Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Today and Puntland

Recommended Posts

Garoowe: Baarlamaanka Puntland oo bilaabay koormeer hay'adaha Dawlada

- Tuesday, April 05, 2005 at 13:46 Garoowe: Baarlamaanka Puntland oo bilaabay koormeer hay'adaha Dawlada

 

Garoowe (AllPuntland)- Guddoomiyaha baarlamaanka dawlad goboleedka Puntland Mud: Cismaan Dalmar Yuusuf oo ay wehliyaan shirguddoonka baarlamaanka Puntland iyo guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa saaka magaalada Garoowe ka bilaabay kormeer ay kusamaynayaan qaar kamid ah hawlaha wasaaradaha Puntland.

 

Booqashada masuuliyiinta baarlamaanka ayaa la xiriirta lasocodaka hawlaha ay qabanayaan hay’daha kala duwan dawlad goboleedka Puntland iyo dabagalka shaqooyinka ay qabanayaan iyo sidii ay uga warbixin lahaayeen golaha wakiilada iyo la xisaabtanka xukuumadda.

 

 

 

Masuuliyiintan ayaa booqasho ku tagay wasaaradda Caafimaadka ee Puntland waxayna halkaasi kula kulmeen masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka gaar ahaan wasiirka caafimaadka Puntland.

 

 

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa warbixin dheer siiyay baarlamaanka Puntland taasoo kusaabsan sida ay usoconayaan hawlaha wasaaradda caafimaadka.

 

 

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cismaan Dalmar Yuusuf (Batrool) ayaa saxaafadda usheegay in kormeeradan ay ka danbeeyeen kadib markii baarlamaanku ay go’aan ku gaareen in hawlahan ay bilaabaan.

 

 

 

Wuxuu intaasi ku daray Mud: Dalmar inay kormeerka hay’adaha dawladda ee xarunta Puntland ay ku xijinayaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

 

 

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood (AllPuntland)- Madaxwayne kuxigeenka dawladda Puntland Mud: Xasan Daahir Afqurac ayaa maanta meel barxad ah kala hadlay dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood.

 

Khudbadda madaxwayne kuxigeenka oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ay kamid ahaayeen wasiirka haweenka iyo horumarinta qoyska ee Puntland Drs Caasho Geelle Diiriye, Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Axmed Cabdi Xaabsade, wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare, maamulka gobolka iyo kandagmada iyo sidoo kale shacab aad u farabadan.

 

 

 

Intii uusa Mikrafonka qaban madaxwayne kuxigeenka Puntland waxaa halkaasi hadal furitaan ah kasoo jeediyay guddoomiyaha gobolka Sool Maxamed Cawad Baaruud oo salaan kadib wafdiga kusoo dhaweeyay gobolka Sool.

 

 

 

Madaxwayne kuxigeenka ayaa intaasi kadib hadal dhinacyo kala duwan taabanaya halkaasi kasoo jeediyay, dhinacyada uu ka hadlay madaxwayne kuxigeenka waxaa kamid ah xaaladda ammaan ee Puntland , tan gobolka Sool, Doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo baahinta maamulka Puntland .

 

 

 

Mar uu ka hadlayay xaaladda ammaan ee Puntland wuxuu sheegay in ammaan buuxa uu Puntland ka jiro , wuxuu xusay in gobolka Sool waxoogaa xiisado ammaan xumo ay kajireen waqtiyadii lasoo dhaafay , wuxuu xusay in maamulka Puntland uu kalsooni ku qabo inuu is difaaco isla markaana uu awood u leeyahay in asagoo is difaacaya uu hawlihiisa wato.

 

 

 

Mar uu kahadlayay arimaha doorashooyinka golayaasha deegaanka wuxuu xusay inaan hal maalin ah laga dib dhigi doonin doorashooyinka golayaasha deegaanka asagoo intaasi raaciyay in Puntland ay diyaar u tahay in doorashooyinkaasi ay dhacaan xataa haddii xiisaddu taagantahay , wuxuu mar labaad ku celiyay in Puntland ay is difaaci karto ayadoo xataa doorashooyinku caadi u soconayaan.

 

 

 

Baahinta maamulka Puntland mar uu ka hadlayay wuxuu sheegay in maamulka Puntland lagaarsiin doono dhammaan deegaamada ay ku nool yihiin dadka reer Puntland ku abtirsada .

 

 

 

Jawiga guud ee dadkii isugu yimid dhagaysiga khudbaddda madaxwayne kuxigeenka ayaa u muuqday kuwo u riyaaqsanaa dhammaan qodobada uu madaxwayne kuxigeenku taabanayay.

 

 

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hay’adaha caalamiga ah & Waxbarashada Puntland ee 2-da sano soo socota

Boosaaso - 05.April.2005 Mashaariicda waxbarashada hay’adaha caalamiga ahi ay ka fulinayaan Puntland labada sano ee soo socota ayaa munaasabaddii furinaankooda waxaa maanta lagu qabtay hotel Panorama ee magaaladan Boosaaso.

 

Mashruuca waxbarashada ee hay’adaha Unicef, UNESCO iyo ADRA ayaa waxaa maal geliya Guddiga Beesha Reer Yurub, waxana madaxda hay’adahaasi maanta kulan la yeesheen mas’uuliyiinta dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, si looga wada xaajoodo habka ay u wada shaqaynayaan hay’adaha Caalamiga ah ee barnaamijyada waxbarasho ka fuliya Puntland iyo sida ay isku xirnaan iyo xiriir ula samaynayaan wasaaradda waxbarashada Puntland.

