Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland new Ministers sworn in pics

Recommended Posts

Kooxo wasiiro ah oo maanta lagu dhaariyey madaxtooyada ka dib markii ay mudo qaarkood xilka hayeen iyagoon dalka u dhaaran sida dastuurku dhigayey

 

 

SDWO (Hargeisa 04/01/2010) Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Mudane, Siciid Cadaani Mooge, ayaa u qornaa sida tan “Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Mudane Maxamed Xirsi Oomane waxa uu maanta si rasmi ah ugu dhaariyey Madaxweynaha hortiisa Mudane Daahir Rayaale Kaahin wasiiraddi Cusbaa ee dhawaan xilalka loo magacaabay.

 

 

 

dhaartii%20wasiirada5.jpg

 

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada oo la dhaarinayo

 

 

dhaartii%20wasiirada4.jpg

 

 

Wasiirka Dib u Dejinta oo la dhaarinayo

 

 

dhaartii%20wasiirada3.jpg

 

Wasiirul dawlaha Macdanta iyo Biyaha oo la dhaarinayo

 

 

dhaartii%20wasiirada2.jpg

 

Wasiir ku xigeenka Hidaha iyo Dhaqanka oo la dhaarinayo

 

dhaartii%20wasiirada1.jpg

 

Wasiirul dawlaha Arrimaha Gudaha oo la dhaarinayo

 

 

dhaartii%20wasiirada.jpg

 

qaar ka mid ah wasiirada maanta la dhaariyay

 

 

Wasiiradaasi oo qaarkood ay la wareegeen xilalkii wasiiraddii geeriyooday Illaahay ha u naxariistee, kuwa kalena ay la wareegeen wasiiraddii xilalka laga qaaday.

Wasiiradda maanta la dhaariyey waxa ay kala yihiin kuwan hoos ku xusan

Xuseen Caynaan Faarax W/Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha.

Cabdi Xirsi Ducaale Wasiiru Dawlaha Wasaadda Kalluumaysiga.

Saleebaan Warsame Guuleed W/Wasaaradda Gaashaandhiga.

Farxaan Jaamac Ismaaciil Wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha.

Maxamed Axmed Faarax Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dalxiiska.

Muuse Cabdi Muxumed Wasiiru Dawlaha Macdanta iyo Biyaha.

Maxamed Yuusuf Cismaan Wasiirka Dib-u-dejinta.

Axmed Aadan Ismaaciil Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibadda.

Cabdi Yuusuf Aadan Wasiir Xigeenka Dhalinyarrada iyo Ciyaaraha.

Wasiiradaasi maanta uu guddoomiyaha Maxkamada Sarre uu ku hor dhaariyey Madaxweynaha JSL hortiisa waxa kale oo isaguna goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed yuusuf Yaasiiin.

Waxana uu madaxweynuhu wasiiradaasi cusub oo qaarkood ay in mudda ah xilka soo hayeen uu u rajeeyay in Illaahay ku guuleeyo xilka ay Qaranka u hayaan”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this