Sign in to follow this  
General Duke

Puntland: 60 students graduate from Journalist school

Recommended Posts

In Ka Badan 60Arday Oo Ka Qalin Jebisay Kulliyada Tababarka Saxaafada Ee Puntland‏>>>>

 

Allidamaale Puntland News Center

Maxamed Cabdi Xabeeb

Khamis 05 March 2009

 

Tan iyo markii uu burburku ku yimid Jaamacadiihii dalka oo ay ka soo bixi jireen Dhaqaatiir, Ingineero, Dhaqaalayahan, Sharciyaqaano iyo suxifiyiin ayaa waxaa soo baxay Jaamacadu Machadyo iyo Dugsiyo sanad walba ay ka soo qalin jabiyaan arday wax ka soo barata macadyadan

Haddaba Kulliyada Tababrka saxaafad Puntand aya waxa ka soo baxay suxufiyiin iyadoo ay maalinba malinta ka dambeysa ay sii kordhayaan warbaahinta dalka, gaar ahaan dhinaca Idaacadaha, taleefishinada, wargeysyada iyo weliba Bogoga-internet-ka, sidaa darteed maantay Kulliyada Tababrka Saxafada Punland waxa ka qalinjabiyay Dufcadii ugu horeysay ee wax ka barata Kulliyada ah waxayna xaflada yar loo qobaty ardayda kadib markii ay kassoo baxeen imtixankii qalin jabinta ka dhacday Xarunta Kulliyaad Tababarka saxafad Puntland ee Bosaso waxaana ka qaybgalay Macallimiin, arday, Waalidiin iyo marti sharaf kale

Waxaan ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyay maamulaha Kulliyada TAbabrka Saxada Puntland Cabdullahi ayaanle Maxamuud wuxuuna sheegay in dufcadaani ay tahay dufcadii 1-aad ee ka qalinjabisa Kulliyaada wuxuuna sheegay in ardayda la baray shuruucda saxaafadda, qaabka wararka loo soo tabiyo, qaabka wararka loo qoro iyo mas’uuliyadda looga baahan yahay qofka saxafiga ah isagoo sheegay in saxaafaddu ay tahay Midi labo afle ah dhinaca wanaaga iyo dhinaca xumanta loo isticmaali karo ah, isagoo ardayda kula dardaarmay in ay mihnadooda u adeegsadaan dhinaca samaha, isagoo sheegay in mar kasta saxafiga looga baahan yahay in uu tixgeliyo diintiisa, dhaqankiisa iyo waddaniyada oo ah midda ugu muhiimsan ee looga baahan yahay ninka saxafiga ah

 

Cabdullahi Ayaanle Maxamuud waxa uu sheegay in sababaha ay fureen Kulliyadan ay tahay in ay buuxiyaan booskii ay ka soo bixi jireen Warbaahinta isagoo sheegay in arday fara bada oo kulliyada wax ka baran jiray in ay u shaqeeyaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta ee dalka iyo dibadiisa wuxuuna kula dardaarmay kooxdii ardayda ahayd ee qalin jabinaysay in xirfada saxafinimo ah ee ay barteen ay ugu shaqeystaan si daacadnimo oo aaminnimo ku dheehan tahay, wuxuu sheegay in saxafiga looga baahan in waxa uu qorayo ama uu baahinayo ay noqdaan kuwo run ah si uu u helo shacbiyad fara badan waayo ninka saxafiga ah waxaa warkiisa aqrisanaya ama dhagaysanaya ama daawanaya dad kala duwan kalana heer ah kuwaas oo uu sheegay in ay qiimeyn ku sameynayaan

Kulliyadan oo ku taal Magalada Xeebta ee Bosaso ayaa waxa ardayda ka qalinjabinaysa dhinaca Saxafada ay helaan wixii talsiilaad ah oo ay u baahnaayeen ama baraatiko ah, sida Studio Idaacada kan Telefishinka iyo weliba kan Journalka "Waxaa ku taala Idaacad la yiraahdo ITS" (Idaacada Tababrka Suxufiyinta) oo ay ardaydu ku samayn jireen tijaaboyinka si siman qaybaha kala duwan ee ay bartan

Sidoo kale ardayda Qalinjebisay aya waxa wejiyadooda laga dareemi karay farxad iyo ray-rayn ay ku qaban in ay ka qalin jebiyan barashada xirfada saxafada waxan loo balansan yahay in loo qobta ardaydan ka qalin jebisay kulliyada xaflada ad u balan oo lagu godonsiiindoono shahadooyinkooda taasi oo ay ka soo, qayb geli doonan qaybaha kala duwan ee bulshda, mamulka iyo weliba warbahinta

Si kastaba ha ahatee kulliyada ayaa ah kulliyadii ugu horeysay ee lag furo magalaad bosaso ee lagu barto xirfaad saxafad tasii oo la filaayo in ay ka soo baxan suxufin faro badan kuwasi oo ****oli doona bahida loo qabo in helo suxufiyin xirfad leh

 

Maxamed Cabdi Xabeeb

 

Allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice to hear this news, Puntland needs a strong media outlets, ETN TV is a good progress, they also need a strong print press to scrutinise the government and make them accountable.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland media has taken a great stride over the past two years notably on the net. Now we have Allsbc.com, Horseednet, Garoweonline, Dhahar.com, AllSanaag.com and many others. Local radio stations are popping in every region.

 

The media is an important tool that can alliviate poverty and educated the masses.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this