Sign in to follow this  
General Duke

President cade Puntland delegation arrive in Baidoa..PICS..

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo ka degay Baydhabo kulana la yeeshay Madaxda DFKMG

Last Updated::2006-12-17 16:17:08

 

Baydhabo:- Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Md.Cadde Musse ayaa maanta soo gaaray xarunta DFKMG ee Baydhabo.

 

Madaxweynaha Puntland oo ay safarkiisa ku wehliyaan Wasiiro kamid ah Xukuumadiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey Airporka Baydhabo Ra' iisuL Wasaare Cali Maxamed Geedi, Wasiiro iyo Xildhibaano uu horkacayo kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka.

 

Wafdigan uu hogaaminayo Cadde Musse oo gaaray Madaxtooyada Baydhabo ayaa halkaasi kulan ay albaabada u xiran yihiin la yeeshay Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed, Ra'iisul Wasaare Cali Geedi iyo Golaha Wasiirada.

 

Illaa iyo hada macada waxa shirkaasi looga hadlay, waxayse xubno ku dhow dhow Madaxtooyada Baydhabo ay sheegayaan in shirkaasi looga hadlayo xaalada hada ka jirta dalka Soomaaliya iyo waliba arrimo u dhaxeeya DFKMG iyo Maamulka Puntland.

 

Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne reer Puntland ah soo booqdoo xarunta Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Madaxweynaha Puntland oo gaaray Baydhabo kulammana la qaatay Madaxda Dowladda

Posted to the Web Dec 17, 16:43

 

 

Baydhabo (PP) - Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Puntlandpost Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Socdaalka uu ku tagay Cadde Muuse Magaalada Baydhabo oo ah kii ugu horreeyay noociisa ayaa waxaa ku wehliyay xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha gudaha ee Puntland iyo xubno kale oo aad u fara badan oo ka tirsan golaha Wasiirrada Puntland.

 

Wafdiga ayaa markii ay gaareen Aqalka Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay kulammo albaabadu u xiran yihiin la qaateen madaxda Dowladda ugua sarreysa, inkastoo aan la shaacin wixii ay ka wada hadleen labada dhinac.

 

Socdaalkaan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid wadatashi ah oo ay yeelanayaan Dowlad goboleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse weli shaaca lagama qaadin waxa dhab ahaan ay uga wada haldeen labada dhinac, iyadoo lagu wado in caawa shaaca laga qaado.

 

Wafdiga aaya waxay caawa ku sugnaan doonaan Magaalada Baydhabo, iyadoo aan la garanayn inta casho ee uu socdaalkoodu noqon doono, waxaase warar hoose ay sheegyaan in lagu wado inay beriba dib ugu laabtaan Maamul goboleedka Puntland.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Madaxda dawladda Soomaaliya iyo wufuudii Puntland oo kulammo qaatay.

 

Axad, December 17, 2006

 

 

Baydhabo (AllPuntland)- Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Jen, Cadde ) ayaa waxa uu kulammo la qaatay madaxwayanaha iyo ra`iisul wasaaraha dawladda Soomaaliya.

 

kulankani oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa la sheegay in ay madaxaasi kaga wada hadleen xaaladda dalku uu haatan marayo iyo sidii loo wada wajahi lahaa.

 

Ilo ku dhow dhow kulankaas ayaa waxaa lagu sheegay in madaxda federaalka iyo Puntland ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa gardarada qawan ee ay ku hayaan maxkamaduhu gobolada Puntland iyo meelaha ay xukuumaddu ka taliso.

 

Sidoo kale kulan ku aadan dhanka dhaqaalaha ayaa waxa uu dhex maray wasiirada maaliyadda ee maamulka Puntland iyo dawladda Soomaaliya.

