labada gole gacan ka hadal.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya

contact us:webmaster@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamul u Sameynta Gobolka Banaadir oo mar

kale manta lagu kala dareeray

 

Kadib Markii muddo badan dood si hoose u socotay yeesheen Xubnaha Labada gole qeybta Muqdisho ayaa ugu dambeyntii lagu kala dareeray fadhigii Maanta ku yeesheen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho kadib markii la isku mari waayay qodob ku saabsanaa maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

 

Xubnaha labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya qaybta magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka soo saareen fadhigii maanta labo qodob oo ay ka kala mid yihiin, qodobka ugu horeeya oo ah Buug dhowaan ay soo saatay hay'adda UNESCO oo ay ku sheegeen buugaasi in uu yahay mid wax u dhimaya dhaqanka iyo waliba siyaasad ahaan beelo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed (Beesha Jareer Weyne)

 

Laakiin warar ku dhaw dhaw kulankaas ayaa sheegaya in lagu kala tagay markii Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare soo bandhigeen arrimo ku saabsan Maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

 

Arrintan ayaa waxaa ka soo horjeeda Xildhibaano ku sugan Muqdisho, kuwaas oo ku dooday in la taageero Maamulka cadde ka yahay Guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho.

 

Xalay ayaa sidan oo kale dhacday kadib markii la soo bandhigay qodob ah in maamul cusub loo sameeyo Gobolka Banaadir, waxaana muuqata in xubnaha Labada gole qeybta xamar ku kala qeybsan yihiin arrintan oo ay watan Muuse iyo Qanyare.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qorshe ay wateen Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare

oo Xalay lagu kala booday Kadib Markii

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayan in Muuse Suudi Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka iyo Wasiirka Ammniga Qaranka Maxamed Qanyare ay soo bandhigeen in Maamulka Cusub ee yeelanayo Gobolka Banaadir ay madax ka noqdaan labo xubnood oo ka mid ah taageeriyaasha Wasiiradan.

 

Kulan xalay ka dhacay Hotelka Amiira ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Maxamed Qanyare iyo Muuse Suudi ay ku soo bandhigeen Maamulka cusub ee Gobolka banaadir iyo raga madaxda ka noqonayo,laakiin dood kulul ayaa arrintaas lagala hortagay sida ay sheegayan wararka laga helayo kulankaas.

 

Ragga ka hor yimid Qorshaha Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare oo kulankaas dooda adag ka dhaliyay ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Xuseen Caraale oo heyb qabiil yihiin Wasiirka Ganacsiga, kaas oo sheegay inaan jirin baahi hadda loo qabo in Maamul cusub la sameeyo, maadama uu jiro Maamul uu soo dhisay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.

 

Ilo Wareed ayaa sheegaya in Muuse Suudi uu doonayo in Maamulka Banaadir uu hogaamiyo mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada oo lagu magacabo Gudbaaye, halka Maxamed Qanyare uu wato Ibraahim Shaawaay.

 

Qaabka ay wax u socdaan oo ay wadaan xubnaha Labada Gole ee ku sugan Muqdisho ayaa ah xaalad abuuri karta dagaal sokeeye, dagaalkaas oo ka dhex dhalan kara beelaha degan Muqdisho.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^What seems to be the matter cousin.. Your comments are forever shrinking. What say you regarding the theme of this post? Are uour beloved heros losing ower, is your Sharif isolated and roaming the baren wilderness of Shepurds Bush, afraid of what might happen to him in Xmar, with the loss of his MP's.?

 

What say you to all of these simple pints dear cousin..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juma, it gets better.Your leader MUsa got another beating today [politically] in the meeting. Enjoy

 

Xildhibaan Xuseeen Caraale:"Markaan aragnay in Muuse Suudi wuxuu rabo iska sheegayo, fowdaduna ku badatay halkaan ayaan go'aansannay inaan ka guurno hoteelka"

 

Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan oo ka mid ah mudanayaasha ugu magaca dheer xubnaha golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo xildhibaanno kale oo uu ka mid yahay Ing. Maxamed Xuseen Caddow, Ing, Xuseen Cabdi Wade iyo kuwo kale ayaa maanta ka baxay shir ka socda hotelka Saxafi oo looga hadlayey arimo ay ka mid yihiin sidii maamul cusub loogu sameyn lahaa Gobolka Banaadir.

 

Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa Warbaahinta u sheegay in ay isaga guureen hoteelka Saxafi oo uu sheegay inuu bar u noqday mas'uuliyiinta raba iney qas iyo fowdo ku jaha'wareeriyaan bulshada.

 

" Markaan aragnay in Muuse Suudi uu wuxuu rabo iska sheegayo, fowdaduna ku badatay halkaan ayaan go'aansannay inaan ka guurno hoteelka" magaaladana dhinac ka galno" ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Caraale oo oo intaa raaciyay in maamulka Gobolka Banaadir uu dhisan yahay uuna soo magacaabay nidaamkana soo dhisay xubnaha wasiiradan.

 

Shirkii Maanta ee xubnaha labada gole ayaa Muuse Suudi uu horkeenay in maamul cusub loo dhiso gobolka Banaadir si looga takhluuso midka uu Guddoomiyaha ka yahay Cadde Xasan Cali Gaabow, taas oo si weyn ugu soo horjeesteen inta badan Xildhibaannaddii shirkii maanta yimid, ugu danbeyntiina Maxamed Jaamac Furux ayaa soo jeediyay in dooda qodobkaa lala sugo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Beesha Galmaax Yoonis oo uu kasoo jeeddo Cadde Xasan Cali Gaabow ayaa aad u taageertay erayada xaqa ah ee kasoo yeeray afka mudane Xildhibaan Xuseen Caraale, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay xildhibaan u hiillinaaya beelo sedkooda loo quuri la'yahay

 

Cali Muxiyaddiin Cali muxiyaddiin@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this