Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Police Force Nabb and Break Alcohol Bottles. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Khamri ay qabteen Booliska Gobolka Mudug Oo Lagu Burburiyey Magaaladda Gaalkacyo [Photos]

 

July 15, 2010

 

Waxaa maanta fagaaraha barxada qaybta Booliska gobalka Mudug lagu burburiyay ilaa 130 dhalo oo ah maandooriyaha loo yaqaan qamriga oo ay Ciidanka amaanka gobalka Mudug dhawaan gacanta kusoo dhigeen 3 kartoon oo ay ka buuxdo qamriga loo yaqaan Dry Gin,waxaana ay ciidamadu ay sheegeen in lagu soo qaatay qamrigan gaari ka yimid dhanka gobalka Wardheer degmada galaadi ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Maxkamada Darajada koowaad ee gobalka Mudug ayaa ku xukuntay min 6 bilood oo xarig ah dadkii lagu soo qabtay qamrigan waxayna sidoo kale maxkamada xukuntay in meel fagaara ah lagu bur buriyo qamrigan.

 

Goobta ay ka dhacaysay burburinta qamrigan ayaa waxa joogay Gudoomiyaha maxkamada darajada koowad ee gobalka Mudug io xeer ilaaliyaha maxkamada,Gudoomiyaha maxkamada rafcaanka gobalka mudug sidoo kale waxa goobtaas ku sugnaa Taliyaha Ciidamada booliska gobalka mudug G/sare Muuse Xasaasi iyo qaar ka tirsan ciidanka booliska gobalka Mudug.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska gobalka Mudug G/sare Muuse Axmed Cabdiraxmaan (Xasaasi) ayaa ka hadlay goobtaas isagoo u mahad celiyay ciidanka booliiska oo marar badan soo qabtay waxyaalaha qalqalka galiya amaanka iyo xasiloonida gobalka Mudug.waxaana uu ku booriyay in aysan ka caajisin hawsha ay u hayaan dalka iyo dadkaba,sidoo kale waxaa uu digniin u diray kooxaha ka ganacsada mandooriyaha isagoo sheegay in gacan bir ah ay ku qaban doonan ciidamada amanka gobalka Mudug.

 

Ma ahaan markii ugu horeeysay oo ay ciidanku soo qabtaan maandooriyaha loo yaqaan qamriga,hase ahaate waxaa jira goobo waa weyn oo caan ku ah ka ganacsiga qamriga kuwaasi oo ku yaala bartanka magaalada Gaalkacyo.

 

Ahmed Mohamed Ali (Caano Geel)

 

Horseed Media

 

Galkaacyo-Puntland

 

5001.jpg

 

900.jpg

 

800.jpg

 

700.jpg

 

1001.jpg

 

3001.jpg

 

6001.jpg

 

4001.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this