Sign in to follow this  
General Duke

Hatred for everything Somali

Recommended Posts

WHAT IS THE MAN ON ABOUT?

 

Midnimo Information Center

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Feysal Cali Waraabe oo dhowaan u waramayay Telefishinka magaalada Hargeysa iyo qeybaha kale ee Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin maalin Somaliland u dhaanta xilligan.

 

« K/Soomaaliya gooni ayaa loo saaray, mana jirto maalin aan ka fiicanahay maanta, Somaliland waxay ku heshay magac iyo maamuus doorashooyinkii 14-kii April ka dhacay dalkan, waxaana la yaab leh inay nagu tashadeen reer Soomaaliya iyagoo sameystay Deked Somaliland lagu soo xiro oo la yiraahdo Soomaaliya, ciyaartan waxaa wata niman la yiraahdo (**********) kana soo horjeeda Dowladnimadeena» ayuu yiri Md. Feysal Cali Waraabe.

«

 

Hadaan runta idiin sheego dagaal weyn ayaa nagu soo socda oo Dowlad ayaa la rabaa in dusha nalooga keeno, nalana yiraahdo wax la qeybsada ama waa leydin bakhtiinayaa, dagaalkaas waxaan kaga bixi karnaa anagoo iska dhaafna yooyootanka, Dowladda cusubna gacan la siiyo, inagoo mideysanna aan ka hortagno talada ka soo socta shirka Nairobi ee guracan» ayuu si kulul u yiri Md. Feysal Cali Waraabe.

 

Guddoomiye Feysal Cali Waraabe wuxuu tallaabo fiican oo horay loo qaaday ku tilmaamay Wasiiradii hordhac ahaan uu dhowaan u magacaabay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, isagoo tibaaxay in inta la magacaabayba ay yihiin kuwo leh kartida lagu soo xulay. «Haddii aan anigu Madaxweyne noqon lahaa Edna Aadan Ismaaciil waxaan u dhiiban lahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasiirka Difaaca, inkastoo aan horay u aqoon hadana waa nin karti sare leh, Cawil Xaaji Cali Ducaale waa nin Dowladda uu u shaqeeyo daacad u ah, lana dagaalama musuqmaasuqa, waana Qoraa» ayuu yiri Guddoomiye Feysal Cali Waraabe.

 

Source of article

http://www.midnimo.com/June/21_06_feysal_waraabe.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Other interesting news, Business companies get on the act.

 

 

Shirkadda Dahabshiil Oo Dafirtay Farxadda 1da Luulyo

 

Hobyonet.com Muqdisho

 

Shirkadda Xawilaada Dahabshiil oo ah shirkad wayn oo fadhigeedu yahay magaalada Hargaysa, magac wayn iyo laamana ku leh dhamaan magaalooyinka Somaliya, ayaa noqotay shirkaddii u horaysay ee wadani ah ee inkirta munaasabada 1da Luulyo. Calendarka taariikhda ee sannadka 2003 ee ay soo saartay shirkadda Dahabshiil ayay ku qoreen in maalinta 1da Luulyo ay tahay maalin caadi ah ee la mid ah maalmaha shaqada, halka ay maalinta 26 Juun ka dhigeen maalin faysto oo ay u yeeleen calaamad guduudan sida maalmaha Jimcaha.

 

Dadweyne badan oo Somaliyed ayay arintani ku noqotay lama filaan, iyagoo la yaaban in Shirkadda Dahabshiil ay tahay shirkad wadani ah oo u siman dhamaan umadda Somaliyeed, iyo in ay tahay Shirkad Siyaasadeed oo u ololaysa kala go'a Waqooyi iyo Koonfur, iyadoo la wada ogsoon yahay in shacabka Somaliland nafsadiisu uusan isku waafaqsanayn kala go'a. Calendar kaas oo lagu qaybiyay magaalad Muqdisho iyo meelo kale ayay dadwaynaha jecel midnimada Somaliya ka muujiyeen caro wayn.

 

Waxayna kula taliyeen madaxda shirkadda Dahabshiil inay ka waantoobaan ficiladaas oo dhalin kara in ay wax u dhimaan sumcadda iyo ganacsiga shirkadda Dahabshiil.

 

Qfkii raba inuu u muujiyo dareenkiisa wadaninimo sharkaddaas, wuxuu kala xiriiri karaa sidan hoos ku qoran:

 

Dahabshiil Headquarter

Tel. 00-2522-523000

 

DTI-tel 00-476705-9800

Fax 00-2522-523001

Email: Info@Dahabshiil.com

 

Source material

 

http://www.hobyonet.com/news/June/news_Jun_26_Dahabshiil.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

26 of June 1960

 

SANADGUUARDII 43aad Markii Taariikhda Ugu Horreysay oo calan Soomaaliyeed oo xor ah la suro

 

 

This was the flag the place was Hargaysa and this is our heritage, deny it the flag did not kill people, people killed people.

 

 

Calan26.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this