 

Labada wasiir ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii ay iskaashi dhanka dhaqaalaha ah oo buuxda u wada samaysan lahaayeen xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

 

Sidoo kale waxaa kulamoo dheeraad ah yeeshay qaar ka mid ah wasiirada dawladda Soomaaliya iyo wufuudii ka tagtay gobolada Puntland.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ballaaran oo reer Puntland oo ka degay magaalada Baydhabo

 

(Baydhabo)-Wafdi ballaaran oo reer Puntland oo uu hogaaminayo M/weyne Cadde Muuse Boqor ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada xarunta ah ee Baydhabo, halkaas oo si aad ah loogu soo dhoweeyey.

 

 

 

Wafdigaan ayaa Ayraboorka waxaa waxaa ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee dawlada oo ay ka mid yihiin ku simaha guddoomiyaha golaha Barlamka Boqore iyo R/wasaare Cali Max’ed Geedi.

 

 

 

Wafdiga Cadde Muuse oo ka kooban wasiiro iyo weliba guddoomiyaha golaha Barlamka Puntland ayaa la filayaa inay shir la qaataan madaxda FS oo uu ka dhexeeyo xiriir aad u dhow.

 

 

 

Weli lama qeexin ujeedada wafigaan waxaase warar u dhuun daloolaa ay sheegayaan inay tahay abaabul dagaal oo dawladda FS ay taageero kaga raadinayso maamulka Puntland, iyadda oo habeenadan ay jireen diyaargarow dagaal.

 

 

 

DFKMG ayaa iyadu si aad ah ugu tiirsan maamulka Puntland marka laga eego dhinaaca taageeradda siyaasadeed iyo dhinaca dhaqaalaha labadaba, waxaana laga yaabaa in arinta loogu yeeray ay tahay diyaar garow dagaal oo dhan ka ah midowgama maxaakiimta islaamiga oo iyagu ka ka soo horjeeda dawlada FS.

 

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir Puntland iyo Federaalka uga furmaya magaalada Baydhabo

 

Last Updated::2006-12-18 15:51:50

 

Baydhabo:- Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in uu shir gaar ah magaalada Baydhabo uga furmo Madaxda Dowlada Federaalka iyo Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha DGPL Cadde Musse.

 

Madaxweynaha Puntland Cadde Musse iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Baydhabo, waxaana lagu wadaa in ay dowlada Federaalka kala hadlaan qodobo dhawr ah.

 

Inkastoo aan la shaacin qodobada ay labada dhinac ka wada hadli doonaan ayaa waxaa hadana soo baxaya in ay jiraan heshiisyo la xariira dhinaca horumarinta iyo baaritaanka khayraadka oo ay labada dhinac ka munaaqashoonayaan.

 

Waxaa sidoo kale jira warar kasoo baxaya saraakiisha Federaalka oo sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadli doonaa xaalada Amni ee dalka Soomaaliya.

 

Shalay ayey xarunta Madaxtooyada kulan gaaban ku yeesheen Wafdiga Puntland ka yimid iyo madaxda Federaalka, ayadoo shirarkaasi lagu sheegay mid kala warqaadasho iyo salaan ku kooban.

 

Maanta ayaa la filayaa in labada dhinac ay isugu yimaadaan kulamo khaas ah oo aan laga casumin saxaafada.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by General Duke:

Arival_Cademuuse1.JPG

 

Arival_Cademuuse5.JPG

 

Arival_Cademuuse6.JPG

 

Arival_Cademuuse7.JPG

 

Arival_Cademuuse10.JPG

In the fourth pic, someone is carrying a certain brand of spring water. From Burco to Baydabo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Interesting pics, it show's what a true union is. United we stand and divide we fall. Everyone has put whatever petty difference they may have had aside. Everyone is united in defense of their land from those imposters in Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Nicely put. Here are more pics from Baidoa..

 

Cade Muuse oo sheegay in ay ka mid yihiin Dowlada Federaalka mar uu ka hadlayey Xaflad loogu sameeyey Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo

 

Xafladsagootin.JPG

 

Xafladsagootin1.JPG

 

Xafladsagootin4.JPG

 

Xafladsagootin6.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this