Sign in to follow this  
Suldaanka

Mogadishu remembers the victims of 1989 Jazeera beach massacre

Recommended Posts

------

Muqdisho July 18, 2005 (Haatuf) Munaasabad baroor diiq ah oo loogu baroor diiqayo dadkii xasuuqa loogu geystay xeebta jasiira 1989 ayaa shalay galab ka kadhacday Ex garon kii kubada kolay ga ee la odhan jiray (21) Oktobar ee Muqdisho.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Maxamed munaasabadan waxa soo qaban qaabiyay is bahaysiga USC, SSE, SRRC & Ganac Sade Bashiir Raage iyo hogaanka majliska isirka samaale oo aan u kala hadhin munaasibadan oo ah tii labaad ee lagu qabto Muqdisho gaar ahaan garoonkan oo ku yaala degmada Cabdi Casiis ee magalada muqdisho waxa ka soo qayb galay qaar ka tirsan xildhibanada dawlada Embegati ee ka soo jeeda degaanka Somaliland oo uu ka mid yahay duqii hore ee Berbera Cabdale Xaji Cali Yuusuf, Gayr Maxamed Cali, Xagaa Cabdoo Shodhe Iyo Ina Cabaade iyo Jamal Cabdi Ismacil, Jamal Case.

 

Waxaana munasibada lagu furay aayado quraana kadibna waxa halkaasi lagu daawaday Riwaayad ay soo qaban qabiyeen kooxda Muqdisho baan oo ay ku soo bandhigeen qaabkii uu u dhacay xasuuqii jasiira ka dhacay iyo sidii madaxdii taliskii Siyaad Bare amarka u bixiyeen in dadkaas la laayo iyadoo aan looo aaba yeelin. ruwayadan oo uu ka dhex muuqday oday Cabdule oo ah majajilayste dadku aad ugu qoslaan ayaa si wacdaro leh ku muujiyey sida dadkaa loo laayey waxaana halkaa ka hadlay kana soo jeediyey khudbad ku aadanayd munasibadan godoomiyaha majliska Isirka Samaale Pr.Cabdilaahi Axmed Siyad,oo ka hadlay maalinta maanta oo kale ah in ay tahay maalin aan weligeed la ilaawi doonin oo ay dadka Samaalaha ee dadkaas laga laayey ay xasuusan doonaan isla markaana ay aargoosan doonaan kol ay ay noqotaba balse aan sidaa lagu ilaawi doonin ayuu yidhi Pr Samale waxa uu dadkii meeshaas isugu yimi u cadeeyey in maanta ay tahay maalin aan farxad lahayn balse ah maalin murugo leh kuna ah dadka samaalaha ee aduunka ku dhaqan .waxa isaguna munasibada ka hadlay xildhibaan Jamaal Xasan Ismacil oo sheegay in uu aad iyo aad ugu mahadcelinayo ganacsade Bashir Raage Iyo Cabdiqadir Beebe kaalinta walaaltinimo ee ay noo muujiyeen kaas oo aanaan weligayo ilaaw doonin waxaa uu Jamal muujiyey degmooyinka ka soo qayb galay ee ka socday xafadaha Shangaani Iyo Shibis Iyo Bondheere Iyo cabdi Casis in ay yihiin dad aad iyo aad u mahadsan.

 

Waxa is na ka hadlay munaasabada Cabdale Xaaji Cali Oo sheegay in munaa sabadani aan Somaliland & Muqdisho in teeda kalaba aan laga xusin balse ay afar taa xaafadood & siyaasiin toodu ay noqdeen kuwii koobka dahab ka ah qaatay “waxay ii tahay inaan mar labaad sanad guuradan aan kasoo qeyb galo inigoo tii horena joogay waxaan umahad celinayaa nimanka aan walaalaha nahay Ganac sade Bashiir Raage & C/Khaadir Beebe kaalinta ay inaga buuxiyeen oo ay garteen in dadkii walaalahood ahaa oo sida xaq darada ah loo laayay inay xus baroor diiq ah u sameeyaan waana ugu mahad celi doonaa taariikh daana xusi doonta nin kastoo ka qeyb qaata wax yaabaha Umada tacadiga loogu geystay sidii dad ka loo tusi lahaa dadkii fal kaasi geys tay umadana Usoo ban dhiga si jiilka dambe u gaadhaan wixii ka horeeyay Eedhacay†ayuu yidhi

 

