Sign in to follow this  
Abwaan

Ma run baa? Muuse Suudina ma soo noqday?

Recommended Posts

Abwaan   

Xukumadda Somaliland oo markii ugu horeeysay madaarka Hargeysa ka sii deeysay Xildhibaan ka tirsan dowladda federalka!! Hogaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow oo gaaray Hargeysa!!

 

Hargeysa ,Sabti ,January, 06, 2007 Waaga Cusub

 

 

Hogaamiye kooxeedka Muusse Suudi Yalaxow ayaa markii ugu horeeysay ka degay Madaarka Igal International Airport ee Hargeysa kadib markii ay diyaarad qaasa ka qaaday Magaaladda Dubai ee dalka isu taga Emirate-ka Carabta.

 

Muusse Suudi oo ah Xildhibaan ka tirsan dowladda federalka ayaa degay Hotelka Ambassador,waxayna wariyaasha Waagacusub soo sheegayaan inuu halkaas kulamo kula yeeshay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Xisbigga Mucaaradka ee UCID Inj Faysal Cali Waraabe,iyagoo ka wada hadlay arrimo xasaasiya.

 

Faysal Cali Waraabe ayaa Waagacusub u xaqiijiyay inuu la kulmay Muusse Suudi yalaxow ,waxayna warar kale tibaaxay inuu Muusse Suudi la kulmay qaar ka tirsan Wasiiradda Xisbigga taladda hayo ee UDUB.

 

Taariikh ahaan waa markii ugu horeeysay ee Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland madaarka Hargeysa ka sii deeyso Xildhibaan ka tirsan dowladda federalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Cabdilahi yusuf Axmed.

 

Wax faahfaahina lagama helin sababaha uu Muusse Suudi ku tagay Hargeysa laakiin warar madaxbanaan ayaa sheegaya in diyaaradii siday ay diiday inay Muqdisho ka degto,sidaas daraadeedna uu doorbiday in Hargeysa laga dejiyo.

 

Muusse Suudi yalaxow oo mudo afar bilood ah deganaa Kampala gaar ahaan gurrigga Cabdi shugri Cali Jiijo.waxaa la filayaa inuu ka soo dego garoonka Muqdisho.

 

 

Dahir Abdulle Alasow

WaagacusubOnline@yahoo.com

+2521-320000 Telcom Somalia

+2521-5565600 Hormud Telecom

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

YEAH, hE IS BACK. after his defeat, he bought a retirement villa at Kualla lampur, Malaysia, but things have changed now in somalia,............lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

We back to square one wallahi istafurallah ,

 

Goobihii ganacsiga ee degmada Xamarweyne ee kuyaalay baratamaha wadooyinka laamiga ah ee intii Maxakadaha Muqdisho ay katalinayeen laga qaaday ayaa iminka waxaa la bilabay in dib loo soo dhigo

 

Goobahaan ganacsi oo laga dhisay bartamaha wadooyinka laamiga ah ayaa intii maxakmadaha islaamka aysteen Magaalada Muqdisho la baabiyey iyadoo xiliga ganacsatada lagu amray inaysan ku ganacasan baratamaha wadooyinka waxaana iminka ay bilaabeen ganacsatadu inay dib ugu soo laabtaan goobihii laga burburiyey

 

Maxamed C/laahi oo ah ganacsatada iyagu aan ku dhex ganacsan bartamaha wadada laamiga ah oo u waramayey Hornafrik ayaa waxa uu sheegay inay ganacsata daani dib ugu laabteen dhibaatadii laga baxay isagoo xusay in markii Maxakamadaha Muqdisho iskaga baxeen in dib loo soo dhigay goobahaan ganacsi.

 

Sidoo kale bartamaha Xamarjajab ayaa waxaa wadooyinka la soo dhigay goobo ganacsi oo aad ubadan waxaana taa ay keentay in ciriiri ay noqdaan wadooyinka islamarkaana gawaarida ay kari wayaan inay maraan wadooyinkaan.

 

Markii Maxakamadaha Islaamka ay iskaga baxeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dib soo noqday kaladanbeyn la'aantii iyo Nidaam daradii horey u jiri, jirtay mudo 6 bilood kahor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this