Sign in to follow this  
Sharmakee

Warlords re-forming again

Recommended Posts

Muqdisho:- Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel Dheer ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir Raage

Shiiraar oo shalay soo baxeen warar sheegaya in ay ku baxsaday dooni yar in ay gaareen degmadaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Ciise Cusman Siyaad oo xubin ka ahaa isbahaysigii bur buray iyo wiil uu dhalay C/rashiid Shire Ilqeyte oo wakiil uga ahaa hawlaha isbahasyiga uu ka waday magaalada Muqdisho.

 

Wararkan oo aan ka soo xiganay dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa sheegaya in ammaanka magaalada Ceel Dheer si weyn loo adkeeyay, waxa ayna xuseen in Muuse Suudi iyo Bashiir Raage ay soo gaareen magaalada Ceel Dheer.

 

Warar kale ayaa sheegaya in magaalada Ceel Dheer laga sugayo Maxamed Qanyare Afrax, Bootaan Ciise Caalin Xaaraan ku naax iyo Cabdi Waal oo ay tagi kari waayeen kadib markii ciidan uu wato Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku sugnaa deegaanka Guraceel ay ka horjoogsadeen in ragaasi ka tirsanaan jiray isbahaysigii bur buray ay tagaan magaalada Ceel Buur.

 

 

http://www.buuloburde/news.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this