Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Madaxeyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Furay Warashada Laydhka Ee Magaalada Berbera

Recommended Posts

Madaxeyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Furay Warashada Laydhka Ee Magaalada Berbera Iyo Dhagax-dhiga Kartiin Cusub, Iyo gudoomiyaha xisbiga UCID oo ka hadlay halkaasi

 

 

Berbera (Qaran)-Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa caawa furay warshadii waynayd ee laydhka magaalada Berbera, taasi oo ay Xukuumadu hore ugu balanqaaday hirgalinteeda,taasi oo ay ku baxday lacag badani,isla markaana dhagaxdhigay Karantiin cusub oo xoolaha lagu caafimaadiyo,oo laga yagleelayo duleedka dekada magaaladaas.

 

Madaxeyne-Ku Xigeenka waxa Xaflad loo sameeyay furitaanka warshadaas iyo dhagaxdhiga Maxjarka cusub oo qaadi doona 400 oo kun oo neef,kala qeyb galay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Wasiirada Hawlaha Guud,Xanaanada Xoolaha,Ganacsiga,Wasiir kuxigeenka Qorshaynta, Wakiilka xukuumada Somaliland ee Jaaliyadaha dibada C/Fataax Siciid Axmed iyo Maamulka gobolka saaxil.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo Xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya ay shacbiga ku dhaqan magaalada Berbera ee xeebta ahi,ay heli doonaan adeega laydh oo aad u jaban.

 

Axmed Yusuf Yaasiin,waxa uu sheegay in Xukuumadu ay warashadaasi ku leedahay saami 51%,halka shirkadaha gaarka loo leeyahay ee shida laydhka berberana ay qaadan doonaan saami dhan 49% “Dawladu waxa ay aakhirka Warshadan ku yeelan doontaa 10% si ay u ilaaliso in qiimaha laydhku aanu qaaliyoobin”.

 

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu intaas ku daray in bulshada Berberi,ay shan iyo tobanka maalmood ee ka hadhay Bisha barakaysan ee Ramadaan,ay laydhka ku helayaan lacag la’aan.

 

Madaxweyne ku xigeenku mar uu ka hadlayay dhinaca karantiinka waxa uu sheegay in karantiinka cusub oo lagu wado inuu noqdo mid caalami ah,waxana uu shacbiga ka dalbaday inay joojiyaan wax uu ku tilmaamay gumaadka dhirta,si ay ugu noolaadaan xoolahu.

 

Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Mudane Siciid sulub Maxamed,ayaa sheegay in ay warashadaas ay ku baxday 700 boqol oo kun,waxana uu sheegay in Madaxeyne ku xigeenku uu door weyn ka ciyaaray sidii loo furi lahaa warshadaas oo uu qiray in baahi weyn loo qabay

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Idiris Ibraahim Cabdi ayaa xafladaas ka sheegay in Maxjarkan cusubi uu qaadi doono 400 oo kun oo neef,isla markaana waxa uu maxjarkan ku tilmaamay Mashruucii ugu qiimo badanaa ee dalka laga fuliyay.

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID En Faysal Cali Waraabe,oo xafladaas ka qeyb-galay ayaa sheegay inuu ogaaday in dhismaha Maxjarka xooluhu uu dhab yahay,waxana uu tilmaamay in ay jireen warar la xidhiidhay in hirgelinta karantiinkan loo wareejiyay Magaalada Boosaaso ee Puntland.

 

Eng Faysal Cali Waraabe,waxa uu sheegay in uu marag ka yahay in la fuliyay Balanqaadkii dawladu ay dhawr sano ka hor ay ugu balanqaaday dadweynaha ku nool Magaalada Xeebta ah ee Berbera.

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ,oo la hadlayay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland waxa uu yidhi “Waxa aan Leeyahay waa in la fuliyaa balanqaadyadii uu Madaxweyne Ku-xigeenku uu ugu soo balanqaaday dadweynaha ku dhaqan Degmada maydh ee Gobolka Sanaag”.

 

Dhismaha Maxjarkan cusub oo la sheegay in uu u dhamaystirmi doono si deg-deg ah,waxa Maalgelinaya Ganacsade Sucuudiya oo la yidhaahdo Saleebaan Al-Jaabiri,kaas oo dhawr bilood ka hor Wasaarada Xanaanada Xoolaha la galay heshiis ku wajahan Dhoofka Xoolaha,halka Warshadana laga soo iibiyay lacag dib u kicinta laydhka berbera loogu talo-galay oo ku jirtay Miisaaniyad-sanadeedkii 2004-tii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this