Sign in to follow this  
Emperor

Heavy duty tools+vehicles arrive Bosaso port for the Oil Exploration

Recommended Posts

Emperor   

Qalabkii lagu baarayey Macadanta oo ka soo degay shalay Dekkada Magaalada Boosaaso(Daawo Masawirada)

 

Boosaaso:-Waxaa soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Markab weyn oo sida qalabkii lagu baari lahaa dhidaalka iyo macdanta waxaana la yiraahdaa Markabkan Jumbo Express Cap Ferrat waxaa uuna ka soo baqoolay dalka Imaaraadka.

 

Markabkan ayaa waxaa uu sidaa Gawaari waaweyn nooca loo yaqaan iska rogaha iyo Booyado kala duwan iyo gawaari yar yar oo kala duwan .

 

Gawaarida iyo qalabka ka soo degay Dekkada magaalada Boosaaso ayaa waxaa iska leh shirkada I,M,C oo qandaraas ku qaadatayin ay macdan iyo dhidaal ka baarto deegaanada Puntland.

 

Wasiirka wasaarada Macdanta iyo tamarta ee maamulka Puntland Xassan Cismaan Allore ayaa waxa uu sheegay in mashruucan haduu najaxo ay reer Puntland ay wax weyn ka faa,idaysan doonaan.

 

Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa waxaa uu sheegay in badan in Maamulkiisa uu soo saaran doono Batrool iyo Macaadin waxaana haatan soo muuqda Ifafaalo ay Puntland ku soo saarayso khayraadka ku jira deegaanada hoos yimaada

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Markab Sida Qaqlabkii Lagu Qodilahaa Macdanta PL Oo Soo gaaray Dekeda Bosaso

 

waxaa galabta soo gaarey dakada weyn Ee magaalada bosaso markab layiraahdo Jumbo Express Cap Ferrat Oo kasoo shareecdey wadanka isutaga imaaraadka carabta kasoo wadey qalab loogu talagalay in lagu sameeyo mashaariicda shidaal baarista P,L .

 

Muuqaalka Markabka Jumbo Express Cap Ferrat

 

qalabkani Oo isugu jira gawaarida looyaqaani iskarogayaasha Noocyadooda kala dugan Weeshashka Noocyadooda kala dugan booyadaha iyo qalabkale Oo gaadiid Oo Aan halkaan lagu soo koobi karin .

 

Qaar ka mid ah gaadiidkii galabta ka Soo Degay Dekeda Boosaaso

 

qalabkani ayaa waxa Uu usoo dagey shirkada I,M,C oo qandaraas kaqaadata shirkada caanka ah Ee african Oil Oo iyada howlaha baaritaanada shidaalka iyo macdanta kawada Deegaanada P,L .

 

mar Uu maanta kula hadlaayey dakadaweyn Ee magaalada bosaso wasiirka wasaarada Macdanta iyo tamarta P,L Xassan Cismaan Allore saxaafada ayaa wuxuu shaaca kaqaadey in shidaalka p,l Uu wax weyn kaqaban doono xaalada cakiran Ee kataagan gudaha wadanka somalia.

 

wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta P,L ayaa sidoo kale shaaca kaqaadey in ay kuhanweyntahay wasaaradiisa sidii shaqo ay uga abuuri laheyd boqolaal qof Oo somali ah .

 

hadalada kasoo yeeraya wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta P,L ayaa waxaa ay kusoo Aadeysaa xili ay maamulka P,L ay dhexda uxirteen sidii loosoosaari lahaa qeyraadka kabuuxa P,L Oo ayna kabaahan yihiin Umada somaaliyeed gaar ahaan kuwa reer P,L.

 

isku soowada duuboo dadaalkani Uu wado maamulka P,L Ee lagu doonayao in lagusoo saaro shidaalka P,L ayaa waxaa siweyn ugu riyaaqey dadweynaha kunool maamulka P,L iyagoo kutilmaamey in ay tahay tilaabo hormar leh Oo ay kutilaabsatey Umada somaaliyeed.

 

 

Axmed Soomaali sawir qaade: Khaalid Maxuud

SBCInternational- Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this