Waxa isna munaasabadaasi ka hadlay C/Qaadir Xasan Beebe Oo ah Gudoomiyaha USC SSE SRRC waxanu yidhi “Maan ta waa maalin Taariikhi Ah Oo la xusayo dad khalad lama ilaawaan ah laga galay iyadoo dadka loo sheegayo in dowladi dalka kajirto hadana dad ka qaar kood Gooni loo xasuuqayo in tii meel banaan lageeyo la laynayo dadka waxay leeyahiin muxuu dalku u dagi la yahay kuwii dambiya daa geystay ayaa dibadaha la wareegaya Somalia Hubka halaga Dhigo bal se waxaan kuu sheegayaa Qoriga waxaan u qaatay xasuuqa loo geystay Umada Ee cadaawada & qabiilaysiga Ku dhisnaa Qoriga in la qaatana Dhibaatadaas ay Geysteen ayaa keentay in dad kii fal kaasi Geystayna waxay U hanqal taagayaan in ay Xukun ka Ku soo laabtaan balse waxaan kuu sheegayaa in qoriga sidaan doono inta aan cadaaladi ka imanayso waxaanan ku sheegaya in goorti ilaahay ugu talo galay ay waxwalba ay ku eekaan doonan, garoonkan hada aan munasibada aan ku qabsanayno waxa la odhan jiray ex; 21 oktobar maanta laga bilaabo waxaa loogu yeedhayaa Oo aan u bixinay (17) july oo ah maalin ta xasuuqa la gaystay. Soomaalida sanad kasta in ta aan joogno waan xusaynaa waxaan uga tacsiyadeynayaa Dhamaan dadkii hal kaas lagu xasuuqayâ€

 

Waxa is na kulan kaas ka had lay Gudo miyaha Shir kada Kaamil Ganac Sade Bashiirraage Shiiraar oo sheegay maanta oo kale in ay tahay maalin baroor diiq ah ahna maalintii xasuuqa somaalida waana dad la khiyaameeyay iyagoo Guryahoodii jiifa inta lala soo baxay la xasuuqay waxaanay isugu jireen Dhakhaatiir Arday & Aqoonyahano kaleba tani waxay noo tahay sanad guuradii labaad waxaanu rabnaa inay noqoto mid taariikhi ah oo jiilba jiil ka dambeeya si ay u ogaadaan wixii Dhacay Eeku saleysnaa cadaalad darada waxaanu u tacsiyadeynayaa dad kii qaraabada & Ehel ka la ahaa dad kaasi waxaanan ilaahay u ga baryayaa in samir & iimaan ilaahay nagasiiyo waxaan ayi dayaa Gudoomiye C/Qaadir Cabdi Xasan Beebe go’aan kii Uuku gaadhay in garoon kan waxii maanta ka da beeya maadaama uu garoonku hoos tago maamulkiisa in maga cii hore loo odhan jiray oo ahaa (21) Oktobar oo maan ta ku eg yahay waayo Oktoobar waxay Dhimatay (1991) oo uu Dhintay magacaasi waa ilaahay mahadii wixii inaga soo maray naf & maal ba ayaanku khasirnay Oktoobar awgeed wixii maanta ka dambeeya waxa garoonkan loogu yeedhayaa (17) juulay Oo ah maalinta Xasuuqa Soomaaliyeed Cidii howl ka leh garoon kaoan ama hawl ku Qabsanaysa waa inay maamulka lasoo xidhiidhaan Dokuminti Goodana ay ku soo Qoraan Magaca ah 17 julay hadii taas ay yeeli wayaan waxaan U sheegaynaa inaan waxba Usuuragalaynin hawsha ay doonayaan waxaanu ku ayidsan nahay Gudoomiyaha Magaca Uu bixiyay Garoonka waxaanu ayid sanahay boqolkiiba kun ayaan taagersanahay waxaan rabaa dad ku inay kalagartaan habeen & maalin wakhtiga la marayo oo ay masiirkooda ay ka tashadaan dad kuna ay kafiirsadaan waxa macno la’aan ta Dhacaya, waad ogtihiin waxa Nairobi lagu soo Dhoo Dhoobay Sida ay Isu fasirtayna waad ujeediin Cunug baa waxa la Yidhi hooyadii baa tidhi Ilaahow mar uun iiga hadashii markiina ilaahay ka hadalsiiyayna wuxuu yidh hadal xun oo ayna kafilayn Mar kaasoo ay tidhi ilaahow Kuceli halkiisii mar kaas waxaan leeyahay dadka Somaalida khilaafaadkooda yar Hoos U xidhiidh sadaan Wixii nairobi ka soo baxayna waxay noqdeen in la yidhahdo dadka ha naloo qabqabto iyo ha naloo xidh xidho markaas waxaan ka codsanayaa dadka Somaliyed in ay fahmaan waxa ay cadaaladu ay tahay oo ay dadkooda u ogadaan waxa lala damacsan yahay iyo waxa la rabo in mustaqbalkooda la mariyo†ayuu yidhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this