Sign in to follow this  
Jabhad

Woyanne militia oo xasuuqa shacabka sii wada.

Recommended Posts

Jabhad   

Ciidamada Xukuumada Ethiopia Oo Dad Rayid Ah Ku Xasuuqay Xarun Internetka Laga Isticmaalo.

 

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Jun 30, 2007

 

Ciidamada xukuumada ethiopia ee ku sugan magaalada caasimada ee muqdisho ayaa ku diley dhalin yaro ku jiray xarun internetka laga isticmaalo oo ku taala agagaarka ex-cantarol.

 

Ilaa ku dhowaad 3-nin oo dhalin yaro ah ayaa waxaa ciidamada ethiopia ku dileen meel ganacsi oo laga isticmaalo internetka ,halkaasoo ay u gaysteen jidhdil xoogan islamarkaana rasaas madaxa kala beegsadeen ,arintan oo ka dhalatay markii uu halkaasii kolonyo baabuur ah oo maraysay oo wateen ciidamada ethiopia uu ku qarxay goobtaas islamarkaana uu halkaas ku gubtay gaari nooca ciidamada qaada ee loo yaqaano Uralka.

 

Baabuurkan oo ay ku qaraxday miinada la hago ayaa sida ay sheegeen dad xog ogaal ahi waxaa ciidamadaasi ka daateen baabuurtii ay wateen islamarkaana waxay ku faafeen agagaarka xaafadaasi halkaasoo ay galeen xaruntan ganacsi ee laga isticmaalo internetka taasoo ay ku dileen 3-da wiil ee dhalin yarada ahaa sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo magacooda qariyey.

 

Ciidamada ethiopia ayaa badanaaba ka aargoosta dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan marka ay ay xoogaga kasoo hor jeeda joogitaankooda ay waxyaalaha qarxa u dhigaan ama iska hor imaad dhaco .

 

Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale ay ku xasuuqaan dad rayid ah ciidamada ethiopia bishan bartamaheeda ayay ahayd markii ay ku dileen sadex wiil oo walaalo ah agagaarka ex-kuliyadii ciidamada ee jaalle siyaad ,kadib markii halkaasi ay gaari nooca Uralka ah miino kula qaraxday .

 

http://www.somalitalk.com/2007/jun/30jun707.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this