Sign in to follow this  
Kamaavi

Dagaal xoogan oo ka socda duleedka Kismaayo

Recommended Posts

Kamaavi   

Wararka naga soo gaadhaya gobolka Jubada hoose ayaa xaqiijinaya in saaka dagaal culus u dib uga qarxay duleedka magaalada Kismaayo oo haray labada dhinac isku hor fadhiyeen.

 

Dagaalka oo ilaa iyo weli socda ayaan tafaasiisha dib ka soo sheegi doonaa.

 

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in ciidamadii Al-shabaab ee saaka soo duulaya gaadhi booyad ah laga gubay dibna loo riixay.

 

Faah faahinta dagaalka ka socda duleedka Kismaayo dib ayaan ka soo tabin doonaa hadii Ilaahay idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Dagaal xoogaggan ayaa saaka mar kale dib waxaa uu uga qarxay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta G/Jubada hoose ,dagaalka ayaa ah mid aad u qaraar waxaan uu u dhexeeyaa Xizbul Islaam iyo Al-shabaab,Dagaalka ayaa goordhow bilaawday waxaan dagaalka qaaday Al-shabaab sida ilo xogogaal ah ay u sheegeen Halgan.net, wax tafsiil ah lagama hayo dagaalka weli.

 

Ilo wareedyo kale duwan oo ay Halgan.net kala xiriirtay Degmada Afmadow. Magaalada Kismaayo iyo Muqdisho ayaa dhamaan waxaa ay u xaqiijiyeen in dagaal u dhexeeya Xizbul Islaam iyo Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin uu ka soconayo Deegaanka “Birta Dheer” oo qiyaastii 50KM dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada Hoose

 

 

Dhinaca kale Xoghayaha Xafiiska warfaadinta Ururka Xizbul islaam Sh. Maxamed Macalina Cali oo saaka la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dhamaan fariisamihii ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab sida uu sheegay Afhayeenka Al-shabaab ee Walaajada Jubooyinka Sh Xassan Yacquub Cali oo isagu sheegay in ay soo afjareen dagaalkii ka siocday duleedka Kismaayo

 

 

Xoghayaha Xafiiska warfaadinta Ururka Xizbul islaam Sh. Maxamed Macalina Cali ayaa saxaafada u sheegay in meel laga qabsaday aysan jirin istaraatijiyadii dagaalkuna aysan waxba iska bedelin ,Madaxda Sarsare ee Ururka Xizbul Islaam ayaa ku celcelinaya in aysan doonayn in ay dagaal la galaan walaalahood Al-shabaab wixii ay ka tabanayaana loo celiyo Kitaabka Alle.

 

Xoghayaha Xafiiska warfaadinta Ururka Xizbul islaam Sh. Maxamed Macalin oo wax laga wiidiiyey Sh Axmed Madoobe ayaa waxaa uu yiri Sh Axmed Madoobe waa masuul ka tirsan Ururka Xizbul Islaam , walaalaheen Al-shabaabna Masuuliyiinta Ururka Xizbul Islaam ayey weerar gardaro ah ku hayaan ,Shiikh Maxamed Macalin ayaa ugu baaqay walaalaha Al shabaab in joojiyaan dagaalka ay ku wadaan Masuuliyiinta iyo ciidanka Xizbul Islaam.

 

Dagaalka ka socda duleedka Kismaayo ayaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaahu

 

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Dagaal xoogaggan ayaa saaka mar kale dib waxaa uu uga qarxay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta G/Jubada hoose ,dagaalka ayaa ah mid aad u qaraar waxaan uu u dhexeeyaa Xizbul Islaam iyo Al-shabaab,Dagaalka ayaa goordhow bilaawday waxaan dagaalka soo qaaday Al-shabaab.

 

Kooxda Al-shabaab ayaa saxaafada ka shaaciyeen shalay inay soo afjareen dagaalkii ay kula jireen ciidamada Xisbul islaam isla markaana ay qabsadeen xarumihii dhinicii kasoo horjeeday.Arintan ayaa waji gabax ku noqon doonta masuulkii shaaciyey inay Al-shabaab ay la wareegtay xarumihii ciidmada Xisbul islaam ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo.

 

Dhinaca kale Xoghayaha Xafiiska warfaadinta Ururka Xizbul islaam Sh. Maxamed Macalina Cali oo saaka la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dhamaan fariisamihii ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab.

 

Xoghayaha Xafiiska warfaadinta Ururka Xizbul islaam Sh. Maxamed Macalin oo wax laga wiidiiyey Sh Axmed Madoobe ayaa waxaa uu yiri Sh Axmed Madoobe waa masuul ka tirsan Ururka Xizbul Islaam , walaalaheen Al-shabaabna Masuuliyiinta Ururka Xizbul Islaam ayey weerar gardaro ah ku hayaan ,Shiikh Maxamed Macalin ayaa ugu baaqay walaalaha Al shabaab in joojiyaan dagaalka ay ku wadaan Masuuliyiinta iyo ciidanka Xizbul Islaam.

 

Jubbada.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Dagaaladii goos gooska ahaa ee socday shalay,xalay ilaa saaka ay soo afjarmeen ka dib markii gacanta lagu dhigay taliyihii dagaal galinayey ciidamadii Al-shabaab ee maalmihii u dambeeyey weerarada isdaba jooga ah soo qaadayey iyadoo khasaare xoogana la gaadhsiiyey ciidamadii Al-shabaab.

 

Wararku waxay intaas raacinayaan in dagaalkii saaka ay ciidamada Xisbul islaam ku qabsadeen 2 baabuur oo midu yahay saadkii ciidamada Al-shabaab halka mid sedexaadna laga gubay.

