Sign in to follow this  
RedSea

Count-down: Occupiers to leave within five days.

Recommended Posts

RedSea   

Warkii Ugu Dambeeyey::

Hoyga Afnugaal

 

 

Saraakiisha ciidamada Ethiopia oo sheegtay in 5 maalmood gudahood kaga baxayaan gudaha Somalia.

Warkii 01-Jan-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

Saraakiil u hadlay ciidamada Dalka Ethiopia ayaa waxa ay sheegeen inay gudaha Somalia kaga baxayaan 5 maalmood gudahood taas oo ay sheegeen in lagu amray inay shantaasi kaga baxaan gudaha Somalia iskuna diyaariyaan.

 

 

Ciidamada Ethiopia ayaa waxa ay saraakiishani sheegeen inaysan kaga danbaynayn sida ay u xaqiijiyeen saraakiisha sarsare ee amarka siiyay inaysan kaga danbayn gudaha Somalia oo ay kasoo baxaan iyadoo arintani tahay mid ay si wayn u sugayeen beesha caalamku.

 

 

 

Sidoo kale sarkaal u hadlay Dawlada KMG ah ee Somalia ayaa waxa uu sheegay inay Somalia kaga bixi doonaan ciidamada Ethiopia muddo 5 maalmood ah taas oo uu sheegay inay u sheegeen saraakiisha sarsare ee ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha Dalka Somalia.

 

 

 

Ilaa hadda ma muuqato saan saan muujinaysa in ciidamada Ethiopia ay ka baxayaan gudaha Dalka Somalia iyadoo ilaa hadana aysan jirin fadhiisin ay ka guureen oo kuyaal goobaha ay horay u daganaayeen taas oo dad badani walaac ka qabo inay ka dhabayn waayaan hadalkooda.

 

 

 

Hadaba Beesha caalamka iyo waliba shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa uu si wayn u sugayaa in ciidamada Dalka Ethiopia ay ka guuraan Dalka Somalia kadib markii ay codsi gaadhsiyeen Dawlada Ethiopia inkasta oo aan wali si rasmi ah la isugu halayn Karin arinkaasi.

 

 

Source: Afnugaal.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this