Sign in to follow this  
Xaq

Shabab lose Luuq and Wabxo

Recommended Posts

Xaq   

Magaalada Luuq oo gacanta Dowladda ku soo Laabatay

http://www.hiiraan.c om/news/2009/Aug/war arka_maanta19-7267.h tm

August 18, 2009(Xafiiska Madaxweynaha) - Xalay Saqdii dhexe ayaa waxaa gacanta dowalda ku soo laabtay Degmada Luuq, ka dib markii ciidamo dowlada ah oo uu hogaaminayo G/sare Maxamuud Cusmaan Weli ay soo gaareen magaalada.

 

Magaalada Luuq waxaa ay tahay magaalo Istiraatiiji ah, iskuna xirta gobollada Bay iyo Gedo, waxaanay dowr weyn ka qaadan doontaa dib ugu soo celinta gacanta dowlada goboladda Geda, Bay, Bakool , Shabelleada Hoose, iyo dhamaan gobolada koofureed.

 

Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay ka koobnaayeen dhalinyarada deegaanka oo tababar ku qaatay mudo 4 bilood degaanadda Aboorre iyo Dhuusaay, howlgalkaas waxaa uu muujinayaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan dowladda, iyo iskaashiga dowladda iyo shacabku guulaha ay keeni karaan.

 

Shacabka Magaalada Luuq ayaa si diiran usoo dhaweeyay ciidamada dowlada, waxayna magaaladdu ku waabariisatay nabad, G/sare Maxamuud Cusmaan Weli, ayaa ugu baaqay dadweynaha in la ilaaliyo xasiloonida, amaanka iyo kala danbeynta.

 

Xigasho: Xafiiska Madaxweynaha, August 19, 2009

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xaq   

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo xaqiijiyay gacan kuheynta Wabxo.

http://www.mareeg.co m/fidsan.php?sid=133 96&tirsan=2

 

Ururka Alshabaab ayaa waxaa muuqaneysa in hoos u dhac iyo moral xumo uu kuyimid dagaal yahannadooda taasi oo lagu dareemi karo kala cararka ay bilaabeen.

 

 

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo maalmahani lasoo baxay dar dar culus ayaa waxa ay la wareegeen deegaan hor leh oo katirsan Gobolka Galgaduud.

 

 

Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamca Sheekh C/laahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf Al-qaadi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in si rasmi ah ay ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

 

 

Sidoo kale Afhayeenka waxa uu xusay in Shabaabkii kusugnaa halkaasi ay dagaal la galeen deetana ay ku guulaysteen in si rasmi ah ay ula wareegaan gacan ku haynta deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

 

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxihii kasoo horjeeday ee dagaalka la galay ay khasaaro xoogan u gaysteen inkastoo uusan shaacin tirada rasmi ahaan ay ka dileen ama ay ka dhaawaceen.

 

 

Hadalkani ka soo yeeray Afhayeenka Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa uu ku soo adayaa xilli maalmihii ugu danbeeyay gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ay dagaalo ku dhax marayeen Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Ururka Alshabaab waxaana Ahlu Sunna ay bilaabeen in ay la wareegaan deegaanno hor leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

The theory of power hungar, will never fade away in the minds of certain group or entity. What confuses me, is the fact that Ahlu Sunnah who are a folk of masquarading warlords and thugs claim the victory of war against Alshabaab. Mark my words, they will for sure turn against Sharif Hotel and will employ the hypothesis of "dialogue, negotiation" simply to present their Drama episodes in the theatre of the poor Civilians.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this