Sign in to follow this  
General Duke

Millitia from across Somalia being trained for TFG

Recommended Posts

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo laga soo ururiyay gobolada Gedo ayaa lagu xareeyay xerada Daynuunaay

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 01/02/07

 

Wararka laga helayo saakay magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in ku dhowaad 500-Askari lagu xareeyay xerada Daynuunaay oo ku taala duleedka magaalada Baydhaba.

 

Ciidamadan waxaa laga soo ururiyay degaano ka tirsan gobolka Gedo sida Baardheere, B/Xaawo, waxaana hor kacaya Col. C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda KMG ah.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadan lagu xareeyay xerada Daynuunaay loo furayo tababar Milateri, iyadoo lagu wado in ciidamadaasi ay qeyb ka noqdaan ciidamada Qaranka.

 

Dowladda Federaalka KMG ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay dadaal weyn ugu jirtay inay isu keento dhammaan ciidamadii Xoogga dalka lahaan jiray si ay dalka ugu xasiliso, waxaana ciidamadani ay qeyb ka yihiin kuwaas oo ku jira qerooyin dhowr ah oo ku yaala gobolada dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tiradii ugu badnayd ee ciidamo ay leedahay dowladda federalka oo laga ururiyay degmada Afgooye oo la geeyay balli doogle si ay ugu tababar qaataan.

 

Wararka shabakadda wararka ee carmooyin.com ay ka heleyso degmada Afgooye ayaa sheegaya indegmadaasiiyo deegaannada la xiriira laga uiruriyaytiradii ugubadnayd ee ciidamo ay leedahaydowladda federalka ,kuwaasoo la geeyay garoonka diyaaradaha ee ballidoogle siay halkaa ugu tababar qaataan.

 

Wararka shabakadda wararka ee carmooyin.com ay ka heleyso degmada Afgooye ayaa sheegaya indegmadaasiiyo deegaannada la xiriira laga uiruriyaytiradii ugubadnayd ee ciidamo ay leedahaydowladda federalka ,kuwaasoo la geeyay garoonka diyaaradaha ee ballidoogle siay halkaa ugu tababar qaataan.

 

Ciidamadan oo dhawaanahanba ururintooduay socotayayaa saaka la geeyay ,iyadoo ay gelbinayen masuuliyiin ka tirsanmaamulka degmada Afgooye ee dhawaan aymagacawdaydowladda federalka ee dalka Soomaaliya.

 

Guddoomiye kuxigenka 1-aad ee maamulka degmada Xasan Axmed Xasan ayaa saaka war fidiyeenada usheegay inciidamadan laururiyay ay heli doonaan wixii xuquuq ciidanah oo ay leeyihiin,isla markaana ay qaadandoonaan tababarro siay uga mid noqdaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee loogutalagalay inamaan sugidda dalka ay ka qeybqaataan.

 

 

Dhawaan ayaa maamulka degmada Afgooye waxaa uuugubaaqaydhamanba wixii maliishiyooyin ah ayiyaga iyo qoryohooduba iska diiwan geliyaanxeryo uu maamulku uga qoondeeyay degmada Afgooye iyadoo taasina ay kentayinugudambeyntii saaka inka badan 400 oo maliishiyooyin ahloo aado Xerada Balli doogle

 

Guddoomiye ku xigaha 1-aad ee mamulka degmada Afgooye ayaa usheegaysaxaafadda in waliay ciidan ururintu si weynu soconeyso,lana filayo inmaalmaha yaree inasoo aadan boqollaal kale oociidamo ahlagubiiriyo kuwa manta la geeyay Ballidoogle.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Email Story Printable View

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamdii Puntland Oo Muqdisho Gaadhay Iyo Kuwo Laga Dabulayo Bosaaso

 

(Puntland}31.01-07

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara badan oo lagu sheegay tiradooda inay kor u dhaafayaan Kun askari oo laga soo aruuriyey degaannada badan oo Kamid KPuntland oo Dooman Waa Weyn looga soo qaadayo dekadda Boosaaso, kuwaasoo sida la xaqiijiyey laga soo dejinayo dekadda magaalada Kismaayo. ............................................

