Sign in to follow this  
miles-militis

Riyaale’s colossal yet incompetent administration

Recommended Posts

For anyone who thinks that the clever words on paper may constitute the reality on the ground might what to peel the skin off the outer layer. Pure aghast and proportionately shabby ministerial posts of no substance!

 

Qoute "... Bal aan idiinku daro sheekadan yar oo ku saabsan Maroodi rimay, habar dugaag baa isku soo baxay si ay uga umuliyaan, halkii laga sugayey in uu Boqorkii beddeli lahaa dhalo ayaa wuxuu dhalay Jiirar tiro badan. Jiirku marka ay dhashaan itaal, indho iyo awood midna ma laha. Sidaa darteed, Somaliland maanta ma joogto meel ay uga dhashaan Jiirar bilaa arag ah oo aan awood lahayn ee waa la hagraday. Markaa dawladdii tayada lahayd ee la sugayey ma waxay noqotay Maroodigii rimanaa ee Jiirarka dhalay?" Sirad A Yussuf.

 

 

Read along you might learn one or two things young ones!

 

Dawladdii Tayada Lahayd Ee La Sugayey Maxay Noqotay Maroodigii Rimanaa Ee Jiirarka Dhalay” Siraad Cali Yuusuf.

Hargeisa,Somaliland

1 August, 2003

Jamhuriya

 

Hargeysa (Jam)- Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Marwo Siraad Cali Yuusuf, ayaa ka hadashay ballanqaadkii Madaxweyne Rayaale ee ku saabsanaa in uu soo dhisi doono dawlad tayo leh.

 

Marwo Siraad, qoraal dheer oo ay xalay fiidkii soo gaadhsiisay Jamhuuriya, isla markaana ay aragtideeda kaga dhiibanayso ballanqaadkii Madaxweynaha iyo sidii ay dadweynaha reer Somaliland u soo dhaweeyeen mucaarad iyo muxaafidba, iyo guud ahaan sida uu u maamulay ee uu arrintaa ka yeelay Madaxweynuhu.

 

Marwo Siraad, qoraalkeeda waxa ay ku tidhi;

 

“Tan iyo markii Madaxweyne Daahir Rayaale sheegay in uu dawlad tayo leh dhisayo waxa laga joogaa laba bilood iyo dhawr iyo toban maalmood. Dhawaaqa Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen dadweynaha reer Somaliland muxaafid iyo mucaaridba ayaa su’aashu waxay tahay:

 

Muxuu ku dambeeyay, mase kaga dhabeeyey dawladdii tayada lahayd, dawladda uu dhisay ma tahay tii laga sugayey, dadweynaha reer Somaliland sidee ayey u arkaan, maxaa la odhan karaa way ku keliftay dawladda noocan ah in uu dhiso, maxaa la gudboon in uu hadda yeelo ummad ahaan, dal ahaan iyo dhaqaale ahaanba, ma qaadi karnaa dawlad noocan ah?

 

Run ahaantii waxaan si dhab ah oo aan shaki lahayn aynu u odhan karnaa ballanqaadkaasi waxa uu noqday mid uu uga jeeday uun dabkaga-kac, aan marnaba ahayn tii laga filayey, xataa mid u dhow ama u ekoonna ahayn. Waayo, tiradan 50ka Wasiir gaadhay waa tii ugu horreysay ee noocan oo kale ah ee soo martay dalka Somaliland ilaa 1960kii, iyada oo aanay marnaba gaadhin tiradani xataa waqtigii la samaynayey Wasiiradii xalka ahaa ee beelaha lagu raalli-gelin jiray.

 

Tirada Wasiiradan xad-dhaafka ah waxaa hubaal ah in aanu dalkeennu maanta u baahnayn qaadina Karin xag dhaqaale oo xaalkeenna waynu wada ogsoonahay. Dhaqaalaha yar ee Dekedda Berbera laga qaado ee weliba jeebka Madaxweynaha ku dhacda, ma qaadi kartaa, horumarse ma lagu gaadhi karaa dawlad 50 Wasiir ah. Kuugtu haddii ay badato maraqa ayaa xumaada.

 

Xafiisyo ay 50ka Wasiir fadhiistaan iyo gawaadhidooda ma laga bixi karaa? Intaas waxa hoostaal hay’addo kale oo iyagana laga hoos sameeyey oo dadyow kale laga buuxiyey. Halkaa waxa ka muuqata wixii UDUB u codeeyey kaadh Wasiirnimo ayaa la siinayaa.

 

Waxa ilaa hadda dawladdaha caalamka ugu dhaqaale badan sida Norway, waxa ay leeyihiin 15 Wasiir, mana laha Wasiir-ku-xigeen, Wasiiru-dawle-na hadalkiisaba daa.

 

Haddaba, Madaxweynuhu ma aha nin intaa garan waaya, waxayse ila tahay in laba qodob mid uu ku keliftay:

 

1-In wax uu arkayaa ku dirqiyeen oo uu baaraqabada ku hareeraysan u habraday.

 

2-In dantiisa gaarka ah uu sidan u arkay oo aan dalka iyo dadka midna dani ka hayn.

 

Cid walba mucaarad iyo muxaafid ka ay doontaba ha ahaatee waxa ay qirayaan ama ay caddaynayaan in Madaxweyne Rayaale in uu si weyn ugu fashilmay ballanqaadkii dawladdii tirada iyo tayada habboon lahayd. Waxa iyana la yaab leh in golahan uu magacaabay uu u badan yahay raggii 10ka sannadood meesha fadhiyey ee waxay gallaan iyo waxay guddaanba ummaddu garanaysay, waxqabadkoodana hore loo arkay waxay hadda qabanayaana la saadaalin karo. Arrintaasi waa ta dadweynaha Somaliland ka dhigtay isku aragti keli ah.

 

1-Waxay ila tahay ama aan kula talinayaa Madaxweynaha in uu is casilo, isla markaana ku dhawaaqo in uu ku fashilmay awooddina kari waayey in uu dhiso dawladdii tayada lahayd ee uu ku ballanqaaday, taas oo isaga [Madaxweynaha] magaciisa iyo sharaftiisaba mustaqbalka ugu jirta taariikhdana ay ku ammaani doonto. Ama

 

2-In uu caddeeyo sababaha ku kelifay in uu sidan ka dhigo si uu dadka u qanciyo, isla markaana garowshiiyo u helo.

 

Bal aan idiinku daro sheekadan yar oo ku saabsan Maroodi rimay, habar dugaag baa isku soo baxay si ay uga umuliyaan, halkii laga sugayey in uu Boqorkii beddeli lahaa dhalo ayaa wuxuu dhalay Jiirar tiro badan. Jiirku marka ay dhashaan itaal, indho iyo awood midna ma laha. Sidaa darteed, Somaliland maanta ma joogto meel ay uga dhashaan Jiirar bilaa arag ah oo aan awood lahayn ee waa la hagraday. Markaa dawladdii tayada lahayd ee la sugayey ma waxay noqotay Maroodigii rimanaa ee Jiirarka dhalay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this