 

Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka soo qayb galay inta badan mas’uuliyiinta hay’adaha barnaamijyada waxbarasho ka fuliya Puntland iyo mas’uuliyiinta Puntland oo uu ugu horreeyo madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde).

 

Kulankan ayaa lagu sheegay in waxbarashada asaasiga ah ay iska kaashan doonaan hay’adda Unicef iyo wasaaradda waxbarashada Puntland halka waxbarashada dugsiyada sare ay taageeri doonto hay’adda UNESCO muddada labada sano ah ee soo socota.

 

Furitaankii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay wasiirka waxbarashada Puntland, Axmed Siciid Awnuur waxanu ka warbixiyey mashaariicda waxbarasho ee ay fulinayaan hay’aduhu, waxanu u rajeeyey guul iyo wada shaqayn.

 

Intaa kadib, ayaa waxaa isna halkaasi ka hadlay madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi oo ku boorriyey in ay ha’adaha caalamiga ahi wax ka qabtaan arrimaha waxbarasho ee Puntland, isaga oo halkaasi ka ballan qaaday in dawladda Puntland ay kordhin doonto miisaaniyadda loogu tala galay waxbarashada Puntland iska markaasna ay xoogga saari doonto arrimaha bulshada gaar ahaan dhinaca waxkaqabashada.

 

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ku hadlayey magaca shacabweynaha Puntland, waxanu sheegay in ay bulshada reer Puntland ay diyaar u tahay gacan siinta barnaamijyada waxbarasho ee dawladda iyo kuwa hay’adaha caalamiga ahba.

 

Sidoo kale madaxda halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa, madaxa EU-da ee arrimaha waxbarashada Soomaaliya, Mr. Manfred waxanu halkaasi ka ballan qaaday taageero dhinac walba ah oo ay ka geysanayaan waxbarashada Soomaaliya gaar ahaan tan Puntland.

 

 

Waxaa sidoo kale, isna munaasabaddii maanta ka hadlay madaxa hay’adda Unicef u qaabilsan arrimaha waxbarashada Soomaaliya Dr. Noel, iska halkaasi ka soo jeediyey ereyo dhiirri gelin iyo ballaan qaadyo waxbarasho ah.

 

Kulankii maanta ka dhacay hotel Panorama ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay wasiir kuxigeenka hawlaha guud iyo gaadiidka, Yaasiin Cartan, mudane ka tirsan baarlamanka Puntland oo lagu magaabo Xirsi Cabdi Oog, iyo guddoomiyayaasha waxbarashada gobollada Karkaar iyo Bari, Maxamed Shiikh Cismaan iyo Caynab iyo mas’uuliyiin kale.

 

Haddaba, kulankan oo ay qaar ka mid ah ardayda magaaladan Boosaaso ku soo bandhigeen riwaayad waxbarasho ayaa waxaa lagu tilmaami karaa fursad wanaagsan oo ay isku arkeen waxna iskula meel dhigeen hay’adaha dawladda ee waxbarashada ka shaqeeya iyo kuwa aan dawliga ahayn ee caalimiga ah.

 

Source SBConline.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland & Wafdi ay ka mid yihiin Madax UN-ka oo beri booqan doona Xaafun

Boosaaso-05.April.2005 Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi(Gen.Cadde) iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa lagu wadaa inay maalinimada beri ah u socdaalaan Degmada Xaafun ee Gobolka Karkaar halkaasi oo ah meeshii ugu xumeyd ee sida ba'an ay u saameeyeen mawjado badeedkii ku dhuftey gunta hoose ee Badweynta Hindiga.

 

Wafdiga Madaxweynaha sii raaci doona ayaa waxaa ka mid ah Wafdi balaaran oo ka socda Laamaha kala duwan ee Hay'adaha Qaramada Midoobey waxaana maanta lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Boosaaso Wafdigaasi oo uu hogaamin doono Isu duwaha Hawlaha Bini-Aadamnimo Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Maxwell Gylard.

 

Gudoomiyaha Degmada Xaafun Abshir Cabdi Taangi oo saaka ugu waramayey Idaacadda SBC Isgaarsiinta Guurguurta ee Thuraya Mobile isagoo ku sugnaa xiligaasi Garoonka Diyuuradaha ee Degmada Xaafun ayaa sheegay in ay wadaan qabanqaabo balaaran oo loogu jiro soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha iyo Hay'adaha Caalamiga ah.

 

Dhanka kale Abshir Cabdi Taangi wuxuu daboolka ka qaadey in Degmada Xaafun ay iminka joogaan Hay'ado dhawr ah, isagoo si gaar ah u xusay Hay'ada UNICEF oo balanqaadey dhismaha Dugsi Waxbarasho kaasi oo ay Hay'adu bilowdey dhismihiisa.

 

Dad xog ogaal ah ayaa u sheegay Idaacada SBC in la wado qabanqaabada dhismaha Guryo loogu tala galey in la dajiyo Dadkii ay guryahoodu ku burbureen mawjado badeedkii dhacey Bishii Desember ee 2004-tii, sidoo kale Waxaa lagu tala jiraa in Degmada laga dhiso Isbitaal, in la dayactiro Garoonka Diyaaraha iyo goobo kale oo adeega Bulshada lagu daryeelayo.

 

Ayaan Cabdi Xuseen

SBC Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this