 

Ciidamadaa ayaa sida warku sheegayo ka qeyb qaadanaya howlaha dowladda Soomaaliya iyo sugidda amniga guud ahaan dalka Soomaaliya, lamana oga in Kismaayo ay ka howl gelayaan iyo in Muqdisho oo amnigeedu aanu xasilooneyn ay imaanayaan, iyadoo dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda somalia ay sheegeen in amniga Muqdisho awood milateri loo adeegsanayo oo ay xal kale waayeen.

 

Sidoo kale ciidamo aad u fara badan oo laga soo aruuriyey degaannada Gobolka Hiiraan ayaa loo soo qaaday sida la sheegay Garoonka diyaaradaha Bali-Doogle ee duleedka degmada ********* ee gobolka Shabelada hoose, kuwaasoo ku biiraya ciidamo kale oo dowladdu leedahay oo halkaasi tababar uu ugu socdo.

 

Ciidamo kale oo laga soo ururiyay Gobolada Puntland oo safar dhinaca dhulka ah kaga yimid ayaa iyaguna Muqdisho soo gaadhay xalay, kuwaasoo shalay duleedka magaalada Jowhar mar ay soo marayeen ay koox dablay ahi isku dheceen, weerar daqiiqado socdayna uu dhex maray, kuwaasoo sida la sheegay laga dhaawacay 5 ruux, iyaguna mid ayay ka dileen baa la yidhi dablaydii weerarka ku soo qaadday.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda olole ballaadhan oo ciidamo ay ku aruursanayso, inkastoo ciidamadaas oo u badan kuwo reer Puntland ah ay dadka Muqdisho iyo degaannada kale ee Soomaaliya qaarkood degan ay ka muujinayaan walaac maadaama ay u badan yihiin beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha oo isagu sida ay qabaan awood qabiileed weli adeegsanaya,

 

Widhwidh Online News Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Puntland Dooman looga soo daabulayo oo Kismaayo lagu daad gureynayo iyo warar kale oo ciidamada dowladda KMG ku saabsan

 

[somaaljecel News Network] Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara badan oo lagu sheegay tiradooda inay kor u dhaafayaan Kun askari oo laga soo aruuriyey degaannada Puntland Dooman looga soo qaadayo dekadda Boosaaso, kuwaasoo sida la xaqiijiyey laga soo dejinayo dekadda magaalada Kismaayo.

 

Ciidamadaa ayaa sida warku sheegayo ka qeyb qaadanaya howlaha dowladda KMG Soomaaliya iyo sugidda amniga guud ahaan dalka Soomaaliya, lamina oga in Kismaayo ay ka howl gelayaan iyo in Muqdisho oo amnigeedu aanu xasilooneyn ay imaanayaan, iyadoo dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ay sheegeen in amniga Muqdisho awood milateri loo adeegsanayo oo ay xal kale waayeen.

 

Sidoo kale ciidamo aad u fara badan oo laga soo aruuriyey degaannada Gobolka Hiiraan ayaa loo soo qaaday sida la sheegay Garoonka diyaaradaha BaliDoogle ee duleedka degmada ********* ee gobolka Sh/hoose, kuwaasoo ku biiraya ciidamo kale oo dowladdu leedahay oo halkaasi tababar uu ugu socdo.

 

Ciidamo kale oo Puntland safar dhinaca dhulka ah kaga yimid ayaa iyaguna Muqdisho soo gaaray xalay, kuwaasoo shalay duleedka magaalada Jowhar mar ay soo marayeen ay koox dablay ahi isku dheceen, weerar daqiiqado socdayna uu dhex maray, kuwaasoo sida la sheegay laga dhaawacay 5 ruux, iyaguna mid ayay ka dileen baa la yiri dablaydii weerarka ku soo qaadday.

