Sign in to follow this  
General Duke

Bayaan: Siyaasiyiinta beeshe *********** [SOOL] ee Jooga Muqdisho

Recommended Posts

Bayaan: Siyaasiyiinta beeshe *********** ee Jooga Muqdisho

by Buuhoodle.net 19.01.04

Shir ay isugu yimaadeen wax garadka beesha *********** oo isugu jira culumo’udiin, aqoonyahano, saraakiil, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo hooyooyin oo ka dhacay jimcihii taariikhdu markay ahayd 16/01/2004, degmada dharkeenley ee gobalka banaadir.

 

Shirkaas oo ay beeshu kaga hadashay mawqifkooda kuwa jahan isku-haysadka maamulada soomaliland iyo puntland ee gobalada sool sanaag bari iyo howd iyo mideynta danaha beesha *********** ee ku dhaqan magaalada muqdisho.

 

Dood iyo falanqeen dheer ka dib beeshu waxay isku afgaratey in gobaladaasi yihiin gobolo hoos taga maamul goboleedka puntland.

 

Taas oo u sabab ah saldhiga nidaam qeybsiga afar beeloodka iyo barka kuna salaysan nidaamkii soo jiriinka ahaa ee soomaaliyeed iyoh iyadoo aan gobaladaasi xalaaleen Karin xuduud ku sheegii (1884) sidoo kalena aan xaaraameen Karin heshiiskii (1960) ay soomaali ku midawday.

 

Hadaba inta laga helayo midnimo soomaaliyeed Gobalada waqooyi galbeed waxaan ugu baaqeynaa in ay ilaaliyaan darisnimada.

 

Sidoo kale beeshu waxay gudoonsatay in ay abuurato guddi samafal, sanduuq dhaqaale iyo odayaal xeer beegti ah.

 

Taas oo lagu ilaalinayo dhaqan soo jireenkii beesha iyo la dhaqanka suuban ee beelaha kale.

 

Sidoo kale beeshu waxay danaynaysaa oo soo dhawaynaysaa nidaam kasta oo maamul loogu sameeynayo gobalka banaadir laguna xasilinayo amniga guud.

 

Sidoo kale waxay beeshu baaq nabaddeed usoo jeedinaysaa beelaha ku dagaalamaya Banaadir Xeraale Ceelbuur Gobalka Bay iyo Koonfurta Gaalkacayo iyo meelkasta oo lagu haminayo in lagu daadiyo dhiig sokeeye .

 

 

 

Magacyada Saxiixayaasha Bayaanka

 

1. Cisamaan macalin xeraw Gudoomiye

 

2. Axmed Caalim Ismaaciil K/Xigeen

 

3. G/sare saciid cali saalax

 

4. G/sare Axmed maxamed wardi

 

5. G/sare cabdi maxamed baradho

 

6. G/sare wiilo diiriye Sugulle

 

7. Dhame cumar maxmuud xaaji yuusuf

 

8. maxamed cadde faarax

 

9. Dr: maxamed ismaaciil faniin

 

10.Dr: Cabdi fataax aadan isxaaq

 

11.Dr: Cabdikarim saleebaan cumar

 

12 C/laahi Nuux Maxamed

 

13.Maxamed cabdi faarax

 

14.Caasho aadan aar

 

15. Canab faarax

 

16. Sh.C/naasir Sh. Mursal

 

17. Sh. Aadan aw yuusuf

 

18. Sh.C/rashid Axmed Caalim

 

19. Sh.Xusseen Axmed Xusseen

 

20. Sh.Cali boobe

 

21. Jaamac Suudi Faarax

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this