Sign in to follow this  
Abwaan

Muunye iyo TFG ma isku dheceen?!

Recommended Posts

Abwaan   

Dowladda Somalia oo ugu baaqdey Eng Muunye in uu soo wareejiyo maraakiibtii dowladdii hore.

Click here to find this article in English

 

Mogadishu 03, July 07 ( Sh.M.Network)- Dowladda Somalia ayaa maanta ugu baaqdey Eng Muunye Saciid oo gacanta ku haya maraakiibtii dowladdii hore ee Somalia in maraakiibtaasi uu soo galiyo gacanta dowladda Somalia.

 

Agaasimaha wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Axmed Max’ed Iimaan oo saxaafadda kula Hadley Muqdisho maanta, ayaa waxaa uu sheegey in Eng Muunye oo wasaraddii kalumeysiga dowladdii Max’ed Siyaad Barre ugu xilsaarnaa howlaha maraakiibta uu gacanta ku hayo ilaa 6 marakab oo ay dowladda Somaliyed leedahay.

 

Waxaa uu sheegey in maadaama ay hadda dalka gacanta ku heyso dowladda Somalia aaney habooneyn in maraakiibta ay shaqsiyaad si gaar ah ugu adeegtaan balse ay tahay in ay ku soo wareejiyaan dowladda Federaalka Somalia.

 

Waxaa uu intaasi ku darey Agaasimaha wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda in mid ka mid ah 6daasi markab oo lagu magacaabo 21 October uu ku soo caariyey dhawaan xeebta Garacad ee maamulka Puntland, ayna qorsheyneyso wasaaraddiisu in dhawaan ay u dirto qalab soo jiida markabkaasi oo si nabad ah loo keeno goob lagu hagaajiyo.

.

 

Mar la weydiiyey agaasimahaasi in Eng Muunye ay kala xisaabtami doonaan hantidii ka soo gashey adeegsiga maraakiibtaasi intii sharci darrada uu dalku ahaa ayuu sheegey in ay tahay in marka hore ay la wareegaan maraakiibta markaasi ka dib uu xisaabtan imaan karo.

 

Inkastoo mas’uulkaasi u Hadley wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda uu sheegey in loo baahan yahay in la soo wareejiyo maraakiibtaasi, ayaa waxaa uu haddana sheegey in iyadoon la sameyn sharcigii lagu hagi lahaa xeebaha aaney awood u laheyn in ay la soo wareegaan maraakiibtaasi.

 

Agaasimaha wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Axmed Max’ed Iimaan ayaa waxaa uu intaasi ku darey in marka la sameeyo ka dib shuruucdaasi ay dowladda Yemen ka codsan doonaan in loo soo wareejiyo maraakiibtaasi maadaama dalka Yemen ay tahay fariisinka Eng Muunye.

 

Maraakiibtaan 6da gaaraaya ee ay laheyd dowladda Somalia ayaa waxaa 17 kii sano laga soo gudbey gacanta ku hayey Eng Muunye Saciid oo ka mid ahaa mudanayaashii baarlamaanka ee dhawaan laga qaadey xubanimadii baarlamaanka markii lagu eedeeyey in uu soo xaadiri waayey fadhiyada baarlamaanka.

 

Click here to find this article in English

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Muunye maraakiibtaan mar hore ayuu bililiqo u qaatay mana u malaynayo inuu dowladna siinayo TFG oo Itoobiya u shaqaysa warkooda iskaba dhaafe, waanse arki doonnaa halka Drama-daan ku dambayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Muunye is not alone ragga xaraanta xalaaleeystey, isagu waaxa uku fiican yahay weli waa hayaa, oo ma gadin,laakin waxay Ila tahay haduu imaan qabo, 17 waqti yar maaha, ee ka dhereg!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Dabshid:

Muunye is not alone ragga xaraanta xalaaleeystey, isagu waaxa uku fiican yahay weli waa hayaa, oo ma gadin,laakin waxay Ila tahay haduu imaan qabo, 17 waqti yar maaha, ee ka dhereg!

Waa runtaa Saaxiib isagu wuu hayaa laakiin yuu u hayaa? Ma Soomaali? Waad maqashay silica Soomaali ku haysta dalka Yaman ee isaga saldhigga u ah weligeyna ma maqlin wax uu taray meel kale iskaba daa. U mallayn maayo inuu ka duwan yahay kuwaas tirada badan ee lunsaday, waraysiyo aan dhegeystay ee lagu waraystay waxa uu ku sheegaa waa hanti Soomaali laakiin intaan ogahay Soomaali kama manaafacaaddo.

 

 

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

This Axmed Max’ed Iimaan guy is a rising star.

 

He seems the only guy focusing on "wax-qabad" and helping the nation's ecomomy. Others are busy plotting to kill.

War ninyahow waan kugu raacsanahay wax shaqo ku sii jeeda ma aragno boob un bay ku sii jeedaan laakiin looba jooge haddii Muunye soo celiyo iyo halka Axmed wax mariyo.

 

Originally posted by Allamagan:

Hadduu soo cesho rag kale ayaa ku tagaya oo qaadanaya ee see la yelaa hee!

Way dhici kartaa oo inaanba arag iyagoo Meles iyo Geeddi u shaqaynaya laakiin bal haddiiba la wareejiyo marka hore intaan loo dhiibin cid kale ama uusan wareejin waa in Muunye lala xisaabtamaa lacagtii uu intaas oo sano ka sameeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Abwaanoow, Saxb waa runtaa, nin kan Muunye la dhaho waa ka noolaadey maraakiibtan , Somali wax ma tarin, waana haboon tahay in lala xisaabtamo, laakiin mid ogsoonoow, wax Qarankii bur buray lahaa wax haya isagaba jira, Hantidii wadanku meeday, waa lawada xaraashey, Cumar Carti Qalib xitaa maraakiib kale oo wadanku lahaa Dubai buu ku iibshay, Meeday Diyaradihi Cusbaa ee Somalia Airline?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this