Sign in to follow this  
Liibaan

Jabhada Warlord Siilaanyo Aqoonsigii Gudaha Ayay La’dahay Talaabo

Recommended Posts

Liibaan   

Source: www.tvsomalilandeurope.net (Somalidiid website)

 

 

Xukuumadda Cusubi Aqoonsigii Gudaha Ayay La’dahay "Talaabo"

 

 

“Anagu Aqoonsiga Dibada Ayaanu La’ayn, Xukuumadda Cusubi-Na Aqoonsigii Gudaha Ayay La’dahay”

 

Wasiirkii Ku Xigeenkii Hore Ee Cadaalada Mr. Talaabo

 

Hargeysa(TVSLE) - Wasiir ku xigeenkiii hore cadaadalada Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) ayaa si wayn u dhaliilay waxqabadka xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ee shalay boqol jirsaday.

 

Talaabo ayaa waxa uu sheegay in ilaa hada aanay xukuumadu soo bandhigin waxqabad la taaban karo, isla markaana waxa uu ka dhawaajiyey in xukuumada cusub ee madaxwayne Axmed Siilaanyo loogu wanqalay dayn faro badan oo ay ka qaadatey ganacsatada Somaliland.

 

 

Wasiirkii ku xigeenkii hore ee cadaalada Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah saxaafada ugu waramayey barxada hore ee Huteel Kaah oo shalay ay masuuliyiin xukuumada cusub oo uu horkacayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ay ku soo bandhigayeen waxqabadkoodii boqolkii maalmood ee talada dalka hayeen, waxa kale oo uu sheegay in xukuumadii hore ay ku adkayd siyaasada arimaha dibada, halka buu yidhi ay xukuumada Axmed Siilaanyo-na ku liidato siyaasada arimaha gudaha, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Labadii gacmood ee isa salaamayay ee xisbiga kulmiye astaanta u ahaa waxa la leeyahay hadda way isu dhaw yihiin, mana hubno laakiin waa xanshaashaqa magaalada”

 

Talaabo ayaa tilmaamay in xukumadii hore aanay isku hawli jirin sidii Somaliland ay beesha caalamka uga heli lahayd aqoonsi caalami ah, balse xukuumadan cusubi aanay haysan aqoonsigii gudaha Anagu (Xukuumadii hore) aqoonsigii dibada ayaanu la’ayn, laakiin tani (Xukuumadda Cusub), aqoonsigii gudaha ayay la’dahay”

 

Ugu danbayntiina waxa uu saluug xoog leh ka muujiyay qaabkii loo soo dhaweeyay wafitigii hor kacayay madaxweyne siilaanyo, kaas oo dhawaan socdaal qaatay saddex maalmood ku tagay dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi "Markii hore waxa laga qaylinay dayn, haddana dayn baan ku wanqalayaa, waxaasi maaha wax lala yimaado ee maxaad qabatay. rooga lagu soo dhaweeyey Madaxwaynaha Somaliland-na waxa laga reebay oo ka dhinaa in baabuurkii lagu qaaday laga lulo calanka Jamhuriyada Somaliland”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this