 

Waxay kaloo wararku sheegayaan in dhamaan goobihii dagaaladu ay ka socdeen shalay,xalay ilaa saaka ay gacanta ku dhigeen ciidamadaii Xisbul islaam dagaalkuna uu hada gabaabsi sii yahay.

 

Khasaaraha dagaalkii saaka ka soo gaadhay Xisbul islaam ayaa naloogu sheegay in hal askari uu kaga dhaawacmay dagaalka isagoo dhaawiciisii la soo gaadhsiiyey magaalada Afmadow.

 

Taliyaha Al-shabaab ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegayaa inuu dhaawac yahay waloow aysan noo suurta gelin inaan helno magaca taliyaha balse aanu isku dayi doono inaan dib ka soo sheegno hadii ilaahay idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Whether it remains true or not I am feeding you the news of today's fighting, do you have another vertion?

 

Please post it....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sheekh Ahmed Islaam is teaching his former students after bringing them out of the city to his play ground which is in the Juba jungle...

 

KISMAYO, Somalia Oct 7 (Garowe Online) - Renewed armed clashes in southern Somalia between Islamist rival factions continued again on Wednesday, with Al Shabaab hardliners reportedly suffering heavy losses, Radio Garowe reports.

 

Two separate clashes took place near Janay Abdalla village in Lower Jubba region, inside sources said. The first attack took place around 4am local time when Al Shabaab fighters were ambushed and forced to retreat.

 

The second attack was an "all-out battle" between Al Shabaab and Hizbul Islam groups that erupted around noon, the sources added.

 

"Al Shabaab suffered heavy losses, lost control of their military post and had their supply trucks captured," said a well-informed source, who was describing the two-hour-long battle.

 

There were no reliable reports of casualties, but sources in Kismayo, Afdamow and Nairobi said Al Shabaab fighters were "forced to scatter in a state of confusion" as Hizbul Islam reinforcements rushed in to battle.

 

Somali government sources in Mogadishu confirmed that a heavily armed convoy of Hizbul Islam fighters left Mogadishu and Afgoye town en route to Lower Jubba region using the main road through Jilib and other towns controlled by Al Shabaab.

 

There was no report of fighting as the Hizbul Islam armed convoy peacefully drove through many towns and villages in Lower Shabelle and Middle Jubba regions controlled by Al Shabaab.

 

Wednesday's clashes come as Hizbul Islam chief Sheikh Hassan Dahir Aweys has called for a "ceasefire" with Al Shabaab.

 

Also Wednesday, Al Shabaab's political and regional relations head, Sheikh Hussein Ali Fidow, told Mogadishu-based media that a "committee" has been established to "investigate the conflict between Al Shabaab and Hizbul Islam."

 

He noted that Al Shabaab and Hizbul Islam leaders have "reached a preliminary agreement" and promised to present the terms to the media once the final agreement is signed.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Shabelle: KISMAAYO

Wararka ka imaanaya deegaano hoostaga Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in mar kale maanta xoogaga islaamiyiintu uu dagaal ku dhexmaray halkaasi.

 

 

Ilo wareedyo ku sugan deegaanka Sooya oo u dhow deegaanka janaay Cabdala ee galbeeka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxaa ay Shabelle u sheegeen in halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal dhexmaray xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo kuwa Xisbul islaam.

 

 

Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii deegaanka Sooya oo ay ku sugnaayeen Ciidamada ururka Xisbul Islaam ay weerar kuq aadeen Ciidamada Walaalayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka kuwaasi oo la sheegay in ay ka soo duleen dhanka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolak J/hoose.

 

 

Saraakiil u hadashay ciidamada Xisbul Islaam ayaa waxaa ay sheegeen in ay iska caabiyeen ciidamadii weerarka soo qaaday iyadoo uusan carabbaabin qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray dhankooda iyo dhankii ay la dagaalameen.

 

 

Sidoo kale Saraakiisha horkacaysa ciidamada Xisbul islaam ayaa waxaa ay sheegayaan in ay ku suganyihiin halkii maanta uu dagaalku ka dhacay iyagoona intaasi ku daray in ay dib u qabsadeen deegaano ay sheegeen in ay shalay kala wareegeen ciidamada walaalayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka.

 

 

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraaiisha walaalayada islaamiga ee gobolada Jubooyinka kaasoo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay deegaanada ku dhow dhow Magaalada Kismaayo.

 

 

Shalay ayey aheeyd markii afhayeenka Walaayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka uu sheegay in ay soo Afjareen dagaaladii dhawaanahan ka dhacayay deegaanada galbeedka ka xiga Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolak J/hoose.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

These news are factual because i know garowe online might not be liked by many people however their dominance in the media is un-doubted. I mean for example have you ever seen cnn ever interview any other somali news website on cnn tv channel? well garowe online has gotten air-time on cnn tv and also is regulary sourced by cnn on somali related matters.

 

All-Africa sources shabelle and garowe online for somali related news also. I have never seen anyone source hiiran from the international community haday runta timado, yet people respect hiiran. Which quite amazing!!!!

 

So Garowe online is one of the more reliable news media outlets in my opinion and if it wasn't why would cnn source them? why would all-africa source them? some troubling questions for opponenents of garowe online.

 

The bottom line is quite simple. Shabab is losing on many fronts in jubba. They got taken over at dhoobley, and also recently at Sooya district.

 

The hizbi islam boys are pushing and closing down shabab out-posts in the surrounding degans, it is matter of time before they march into kismayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this