Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Maleeshiyadka maamulka Hargeysa iyo shacabka Sool maxaa kala haysta ?(

Recommended Posts

Maleeshiyadka maamulka Hargeysa iyo shacabka Sool maxaa kala haysta ?(Faallo)

Last Updated::2007-10-24 19:52:44

 

Laascaanood(HRNet):-Tan iyo intii ay magaalada Laascaanood gacanta u gashay maleeshiyadka maamulka Hargeysa muddo 9 cisho ka hor waxaa shacabka Sool ee ku sugan magaalada Laascaanood

ay wadaan banaan baxyadii iyo shiidki dhagxaanta ee ayku arjumayeen cid alla cidii magaalada soo gasha ee loo arko inuu la shaqaynayo maamulka Hargeysa,hadaba marka la eego xaddiga barakaca ka dhacay magaalada iyo banaan baxyda joogta ah ee laga la hor imanayo dadka la shaqeeya maamulka Hargeysa iyada oo shacabku ay ilaa iminka taayiro iyo dhagxaan ku gooyeen wadada laamig ah isla markana ay xidheen inta badan.

 

Meheradihii ganacsi waxa ay arrintani tahay dhambaal uu shacabka SSC ugu sheegayo caalamka iyo cid kasta ee booqata magaalada Laascaanod in shacabka Sool aan xoog waxba laga qaadi karin isla markana aan maamulka Rayaale iyo wixi la shaqeeyaba aan laga doonayn gobolada SSC.

 

Waxaa intaa dheer in maamulka Hargeysa uu si cad ugu fashil may in uu wax debec sanaan ah ama garowshe ah ka helo shacabka Sool isaga oo adeegsnayo masuuliyiin ka soo jeeda gobolka kuwaas oo iyagu laf ahaantooda loo arko in ay hor seed ka ahaayeen duulanka qaawan ee maamulka Hargeya uu ku qaaday magaaladaLaascaanood.

 

Masuuliyintan iyo shacabka ayaa waxa ka dhexeysa ili aragtay oo meeshii laga arkaba waxaa lagu boobaa shiidka dhagxaanta iyo erayo dhaleeceeyna ah oo dusha looga ridayo.

 

Dhambaalka shacakba Sool waxaa si cad ah looga akhrisan karaa boorarka ayku qoran yihiin Dooni mayno maamulka Hargeysa

 

Qabsashada Laascaanod waxa ay soo afjartay beentii uu faafinayay maamulka Hargeysa

 

Waxaa maamulka Hargeysa uu in badan caalamka u sheegay in shacabka Sool ay yihiin dad Somalinad ah ayna jecel yihiin in ay la shaqeeyan maamulka balse ay Puntland ayka hor istaagan tahay shacabka Sool in ayku biiran maamulka Hargeysa

 

Hadaba arrintas waa ay soo afjaran tahay waxana caalamka uu indhihiisa ku arkay isla markana uu maamulka Hargeysa garowsaday inaan laga doonayn gobolada SSC

 

Waxaan faaladaydka ku soo geba gebaynayaa

Ha guuleysto kacdoonka shacabka Sool aykaga soo horjeedan maamulka Hargeysa

 

C/hi Caaqil

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this