 

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa wadda olole ballaaran oo ciidamado ay ku aruursanayso, inkastoo ciidamadaas oo u badan kuwo reer Puntland ah ay dadka Muqdisho iyo degaannada kale ee Soomaaliya qaarkood degan ay ka muujinayaan walaac maadaama ay u badan yihiin beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha oo isagu sida ay qabaan awood qabiileed weli adeegsanaya, isla markaana sida ay ku doodaan aarsi u dalbaday ciidamadaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

3000 oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed oo dhawanahan lagu ururinayayxerada Ceel Gaal ee gobalka Hiiraan oosaacadaha inasooaadan kusoo fool leh Muqdisho.

 

Saacadaha inasoo aadanaya la filayaa in magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya aysoo gaaraan 3000 oo askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhawaanahan lagu ururinayay xerada ceelGaal ee ku taala Duleedka magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan.

 

Saldhigga booliska ee magaalada Beled weyn aya la geeyay gaadiid waaweyn oo la doonayo in ciidankaa lagusoodaad gureyo si loo keenomagaalada Muqdisho kaddibna ay uguda galan waajibaadka qaran ee saaran,iyadoo wararku ay shegayaninciidankaasi ayka mid noqon doonaan ciidamda loogutalagalay in xilliga xaladda degdegga ah ah kla qeyb qaataan dhaq dhaqaaqayada nabad kusoo dabaalida Muqdisho.

 

Ciidamadan ayaa dhawanahanba kusii ururayayxerada ceelgaal,waxdaana ay taasi ka dambeysay kaddib markii uu isgu yeray taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaliya e goballada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Col Muqtaar Xasan Afrax oosheegay in dowladu ay muhiimadda 1-aad siinayso ciidanka xoogga dalka Somaliyeed maadaama an looga maarmin xasilinta dalka oo muddo dheer xaalad fowdo ku dhisani ayka jirtay.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Here is the lsit of regions these millitia are from.

1. Gedo around 700

2. Puntland around 1500+

3. Hiiraan & Central regions 2000-3000

4. Afgoyee dsitrict -700+

 

There are also troops from Marka being housed in Ceel Ahmed air strip these number around 1000 men. Its great news. More are needed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Duke, take into account Maxamoud Sayid Adden's 2,000 men who were the first men to join the TFG even before the Puntland men as well as the 1,200 Col Fartaag brought with him to Kismaayo from Baardheere and Hiiraale's men who rode into Kismaayo from Diinsoor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great news.

 

The TFG had 10 thousand troops last I remember. Now they must have much more then that. Progress is great.

 

Keep us updated brother.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

General duke , What about clans of geedi and in Aidiid are they contributing milities , i' am not talking about the Warlords are the elders doin so ,,,,,,,,,,,,,,

 

 

I hope no clans get singled out , trust me nothing wont work without fair power sharing .............................

 

with all these new recruitment why is the president peroccupiad by peace keepers mission , **** the afircans if they dont want to help somalia , we do it our self ...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bambo.

I think the Hiiraan & central regions I have mentioned includes many from, Cadaado,Guriceel, as well as Beledweyne and so on.

 

Also remmeber when the warlords tunred over their weapons, theyhanded over millitia.

 

Qaynyare = 660 men

Umar Finish = 300+

Mohamed Dheere = 220 though well trained.

Musa Sudi = ??

Abdiqaybdeed = 400 men who have been taken to Bali-Doogle.

 

Mohamed Farah Jimcaale a leader of Aydeeds clan has also promised to hand over 1500 millitias of that sub clan to be trained.

 

Though its voluntery and those who come will be taken, no one will be forced

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Good steps indeed wallahi we wish somalia and TFG the best luck . I hope this new year brings everlasting peace .

 

 

Duke when do you think i can rent car from xaamar and sleep in hotel in Bossaso sxb .............. Abdulahi life time

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this