Sign in to follow this  
Nomadic Activist

Problems on how to hold election in self-proclaimed Somali-land?

Recommended Posts

Diyaar garowga doorashooyinka baarlamaanka maamulka la baxey Somaliland ayaa waxaa hareeray muran aad u xoogan.

 

August 05, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Diyaar garowga doorashooyinka baarlamaanka maamulka la baxey Somaliland ayaa waxaa hareeray muran ku saabsan hanaanka loo qeyb sanayo goobaha aaney doorashooyinka ka dhaceynin.

 

Doorashooyinka baarlamaanka Somaliland oo kasoo gudbey dhowr caqabadood oo ay ugu weyneyd midi xeerka doorashada, taasoo si weyn isugu khilaafeen Golaha Wakiiladda iyo madaxweyne Daahir Riyaale, ayaa iminka waxaa lasoo darsey turun turooyin yar, taasoo aan haddii wax lag qaban ay nabar ku noqon karto doorashooyinka hanaanka ay u dhacayaan.

 

Gobolada Sool iyo Sanaag Bari ee maamulka la baxey Somaliland ay sheegato balse iminka gacanta ugu jira dowlad goboleedka Puntland, kana mid ah goobaha aan doorashooyinka ka qabsoomeyn, ayaa qaabka loo maareynayo waxey xeyn daab addag ku noqotey guddiga doorashooyinka iyo asxaabta u tartameysa doorashooyinka baarlamaanka Somaliland.

 

Qaar kamid ah asxaabta gaar ahaan midka talada haya Udub ayaa isagu ogol in doorashooyinka laga dhigo deegaanadaasi, ilaa iyo toddobo kursi oo aan lagu tartameynin isla markaana axsaabtu qeybsadaan. Hase ahaatee taasi waxaa ka biyo diidey qaar ka mid ah asxaabta kale ee mucaaradka ahi.

 

Guddiga doorashooyinka ayaa iminka ku hawlan sidii arranta taaga saaran loo soo dajin lahaa, isla markaana meel dhexe la isugu keeni lahaa khilaafka baahsan ee ka dhaxeeya axsaabta Somaliland, ee la doonayo in doorashooyinka si wada jir ah uga qeyb galaan.

 

Doorashooyinka baarlamaanka maamulka la baxey Somaliland oo dhowr goor baaqdey, ayaa kama danbeys waxey dhaceysaa bisha September ee iminka nasoo kulaaleysa.

 

Maamulka la baxey Somaliland ayaa waxey horey uga soo gudubtey doorashooyinka golaha deegaanka iyo mida madaxweynenimada, iyadoo mida baarlamaankuna ay tahay mid si weyn looga dareemayo deegaanadaasi tabaabushaheeda.

 

Sanadii 1991kii ayaa maamulka la baxey Somaliland waxey sheegatey in Soomaaliya inteeda kale ay ka godey, hase ahaatee ma helin aqoonsi buuxa oo siinaya dowladnimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this